Puntland Health Professionals Council

Puntland Health Professionals Council Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Puntland Health Professionals Council, Medical and health, Global Road, Garowe.

The goal of the PHPC to protect the public and promote their wellbeing by setting high standard of ethical conduct and provide quality education, training and professional competencies among all the registered professional personnel in Puntland.

Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland oo kulan la qaatay Guddiga Tacliinta Sare ee PuntlandGaroowe, 4 Agoosto 2026...
04/08/2026

Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland oo kulan la qaatay Guddiga Tacliinta Sare ee Puntland

Garoowe, 4 Agoosto 2026: Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Guddiga Tacliinta Sare ee Puntland, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo horumarinta tayada waxbarashada caafimaadka ee Puntland.

Kulanka ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyey qodobbadan muhiimka ah:
1. Manhajka kulliyadaha caafimaadka ee jaamacadaha kala duwan.
2. Aqoonsiga macaahidda iyo xarumaha lagu bixiyo waxbarashada caafimaadka.
3. Imtixaannada k**a dambaysta ah ee ardayda caafimaadka, gaar ahaan Clinical Examinations.
4. Tababarka shaqo (Internships) ee ardayda ka qalin-jabisa kulliyadaha caafimaadka.

Labada guddi waxay isku raaceen in si dhow oo wadajir ah looga shaqeeyo dhammaan qodobadan, iyadoo ujeeddadu tahay kor u qaadidda tayada waxbarashada caafimaadka, tayeynta xirfadlayaasha caafimaadka, iyo xaqiijinta in bulshada Puntland ay helaan adeegyo caafimaad oo ku dhisan aqoon iyo xirfad sare.

26/07/2026

Farriinta Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland oo farriin u diray dhakhaatiirta ilkaha iyo dhakhaatiirta ajaanibta ah ee ka howl-gala gudaha Puntland.

12/07/2026

Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland oo Kulan la Qaatay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland

Garoowe: 12 July 2026: Guddoomiyaha Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland, Mudane Dr. Mohamed Hussein Adam, oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Guddiga, ayaa maanta kulan la qaatay masuuliyiinta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland iyo Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, gaar ahaan arrimaha la xiriira horumarinta xirfadlayaasha caafimaadka, nidaaminta shaqaalaha caafimaadka iyo kor u qaadista tayada adeegyada caafimaad ee dalka.

Labada dhinac ayaa isku raacay in la xoojiyo iskaashiga iyo wada-shaqeynta si loo helo hannaan mideysan oo lagu horumarinayo shaqaalaha caafimaadka, loona dardargeliyo fulinta waajibaadka sharciyeed ee la xiriira xirfadlayaasha caafimaadka ee Puntland.

11/07/2026

Guddoomiyaha Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland Mudane Mohamed Hussein Adam oo Fariin udiray bulshada iyo Xirfadlayda Caafimaadka.

08/07/2026

Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland oo Kulan la Qaatay Wasaaradda Ganacsiga Puntland

Garoowe: 08 July 2026: Guddoomiyaha Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland, Mudane Dr. Mohamed Hussein Adam, oo uu weheliyo Xoghayaha Guddiga, Mudane Ahmed Farah Kilwe, ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Puntland, Mudane Ahmed Shire, Wasiir Ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland iyo Wasaaradda Ganacsiga, gaar ahaan arrimaha la xiriira nidaaminta iyo ruqsad siinta xarumaha caafimaadka ee ka howlgala Puntland.

Labada dhinac ayaa isku raacay in la xoojiyo iskaashiga iyo is-dhaafsiga xogaha si loo hubiyo in xarumaha caafimaadku ay ku shaqeeyaan si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka u degsan dalka, taas oo kor u qaadaysa tayada adeegyada caafimaadka iyo badbaadada bulshada.

-DHAMAAD-

GUDDIGA XIRFADLAYAASHA CAAFIMAADKA PUNTLAND OO KULAN LA QAATAY URURKA KALKAALIYAYAASHA PUNTLANDGaroowe: 07 Luulyo 2026: ...
07/07/2026

GUDDIGA XIRFADLAYAASHA CAAFIMAADKA PUNTLAND OO KULAN LA QAATAY URURKA KALKAALIYAYAASHA PUNTLAND

Garoowe: 07 Luulyo 2026: Guddoomiyaha Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland, Dr. Mohamed Hussein Adam, Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga, Dr. Sahal Ahmed Gurey, iyo Xoghayaha Guddiga, Ahmed Farah Kilwe, ayaa maanta kulan la qaatay masuuliyiinta Ururka Kalkaaliyayaasha Puntland.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland iyo Ururka Kalkaaliyayaasha Puntland, si loo dardargeliyo hawlaha la xiriira diiwaangelinta, nidaaminta, iyo kor u qaadidda tayada adeegyada caafimaadka ee Puntland.

Sidoo kale, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay doorka muhiimka ah ee Ururka Kalkaaliyayaasha Puntland uu ka qaadan karo hubinta in kalkaaliyayaasha iyo guud ahaan xirfadlayaasha caafimaadku u hoggaansamaan shuruucda, xeerarka, iyo habraacyada lagu maamulayo mihnadda caafimaadka, iyadoo la adkeynayo isla-xisaabtanka iyo ilaalinta anshaxa xirfadeed.

Ugu dambayn, labada dhinac ayaa isku raacay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wada-shaqeynta joogtada ah, si loo horumariyo tayada adeegyada caafimaadka loona xaqiijiyo in bulshada Puntland ay helaan adeegyo caafimaad oo waafaqsan heerarka xirfadeed iyo shuruucda dalka.

-DHAMAAD-

GUDDIGA XIRFADLAYAASHA CAAFIMAADKA PUNTLAND OO BOOQASHO KU TAGAY ISBITAALKA GUUD EE GAROOWE IYO ISBITAALKA HOOYADA IYO D...
30/06/2026

GUDDIGA XIRFADLAYAASHA CAAFIMAADKA PUNTLAND OO BOOQASHO KU TAGAY ISBITAALKA GUUD EE GAROOWE IYO ISBITAALKA HOOYADA IYO DHALAANKA EE GOL-NUGAAL

Garoowe, 30 June 2026: Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland, Mudane Sahal Ahmed Gurey, iyo Xoghayaha Guddiga, Mudane Axmad Kilwe, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Isbitaalka Guud ee Garoowe iyo Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Gol-nugaal.

Booqashada ayaa qayb ka ahayd dadaallada Guddigu ku dardargelinayo diiwaangelinta xirfadlayaasha caafimaadka ee ka howlgala xarumaha caafimaadka Puntland. Mas’uuliyiintu waxay guddoomeen shahaadooyinka iyo dukumentiyada looga baahan yahay xirfadlayaasha caafimaadka si loogu diiwaangeliyo si waafaqsan shuruucda iyo habraacyada u degsan Guddiga.

Guddigu wuxuu ku bogaadiyey maamulka iyo shaqaalaha labada isbitaal wada-shaqeynta wanaagsan ee ay la yeesheen, isagoo xusay in diiwaangelintu ay door muhiim ah ka qaadanayso tayeynta adeegyada caafimaadka, hubinta xirfadda shaqaalaha caafimaadka, iyo ilaalinta badqabka bulshada.

- DHAMMAAD-

Xooghayaha Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland Axmad Kilwe oo safar ku gaaray deegannnad hoostaga degmada Eyl ay...
28/06/2026

Xooghayaha Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland Axmad Kilwe oo safar ku gaaray deegannnad hoostaga degmada Eyl ayaa xirfadlayaasha caafimaadka ka gudoomay waraaqihii muhiimka u ahaa isdiiwaangalinta xirfadlayaasha Caafimaadka. Xooghayaha ayaa xirfadlayaasha ku dhiirrigaliyay inay isdiiwaangaliyaan oo ay laysanka qaataan, sidoo kalana ay bukaannada ugu shaqeeyaan si xirfad sare leh akhlaaqda caafimaadkana waafaqsan.

Xooghayuhu wuxuu la kulmay agaasimaha isbitaalka degmada Eyl Dr Cabdixakiim Dacar oo ah xarunta xirfadlayaasha ugu badan ka howl galaan waxayna is waydaarsadeen hab-shaqeedka shaqaalaha iyo baahiyaha isbitaalku qabo oo ay tahay in la daboolo.

Guud ahaan waxaa shahaadooyinkooda soo gudbiyay guud ahaan xarumihii uu xooghayuhu booqday.

GUDDIGA XIRFADLAYAASHA CAAFIMAADKA PUNTLAND OO KULAN LA QAATAY ISU-DUWAYAASHA CAAFIMAADKA EE GOBOLLADA PUNTLANDGaroowe, ...
25/06/2026

GUDDIGA XIRFADLAYAASHA CAAFIMAADKA PUNTLAND OO KULAN LA QAATAY ISU-DUWAYAASHA CAAFIMAADKA EE GOBOLLADA PUNTLAND

Garoowe, 25 Juun 2026: Guddoomiyaha Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland, Dr. Mohamed Hussein Adam, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Dr. Sahal Ahmed Gurey, Xoghayaha Guddiga Mudane Ahmed Farah Kilwe, iyo Xubin ka tirsan Guddiga Mudane Abdirizak Artan, ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Isu-duwayaasha Caafimaadka ee Gobollada Puntland.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa Guddiga iyo Isu-duwayaasha Caafimaadka, si loo dardargeliyo hawlaha la xiriira diiwaangelinta, nidaaminta, iyo kor u qaadidda tayada adeegyada caafimaadka ee Puntland. Sidoo kale, waxaa lagu falanqeeyay doorka ay Isu-duwayaashu ka qaadan karaan hubinta in xirfadlayaasha caafimaadku u hoggaansamaan shuruucda iyo habraacyada lagu maamulayo mihnadda caafimaadka.

Guddiga, oo ka duulaya waajibaadkiisa ilaalinta iyo hubinta aqoonta, xirfadda, iyo anshaxa xirfadlayaasha caafimaadka, ayaa Isu-duwayaasha kula dardaarmay inay si dhow ula shaqeeyaan xarumaha caafimaadka iyo shaqaalaha ka hawlgala gobollada si loogu dhiirrigeliyo inay dhammeystiraan is-diiwaangelintooda, una helaan ruqsadaha shaqo ee waafaqsan sharciga.

Ugu dambayn, labada dhinac ayaa isku raacay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta joogtada ah iyo is-weydaarsiga xogta, si loo xaqiijiyo in bulshada Puntland ay helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh, laguna kalsoonaan karo.

Address

Global Road
Garowe
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Puntland Health Professionals Council posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Puntland Health Professionals Council:

Shortcuts

Share