Wakhtiyada ugu adag nolosha waxa kamida marka aad sheegayso waxkaduwan waxad dareemayso 😁😁
03/11/2021
Waa diyaar asxabay 😁😁😁
01/11/2021
Noloshaa duruusta le
Wakhtigaa mar kuu daran
Marna deeqda kuu dhala
Jacaylkuna duruufaha
Hadba tuu la daris yahay
Kugu noqoy mar daybaaq
Marna malabka doocaan.
Intaan heeso daabacay
Inta aan dabuub gabey
U dareershay caashaqa
Danta guud haddii aan
Kaga doodi laa badi
Dalku wuu hor mari laa
Duniday anfici layd.
Wakhtigaan Ku daayacay
Dhudi daydaygeedii
Haddaan duunyo dhaqan laa
Dahab baan Ku heli laa.
Dookhayga nacaskii
Intuu daba gucleeyee
Daraaddeed u hawl galay
Haddii aan da'deediyo
Doc kaleeto jaman laa
Dadab baan la gali laa
Waxaan daadahayn laa
Ubad aan ku diirsado.
Xiska iyo damiirkiyo
Inta aan caqliga dilay
U dulleeyay kaligeed
Nafta dabarka caashaqa
Haddii aan ka dayn laa
Cilmigiyo duruusaha
Diinta waan Ku baran laa.
Be the first to know and let us send you an email when Fartun Caraf Janno posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.