12/07/2026
Axad:- 12/07/2026 G.c. 05/11/2018. W.c
🧹 OLOLE NADAAFADEED OO LAGA FULIYAY XARUNTA CAAFIMAADKA DEGMADA ABAQAROW 🏥
Maanta waxaa si guul leh looga fuliyay xarunta caafimaadka Degmada Abaaqarow olole ballaaran oo nadaafadeed, kaas oo ay iska kaashadeen Mamulka, shaqaalaha degmada, Xirfadlayaasha xarunta caafimaadka, dhalinyarada, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Ololahan waxaa ujeeddadiisu ahayd kor u qaadista nadaafadda deegaanka xarunta caafimaadka, ilaalinta bilicda goobta, ka hortagga faafidda cudurrada, iyo xoojinta wacyiga bulshada ee ku saabsan muhiimadda nadaafaddu u leedahay caafimaadka iyo deegaanka.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa dhammaan Maamulka, shaqaalaha degmada, shaqaalaha xarunta caafimaadka, dhalinyarada mutadawiciinta ah, iyo bulshada ka qayb qaadatay ololahan. Wadajirkooda, dadaalkooda, iyo dareenkooda mas'uuliyadeed ayaa horseeday in xaruntu noqoto meel ka nadiifsan, kana caafimaad badan sidii h**e.
Nadaafaddu waa masuuliyad wada saaran qof kasta. Bulsho caafimaad qabta waxay ka bilaabataa deegaan nadiif ah. Aynu sii wadno ilaalinta nadaafadda xarumaheenna caafimaad, goobaha adeegga bulshada, iyo deegaanka aan ku nool nahay, si aan u dhisno bulsho caafimaad iyo horumar ku naaloota.
"Nadaafaddu waa furaha caafimaadka, wadajirkeenuna waa saldhigga horumarka."
Xafiiska Cafimaad Degmada Abaqarow Gobalka Shabeele DDS