07/06/2026
Quality Control ( Tayo- dhawr )
Tayo-dhawristu waa In la hubiyo oo Lala socdo tayada iyo wax kasta oo ay u baahantay sida Kulka lagu ilaalinayo IWM.
Hadaba Tayo-dhawrku waa shaqo halkee kasoo bilaabmata ?
Waa shaqo kasoo bilaabmata shirkada soo samaynaysa__ Meesha laga dhoofinayo__ dalka loo dhoofinayo__ Bakhaarka la dhigayo__ meherada ka iibsanaysa sida ( dukaan ama Pharmacy )___ qofka iibsanaya ilaa inta ay ka dhamaanayso.
Sidee tayada Loo ilaalinayaa ?
Waxa loo ilaalinayaa innaga oo tusaale usoo qaadanayna dawo sida ta macaanka marka laga hadlayo Irbadda macaanka ee dadka lagu mudo waxa tayadeeda laga soo bilaabaa shirkada kaa iibinaysa taasoo loogu Tala galay (temperature) kul u dhaxeeya [ 2-8cโ] waa xaddi talaagad mooye aan meelkale lagu hayn Karin markaa waa in macaal gaadhiga soo qaadayaa uu lahaadaa talaagado ama qaboojiyayaal, kedib waa in bakhaarka la dhigayo lagu ilaaliyo kedib pharmacyga kedibna qofka iibsaday u ilaaliyo.
Markaa hadii waxaas oo silsilada ama taxane ah uu mid jabo/ meesha ka baxo tayada dawadaasina meesha way ka baxaysaa.
Maxaa inala Gudboon ?
1. In wasaarada caafimaadku ay xooga saarto wacyi galinta iyo in dadka la baro tayo- dhawrka dawada iyadoo kaashanaysa Hay'adda madaxa banaan ee tayo-dhawrka.
2. In lagula xisaabtamo Kulka qolaalka ama istoodhada la dhigo alaabta iyadoo lagu xidhayo qaboojiyayaal iyo marwaxado waayo waxa dhacda in cunto ama dawo kulkeedu ahaa 25cยฐ uu ka kor maro kulka istoodhka ay taalo taaso magaalada hargaysi gaadho ilaa 34cยฐ.
3. Talaagadaha yaala pharmacyada iyo kuwa tukaanadu in aanay isku mid noqon oo lagu qasbo in ay pharmacydu doontaan medical refrigerator taasoon dawada dhagax ka dhigayn lehna saacad controller ah oo ku shegaysa in ay tahay 2_8cยฐ ama ka badanty .
4. In la carbiyo dad aqoon u Leh Tayo-dhawrka ( Quality Control) iyadoo laga caawinayo waxbarasho ay dabada ugu baxaan.
Kolay qoraal kaga gayoon maynee taya dhawrku waa wax Cid walba wax ku darsanayso oon khaas u ahayn dawlad ama shirkad.
Aad ban idiin salaamayaa Saaxiibayaal.