Cusbitaalka darajada 1aad ee Jigjiga

Cusbitaalka darajada 1aad ee Jigjiga Adeeg ku dhisan naxariis iyo daryeel

27/08/2026
27/08/2026
23/08/2026
Waxaa  gudaha Cusbitaalka Darajada 1aad Ee Jigjiga  Ka Qabsoomay Shirkii Toddobaadlaha Ahaa Ee Nidaamka Dib Uhabaynta iy...
18/08/2026

Waxaa gudaha Cusbitaalka Darajada 1aad Ee Jigjiga Ka Qabsoomay Shirkii Toddobaadlaha Ahaa Ee Nidaamka Dib Uhabaynta iyo Sixida Caqabadaha (SBFR).
Shirkan oy Kasoo Qayb galeen Dhamaan Madax Waaxeedyada Kaladuwan lyo Maamulka Sare Ee
Cusbitaalka Ayaa waxa Lagu Qiimeeyay Waxqabadkii Todobadki la so dhaafay. Kaas Oo Xooga Lagusaaray Tayaynta Adeeg Bixinta Caafimaadka, Ka Shaqaynta Qanaacada Bukaanada iyo Siinta Adeeg Hufan iyada Oo Laga Jawaabayo Baahiyaha Kala Duwan Ee Bukaanka iyo Bulshaduba Qabaan.
Ugu Danbayn Waxaa La isla Qaatay in La Sii Xoojiyo Adeeg-Bixinta iyo Meelaha Caqabaduhu Ka Jiraan Sidii Loo Sixi Lahaa Loogana Gudbi Lahaa Caqabadahaas.

12/12/18 EC -JPH

08/08/2026

Maanta, waxaa qabsoomay Shirka Guddiga Board-ka ee Rubuca 4-aad ee cusbitalada Jigjiga primary iyo karamara general hospital kaas oo uu shir-guddoominayay Duqa Magaalada Jigjiga Mudane Eng. Shafi Ahmed Ma’alim ahna Guddoomiyaha Guddiga Board ga.
Shirka waxaa lagaga hadlay arimo muhiim ah oo la xidhiidha waxqabadka cusbitaalada, ansixinta qorshayaasha 2019 T.I, iyo xoojinta habsami-u-socodka adeegyada iyo maamulka.

Hambalyo!Hambalyo dhammaan bahda Cusbitaalka Darajada 1aad ee Jigjiga, gaar ahaan dhammaan shaqaalaha ka hawlgala Waaxda...
29/07/2026

Hambalyo!

Hambalyo dhammaan bahda Cusbitaalka Darajada 1aad ee Jigjiga, gaar ahaan dhammaan shaqaalaha ka hawlgala Waaxda Shaybaadhka.
Maanta oo ay taariikhdu tahay 29/07/2026, waxaa magaalada Jigjiga lagu soo gabagabeeyey Kulanka Sanadlaha ah ee Dib-u-eegista Waxqabadka Tayada Adeegyada Shaybaadhka.
Gunaanadkii munaasabadda, Cusbitaalka Darajada 1aad ee Jigjiga waxaa lagu guddoonsiiyey Laptop iyo Shahaado Sharaf, kaddib markii uu ku guuleystay kaalinta koowaad ee qiimeynta tayada adeegyada shaybaadhka.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa madaxa waaxda iyo dhammaan shaqaalaha Waaxda Shaybaadhka dadaalkooda, hufnaantooda, iyo sida ay uga go'an tahay kor u qaadista tayada adeegyada caafimaadka. Abaalmarintani waa mid ka dhalatay dadaalkiinna iyo shaqadiinna wanaagsan.
Waxaan idinku dhiirrigelinaynaa inaad sii waddaan bixinta adeegyo shaybaadh oo tayo sare leh, si bulshada loogu adeego si hufan, amaansan oo waxtarna leh.

28/07/2026

MAALINTA CAALAMIGA AH EE CAGAARSHOWGA , 28 JULY 2026
------
Maanta oo ay taariikhdu tahay 28 July 2026, waxaa dunida odhan laga xusayaa Maalinta Caalamiga ah ee Cagaarshowga (World Hepatitis Day), oo ah maalin lagu xoojinayo wacyigelinta bulshada ee ku saabsan ka hortagga, baadhitaanka, iyo daaweynta cudurka cagaarshowga.

Hadaba beri arbacada oo ay taariikhdu tahay 29 July 2026, waxaa la qaban doonaa baadhitaano bilaash ah(FREE) oo lagu ogaanayo cudurka cagaarshowga.

》Goobta: Agagaarka Park-ga Sayidka
》Taariikhda: 29 July
》Adeega: Baadhitaanka Cagaarshowga (Hepatitis) oo BILAASH.

Hadaba Waxaan si diirran ugu baaqeynaa dhammaan bulshada inay ka faa'iidaystaan fursadan muhiimka ah.

Caafimaadkaagu waa mudnaantaada. Kaalay, is baadh, kana qayb qaado ilaalinta caafimaadka bulshada.

Mahadsanidin.

Xafiiska Caafimaadka DDS
July 28, 2026

16/07/2026

Fiid nimo wanagsan dhamaan bulsho waynta caasimada deegaanka, Jigjiga.

# Cusbitaalka darajada 1aad ee Jigjga adeeg yada caafimaad ee uu bixiyo waxaa kamida:

1. Adeega gurmadka deg deg ah.
2. Adeega bukaan jiifka ( caruurta, dadka waawayn, hooyada iyo dhalaanka).
3. Adeega qaliinka ( Operation Room).
4. Adeega bukaan socodka ( carrurta iyo dadka waawayn).
5. Adeega daawaynta cudurada ku dhaca maqaarka( dermatology).
6. Adeega daawaynta ilkaha ( dental OPD).
7. Adeega daawada ee farmasiiyada kaladuwan( ka bukaan socodka, bukaan jiifka iyo ka ART ga).
8. Adeega shay baadhka oo casri ah oo dhamaystiran( central and ANC laboratory).
9. Adeega raajitada oo dhamaystiran ( radiology services).
10. Adeega dadka xaalad darani haysato ( ICU).
11. Adeega dhaxanta ( TB-DOT iyo MDR-TB).
12. Adeega xanaanada hooyada iyo talalka( ANC and EPI).
13. Adeega baadhista cancer ka ku dhaca makaanka afkiisa iyo naasaha ( Cervical and breast cancer screenimg).
14. Adeega ART ga.
15. Adeega koombiyuterka ( ANC, MCH iyo waaxda rajitada).
16. Adeega koombiyuuterka ee lagu la socdo xalada ilmaha uurka kujira ( CTG).

# Dhakhaatiirta takhasuska ah ee ka hawl gala:-

1. Dhakhaatiir ku takhasustay adeega qalinka guud.
2. Dhakhaatiir ku takhasustay daawaynta iyo qalinka xanuunada hooyada.
3. Dhakhaatiir ku takhasusay daawaynta dadka waawayn.
4. Dhakhaatiir ku takhasusay daawaynta caruurta.
5. Dhakhaatiir takhasus sare uleh daawaynta xanuunada ku dhaca maqaarka.
6. Dhakhaatiir takhasus uleh daawaynta ilkaha
7. Dhakhaaatiir ku takhasusay saarista iyo akhrinta raajitada iyo koomiitarada.
8. Dhakhaatiir takhasus sare uleh suuxinta bukaanka laqalayo iyo latacaalida bukanada ku jira ICU ga.

Address

Somali Region
Jijiga

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Cusbitaalka darajada 1aad ee Jigjiga posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share