04/07/2026
🦠 Dilaaga Qarsoon: Hepatitis B
Hepatitis B waa cudur halis ah oo inta badan aan lahayn calaamado muuqda, balse si tartiib ah u waxyeelleeya beerka. Dad badan ayaa la nool iyagoo aan ogeyn.
⚠️ Haddii aan la ogaan lana daaweyn, wuxuu sababi karaa:
Beer xanuun joogto ah
Fashilka beerka
Kansarka beerka
✅ Iska ilaali:
Qaado tallaalka Hepatitis B
Is baar haddii aad halis ku jirto
Ka fogow wadaagga cirbadaha iyo qalabka dhiigga taabanaya
Hubi in dhiigga la shubayo la baaray
Ogaanshaha h**e wuxuu badbaadin karaa noloshaada. Is baar maanta, naftaadana ilaali. 💙