21/10/2024
Esomeprazole waa dawo ka tirsan noocyada loo yaqaan "proton pump inhibitors (PPIs)" oo loo isticmaalo in lagu yareeyo aash*tada caloosha. Waxay caawisaa daaweynta xaaladaha sida:
1. Gastroesophageal Reflux Disease (GERD): Reflux waa marka aash*tada caloosha ay dib ugu soo noqoto dhuunta, taas oo keenta dareen gubasho (heartburn). Esomeprazole waxay yareysaa aash*tada si loo xakameeyo astaamahan.
2. Ulcers: Waxay daaweyneysaa boogaha caloosha ama xiidmaha, oo badanaa ku dhaca bukaannada isticmaala dawooyinka anti-inflammatory non-steroidal ah (NSAIDs) ama kuwa qaba caabuqa bakteeriyada loo yaqaan Helicobacter pylori.
3. Xanuunada Aash*tada Xad-dhaafka ah: Xaaladaha sida Zollinger-Ellison syndrome, oo aash*tada caloosha si xad dhaaf ah u soo saarta.
Esomeprazole waxaa loo isticmaalaa 20 mg ama 40 mg, waxaana badanaa lagu qaataa 14 maalmood ama ka badan, iyadoo ku xiran talada dhakhtarka.
Waxaa muhiim ah in dawadan la isticmaalo si waafaqsan tilmaamaha dhakhtarka, waana in la ogaadaa in aysan keenin nafis deg-deg ah oo ku saabsan heartburn, balse waxay waxtar yeelataa kadib dhowr maalmood oo isticmaalkooda ah.
Waa inaad la xiriirtaa dhakhtarkaaga haddii aad qabtid dhibaatooyin sida madax xanuun, lalabo, shuban ama calool istaag kadib isticmaalka.