Dr Mohamed Nyeusi

Dr Mohamed Nyeusi Sharing trusted health tips, community awareness, and daily motivation to help people live healthier, happier, and more informed lives.

Xaruumaha Caafimaad ee gaarka loolleeyay (Intooda badan), waxay halis kuyihiin badqabka bulshada si guud, si gaar ah car...
09/07/2026

Xaruumaha Caafimaad ee gaarka loolleeyay (Intooda badan), waxay halis kuyihiin badqabka bulshada si guud, si gaar ah carruurta kayar 5-ta Sanno!

Ilmahaas yar ee sawirkiisa uu idiin muuqdo wuxuu jiraa 10 bilood, waxaana laga keenay baadiyaha Degmada Xuddur.

Markay magaalada soo gaareen, waxaa h**e laga geeyay mid kamid ah isbitaallada Private-ka ah ee Degmada.
Daawooyin ayay u billaabeen, muddo todobaad ah ayay cirbado iyo faleebooyin siinaayeen.

Markay daawooyinkiina ay socdaan 7 maalmood, ilmihiina uusan caafimaadin oo uuba h**e ugasii daray ayay waalidiintii go'aan kugaareen inay isbitaal kale geyaan canugooda, Arbacadii hadda lasoo dhaafay ayayna nookeeneen...

Ilmaha yar miisaankiisa wuxuu ahaa 4.8 kiilo, MUAC-gana (9), Z-Score kana < - 4, taas oo heerkiisa nafaqo kadhigeysa mid aad u hooseysa (Severe Acute Malnutrition)!
Waxaa kaloo intaas u raacsanayd in HB-giisana uu ahaa 5g/dl (S. Anemia).

Canuggaan hadiiba wax looqabanaayo waxay ahayd in loo tilmaamo amaba lageeyo Stabilisation Centre (SC), si nafaqadiisa kor loogusoo qaado!

Intee lagu arkay canug nafaqo daradiisa ay heerkaan gaarsiisantahay oo faleebo lasiinaayo!
Waliba qoyska waxay noosheegeen in maalintii 2 jeer lasiinaayey faleebooyinka!
Maalintiina 3 jeer ayaa laduraayey (30 cirbadood) ayay soo siiyeen muddadaas 7-da maalmood ah!

Markay cirbadaha u dhammaadeen na waxay soo siiyeen 3 sharoobbo (Amoxicillin Syrup 250mg/5ml, Dexaphen Syrup, Multivitamin Syrup), waxayna kaqaateen lacag 50 dollars ah!

Kolley nafaqo darro qaabkaas loo daweynaayo haddii ay jirto waa ii sheegi kartaan!

Bukaankaan waa tusaale, wuxuuna tusaale u yahay dhibaatooyinka aan sida joogtada ah u aragno maalin walba!

Carruurta kaliya ma ahane dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan ayay dhibkaas kuhaayaan!

Aqoondarro iyo lacag jacayl ayay isku darsadeen waxaana waajib ah in ummadda looga digo.

Hooyooyinka uurka lehna dhibaatada lagu haayo ma ahan mid aan qoraal kusoo koobi karo, qormo kale ayaana uga hadli doonaa.
Si asbuucle ah ayaan u aragnaa Hooyo ilmaheedii weysay ama ayadaba u umul raacday arin aad u fudud oo laga baaqsan karey!

Dadka da'da ah ee la ildaran cudurrada raaga sida Sokorta iyo Dhiigkarka, ayagana dhibka lagu haayo mayara!

Farriin/Baaq aan u direyno Wasaaradda Waxbarashada, heer federaal iyo heer dowlad goboleedba.Fasaxa sannadlaha ah ee ay ...
03/07/2026

Farriin/Baaq aan u direyno Wasaaradda Waxbarashada, heer federaal iyo heer dowlad goboleedba.

Fasaxa sannadlaha ah ee ay Ardada iyo Macallimiinta helaan wuxuu inta badan kusoo aadaa xilliga xagaaga (Summer) oo aan hadda kujirno.
Xilligaan na (lagasoo billaabo June dhammaadkeeda ilaa August), inta badan gobollada Dalka, waa xilli qaboow.

Xilliga Jilaalka si gaar ah bilaha Febraayo iyo Maarso, oo ah bilo aad u kulul oo deegaannada qaar xitaa heerkulka uu gaaro 39° - 42°, waxay kamid yihiin bilaha sannad dugsiyeedka uu socdo, Dugsiyada waxbarashadana ay furanyihiin!

Sow ma habbooneyn in goobaha waxbarashada lafasaxo xilliga Jiilaalka?

Horta maogtihin fasaxaan lagusoo aadinaayo bilaha xagaaga inuu nooga yimid dhanka reer galbeedka?

Mareykan iyo Yurub marka lajoogo, bilaha xagaaga (June, July iyo August) waa bilo kulul.
Dhammaan goobaha waxbarashada waa lafasaxaa, caruurtana guriga, xeebta iyo goobaha dabaasha ayay u dhaxeeyaan.

Annaga kuweena qorrax makarto miyaa?!

Maxaa keenay bisha Maarso na inay school-ladeena furnaadaan, July na fasax lagalo?

School-ladu (badankooda) wey dayacanyihiin, marwaaxad iyo mukeef malahan, wax fiican lama baro ardada, nidaam waxbarasho oo ay gaalo (UNESCO) dajisay ayaa lagu mashquuliyaa, Farsamo lama baro, Taariikhda Islaamka lama baro, maaddooyinka Carabiga iyo Tarbiyada waa lalliidaa...

Waxaan talo ahaan usoo jeedinayaa in nidaamka waxbarashadana dib u eegis lagu sameeyo, fasaxana xilli kuhabboon lagu aadiyo.

|Dr Mohamed Nyeusi|.

Gurigiina ilmaha yaryar maloo sheekeeyaa xilliga fidkii?Waagii annagu aan yaryarayn, cishaha marka lasoo tukado, ilmaha ...
30/06/2026

Gurigiina ilmaha yaryar maloo sheekeeyaa xilliga fidkii?

Waagii annagu aan yaryarayn, cishaha marka lasoo tukado, ilmaha yaryar iyo waalidiintooda wey sheekeysan jireen.
Awoowe iyo Ayeeyo ayaa nooga sheekeyn jiray taariikhihii h**e loosoo maray, hidaha iyo dhaqankii Sharafta badnaa ee Soomaalidii h**e.

Ilmaha asoo aad u yar ayuu wuxuu ahaan jiray mid Soomaalinimada ay kuweyntahay, taariikhdiisa yaqaana, Dhaqan ahaan iyo Diin ahaan na dhisan.

Hadda laakiin dhaqankaas wuu dabar go'ay!

Ilmaha yar waxaa laisaga mashquuliyaa Moobeel 📱
Waxaana u sheekeeyo oo ay daawadaan Rag iyo Dumar Diin iyo Akhlaaqba ka aradan oo waxay doonaan kuhadla.
Waxay daawadaan kuwo baraha Bulshada kufaafiya dhaqanxumo, Qabyaalad & Cuqdad ummadda dhexdeeda lagu abuuraayo iyo qaar faafinaya afkaar ka hor imaanaya Diinta Islaamka iyo Dhaqanka Soomaalinimo.

Caruurta Soomaalida intooda badan ayaga iyo waalidkooda iskama warhaayaan, booskii waalidkana waxaa u buuxiyay Ciyaal Tiktok, kuwo heesaya, naago qaawan, Rag iyo Dumar isdhex yaacaya, kuwo aflagaado iyo iskudir wada....
Arintaas oo keeni doonta in Ilmaha yar ay waxaas caadi la noqdaan....

Sow maadan arkin gabar reer sharaf leh kadhalatay oo ayadana Tiktok kudhex niikineysa?
Gabadhaas markay yarayd waxaa soo barbaariyay Ciyaal Tiktok!

🔹️ Mobile-lada waxay kaloo abuuraan xaalad lagu magacaabo "ADHD" (Attention Deficit/Hyperactivity Disorder).
Waa xaalad keenta ilmaha yar inuu noqdo mid 2 daqiiqo aan meel fadhin karin, mid aan hadal maqlin, waxbarashadana kufiicnayn, mid ay ku adagtahay inuu wax akhriyo ama dhowr daqiiqo oo xiriir ah arin gaar ah qabto.
Caruur deriskooda dhiba, dadka waaweyn aflagaadeeya, waalidkooda iyo macallimiintoodana hadal kamaqlin oo ku af celiya!

Carruurtii ayagoo barbaarintooda ay noocaas tahay ayaa hadana waxaa laggeeyaa School nidaamka waxbarashoba ay gaalo (UNESCO) u dajisay! Diintoodana lama baro!

Waddan ay carruurtiisa iyo Ardadiisa noocaas yihiin ma idinla tahay inuu dunida latartami karo?

|Dr Mohamed Nyeusi|.

Noqo qof Diin, Mabda' iyo Waddaniyad xambaarsan.
29/06/2026

Noqo qof Diin, Mabda' iyo Waddaniyad xambaarsan.

Nolosheenna waa sida buugga 📖 oo kale, dadka intiisa badan waxay arkaan jaldiga oo kaliya, kuwo yar waxay akhrinayaan ho...
28/06/2026

Nolosheenna waa sida buugga 📖 oo kale, dadka intiisa badan waxay arkaan jaldiga oo kaliya, kuwo yar waxay akhrinayaan hordhaca oo kaliya, kuwo badanna waxay rumaysanayaan waxay dadka kale ka sheegayaan buugga! Inyar oo kaliya ayaa ogaan doona xaqiiqada oo akhrin doona buuggaas, kuwaas mataqaanaa?

Waa kuwa aad ugu wacdo asxaab iyo walaalo❤ Waa kuwa markaad arrin kaa farxiso lakulantid niyadda kaaga soo dhaca kadibna aad lawadaagtid farxaddaas si ay kuula qayb sadaan. Waa kuwa dhibkooda uu kudhibo, farxaddoodana ay tahay farxaddaada.

Uma baahnid muhiim na ma ahan inaad asxaab badan yeelatid, muhiimaddu waa inaad leedahay qof kufahmi kara adoon hadlinoo aamusan, markastana ku garab taagan.

Marnaba ha u sharrixin naftaada qofna. Sababtoo ah, qofka ku raba uma baahna, qofka aan ku rabin na maba rumeysanaayo. Qofka farxaddaada iyo horumarkaaga jacel adoon usheegin ayuu fahmayaa wuuna kugu dhiirogelinayaa howsha aad waddo ilaa aad guul ka gaartid.

|Dr Mohamed Nyeusi|.

25/06/2026

“Ragga iyo Dumarkaba waa Muslimiin, Xaqa Muslimiinta ayuuna qofka Muslimka ah u doodaa”.

Haddii aad aragtaan qof meelkastaba lataagan xuquuqda dumarka, dumarnimo iyo wax lamid ah, waa qof aqoontiisa ay yartahay oo kaliya iska caadifeysan ama qof si dhab ah u aaminsan Feminism (Haweennimo), oo waliba ah Mulxid ama Munaafaq is qarinaya.
Warku waa inuu caddaadaa…

Ma dumarnimadaa kugu weyn mise Diinta?

Goormay kuwaas anshax xumada caadeystay afhayeen idiin noqdeen?

|Dr Mohamed Nyeusi|.

Arintu mataagna Dumarnimo iyo xifaaltan yar oo kadhaxeeya Faarax iyo Xaliimo... Ujeedadu intaas weyka weyntahay!Ma'ogi i...
23/06/2026

Arintu mataagna Dumarnimo iyo xifaaltan yar oo kadhaxeeya Faarax iyo Xaliimo... Ujeedadu intaas weyka weyntahay!

Ma'ogi inaad kawarqabtaan iyo inkale, laakiin waxaad lakala safateen kuwo caadeystay anshax xumada iyo kuwo mulxidiin iyo munaafiqiin isku jiro ah oo reer galbeed ay soo wakiisheen, oo markasta oo kuwa h**e ay fal anshax xumo ah sameeyaan difaaca oo qiil u raadiya, xumaantana kutaageera!
Aanku weydiiyee, ma dumarnimadaa kugu weyn mise Diinta?

Gabdhahaan waa ladhibaateeyay ama waa lasoo qarxiyay lalleeyahay oo aan markastaba Social Media-ha ku aragno, ma kuwo asturan oo guryahooda ama goobtooda shaqo loogu tageybaa, mise ayagaa balaayada cagahooda kudoontay?

Gabar sifiican u asturnayn oo dhexda kagashay wiilal dhallinyaro ah oo Diin iyo Akhlaaqba ka aradan, maxaa laga filan karaa?

Diintee banneysay in gabar aan waalid iyo walaal lasocon ay qol kakireysato magaalo aan cidna u joogin oo ay waliba Muxrim la'aan safarto?

Waxaad arkaysaa gabdho u doodaayo gabar gogol dhaaf sameysay oo waliba ogolaatay in muuqaal laga duubo, oo muuqaalkeeda baraha Bulshada lasoo dhigay kadib markay is khilaafeen kii ay xaaraanta iskula joogeen!
Oo yaa kuubanneeyay adigu inaad fal noocaas ah difaacdo oo aad qiil u raadiso gabar saqajaamad ah oo Allihii abuurtay kaxishoon weysay, xumaantana u bareertay?!

Xumaanta oo ladhiirogaliyaa dembiga ay leedahay magaran kartaa?!

Ma isweydiisay sababta markasta oo 4 wiil oo Ciyaal Tiktok ah ay fal anshax xumo ah sameeyaan, mas'uuliyadda loo saaro guud ahaan Ragga Soomaalida...?

Waxaa muddooyinkaan dambe soo baxay Dumar faafinaya afkaar kudhisan nacaybka jinsiga labka (Ragga), Culimada Islaamka iyo qofkasta oo haybadda Diinta ay kamuuqato, Macallimiinta Dugsi Qur'anka iyo Gabdhaha asturan.

Maalinka uu dhaco kiiska gabar dhibbane ah oo la dulmiyey halka bulshada inteeda kale ay ku mashquulsan tahay u caddaalad raadinteeda, Dumarka feminism-ka ah ee mulxidiinta iyo munaafiqiinta is qariya ah iyagu dhibaatada ku dhacday gabadha la dulmay uma arkaan masiibo laga murugoodo ee waxay u arkaan fursad dahabi ah oo ay afkaarahooda ku suuq-geeyaan, nacaybka ay diinta u qabaanna ku hoos qariyaan.
Waxay is oohintaas u sameynayaan si ay uga faa'iidaystaan caadifadda kacsan ee gabdhaha oo isugu muujiyaan dad ka naxsan, iyagoo hadana isku dayaya inay u tusaan in dhibaatada dhacday ay mas'uul ka yihiin guud ahaan Ragga, Culimada iyo Diinta, sidii in culimadu ay yihiin dowladda dalka u talisa!

Waxaan arkaayey ayagoo leh waxaan idinku dacweyneynaa deeq bixiyaasha (reer galbeedka)!
Kuwaas sow ma ahayn kuwii "Epstein files" ka kujiray ee jasiirad dhan u kireystay siday gabdhaha 18 jirka kayar ugu kufsan lahaayeen?!

Gabdhaha Soomaaliyeedoow, goormay kuwaas afhayeen idiin noqdeen? Ma kuwaasaa idin matala?!

Gabdhaha haddii ay Diintooda baran lahaayeen kuna dhaqmi lahaayeen, oo ay tusaale kadhigan lahaayeen Maryama Bintu Cimraan, Aisha Bint Abubakr (RA), Faduma Bint Rasulillah (SCW), iyo guud ahaan dumarkii Sharafta badnaa ee Islaamka soo maray, maxaa ka bi'i lahaa?

وَقَرْنَ فِى بُيُوتِكُنَّ وَلَا تَبَرَّجْنَ تَبَرُّجَ ٱلْجَـٰهِلِيَّةِ ٱلْأُولَىٰ ۖ وَأَقِمْنَ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتِينَ ٱلزَّكَوٰةَ وَأَطِعْنَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥٓ ۚ
Aayaddaas micnaheeda mataqaanaa, yayse kusocotaa?

Caddaalada diinteenna suubban laga waayey oo reer galbeed laga raadiyay maxay ahayd?

Ma qaabkii ay u noolaayeen Dumarkii Sharafta badnaa ee Saxaabada ayaa kula quman/saxan mise sida ay hadda u noolyihiin dumarka reer galbeedka?

Gabdhaheena qaar, markasta oo arimo noocaan ah laga hadlo, waxay jawaab kadhigaan, "Markastaba waxaad ku marmarsiyootaan Diinta",
Ma'ogidiin miyaa falalka noocaan ah waxa fududeeyayba inay tahay Diintii oo laga tagey, muhiimna ay tahay inaan is xusuusinno?

Haddii dhallinyaradu ay diintooda sifiican u baran lahaayeen kuna dhaqmi lahaayeen, makula tahay in arimo noocaan ah dhici lahaayeen?

Natiijadaan ayaa kadhalata marka Diintana laga tago, waxa qofka dhallinyarada ah labaraayona ay noqdaan nidaam waxbarasho oo gaalo (UNESCO) ay dajisay!

Nidaamkaas waxbarasho waa midka keenay in gabdhaheena ay difaacaan xumaanta, ayagoon ogeyn!
oo waliba kuwii mulxidiinta ahaa ee feminism-ka wadeyna ay kafaa'ideystaan oo ay jaranjaro yoolkooda kugaaraan ay kadhigtaan....!

Hurdada kakaca gabdhoow, ee aragti fog lahaada!

|Dr Mohamed Nyeusi|.

Ugu horreyn, waxaan ka cudurdaaranayaa inaan kuwaan iyo wax lamid ah sawirradooda/xogtooda idinku mashquuliyo oo aan wak...
22/06/2026

Ugu horreyn, waxaan ka cudurdaaranayaa inaan kuwaan iyo wax lamid ah sawirradooda/xogtooda idinku mashquuliyo oo aan wakhti idinkaga lumiyo, laakiin waa Waajib ina saaran inaan dadkeena uga digno/ka wacyigelinno waxkasta oo halis ku ah Diintooda iyo dhaqankooda.

Gabdhahaan sawirradooda aad aragtaan waxay sheegeen inay u mudaaharaadayaan gabar lasheegey in si xun loola dhaqmay oo wiilal dhallinyaro ah ay fal anshax xumo ah kusameeyeen... ilaa hadana ma arkin qof isweeydiinaya gabadhaas waxa meesha geeyay awal h**e...? illeen qof gurigeeda ugu tagey oo meesha kudhibaateeyay malahane!

Waxay kafaa'ideysanayaan dareenka shacabka, laakiin ayagaaba u baahan in Dalka laga qabto oo anshax xumadooda laiska ilaaliyo...

Waxay faafiyaan afkaar kudhisan nacaybka loo qabo jinsiga labka ah (Ragga) iyo Culimada Islaamka.

Waxay sheegeen inay xuquuqda dumarka u doodaan, oo waxay meelkasta lataaganyihiin raggu waa cadow, taas oo ay ku hoos qarinayaan "Ragga Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah" waa cadow, laakiin kuwa gaalada waa kuwo fiican...."
Dhaqanka reer galbeedka ayay xayeysiiyaan!

Hadalladooda waxaa kamid ahaa inaysan Dalkaan (Somalia) ammaan iyo xorriyad kuheysan, reer galbeedna ay nagu dacweynayaan!
Taas ayaa idiin caddeyneyso inay yihiin Mujrimiin lasoo dirsaday, dalkeenana lagu beeray!

Dadka ay leeyihiin waan u dacwooneynaa ayaga dhaqankooda waa sidee? Dumarka sidee loola dhaqmaa?
Sharafta ay diinteenna suubban kawaayeen oo ay reer galbeed kahelaayaan maxay tahay?

Tan lasheegay in lagacmogacmeeyay ee waxaas oo Rag ah kudhexjirtay iyo kuwaanba wax ay isdhaamaan malahan....

Ma arkeysid gabar Soomaaliyeed oo waalidkeeda Diin iyo Dhaqan Soomaalinimo kusoo barbaariyeen oo Social Media-ha lataagan waa la i dhibaateeyay,
Kuwaan dhibaatada tirsanaya iyo kuwa u doodayaba waa kuwa anshax xumada faafinaya ee diinlaawayaasha ah!

Waxaa arin aad looga xumaado ah in wax noocaan ah ay sheegtaan inay gabdhaha Soomaaliyeed xuquuqdooda u doodaan...

Sawir qaldan ayay bixinayaan, in laiska qabtana waa WAAJIB.

|Dr Mohamed Nyeusi|.

Wadadaan Degmada iyo Xaafadda ay kutaallo nala wadaag, iyo goortii ay kuugu danbeysay?
22/06/2026

Wadadaan Degmada iyo Xaafadda ay kutaallo nala wadaag, iyo goortii ay kuugu danbeysay?

18/06/2026

|Wacyigelin Caafimaad|
Halis Caafimaad oo aan lagu baraarugsanayn ❗️

Sii Faafi oo lawadaag Qoyskaaga iyo Asxaabtaada👏🏼🩶

Address

Baydhabo
Bay

Telephone

+252616014967

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Mohamed Nyeusi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Dr Mohamed Nyeusi:

Shortcuts

Share