05/08/2026
Digniin Muhiim ah
Buskudka nafaqada ee RUTF (Ready-to-Use Therapeutic Food) waxaa si gaar ah loogu talagalay daaweynta carruurta la ildaran nafaqo-darrada daran. Ma aha cunto caadi ah oo ay isticmaali karaan dadka caafimaadka qaba ama carruurta aan u baahnayn daaweynta.
Khubarada caafimaadku waxay ka digeen in RUTF lagu iibiyo suuqyada ama loo isticmaalo si ka baxsan ujeeddadii loo sameeyey, maadaama ay taasi halis gelin karto carruurta sida dhabta ah ugu baahan. RUTF wuxuu qani ku yahay kalooriyo, dufan, borotiin, fiitamiino iyo macdano loogu talagalay soo kabashada carruurta nafaqo-darrada daran.
Sidaa darteed, bulshada waxaa lagu boorinayaa inay ka fogaadaan isticmaalka aan loo baahnayn ee RUTF, ayna ka qayb qaataan ilaalinta cuntadan daaweynta ah si ay u gaadho carruurta ugu baahan.
Xafiiska Caafimaadka DDS.
August.5.2026