25/12/2024
Waxaan xusuustaa mudo ka hor, waxaan ka soo degay airport-ka luton ee ku yaala London, waxaan galay supermarket-airport-ka kuyaala, saacadu waxay aheed around 1am, counter-ka supermarket-ka waxaa ka shaqaynaysay gabar yar aan u qiyaasay cumrigeeda 19 sano. Saf ayaan ku jirnay, nin oday ah ayaa iga h**eeyey safka, markuu alaabtii dhigay gabadhii xisaabta ayay u sheegtay, odayga wuu is xanaajiyey, wuxuu ku yiri “maad sifiican ila hadashid, maxaad ii dhehe weysay subax wanaagsan” gabadhii waxay dhahday raali noqo, laakin wuu ka diiday raali galinta, wuu is sii xanaajiyay, wuxuu yiri waxaad ka shaqeysaa Airport dadka waa inaad si fiican u soo dhoweysaa, markaa manager-kaaga igu yeer waan ku dacwaynayaa.
waxaan arkay gabadha oo oohin isku celinayso oo yeertay manager-keeda. wuxuu bilaabay inuu manager-ka ku dacweeyo,
Runtii waan u gegsan waayey waxa meesha ka socday, kadibna iyadoo dacwada socota ayaan manager-ka u tegay waxaan ku iri ninkaa wuu qaldanyahay, gabadhana wax qalad ah mey sameenin, ninkana waxaan ku dhahay maxaad ka faaiday inaad gabar yar, oo wakhtigan dambe taagan halkan oo shaqaysanaysa inaad maanta ka ooysiisid, maxaad ka ogtahay xaalada ay ku sugantahay iyo waxa nolosheeda ka socda, oo sababtay inay ku soo dhoween wayso sidaad adiga jeceshahay.
Gabadhii iyo manager-keeda way ii mahdiyeen dad badan oo meesha joogana waxay taageereen gabarta yar.
Waxaa muhiim ah marwalba inaan xusuusano, qof walba oo bani’aadam aad aragto wuxuu maryaa dhibaato aanan anaga wax ka ogeen, markaa marwalba dadka haloo roonaado.