14/09/2024
Macluumaad caafimaad
⭕️1- Goojooyinka indhaha waxaa loo isticmaali karaa sanka ama dhegaha, laakiin caksigeeda lama samayn Karo, sababtoo ah isha waxay u baahan tahay nadiifin heerkeedu sareeyo.
⭕️2️- Antibiyootikada waxaa la qaataa hal saac ka hor ama laba saacadood ka dib cuntada, marka laga reebo iyo group ka laxariira kuwaas oo aan la xiriirin waqtiga cuntada.
⭕️3- Dhammaan daawooyinka xanuun baabi'iyayaasha waxaa la qaataa cuntada ka dib si loo yareeyo saameyntooda caloosha.
⭕️4- Hadii aad aragto qof miyir doorsoon/daboolmay oo aad ogaato in uu xanuunka macaanka qabo, waxaa ugu horeeya ee aad ku caawinayso waa in aad siiso sokor xataa hadii heerka sokorta uu sareeyo waxba uma dhimeyso, maxaa yeelay waxa ugu muhiimsan waa in la ilaaliyo caafimaadka maskaxda oo hadii sokorta hooseeyso dhaawac halis ah uu gaari Karo.
⭕️5- Waxaa reebban in dawooyinka lagu qaato cabitaan aan biyo ahayn.
⭕️6- Aspirin Ka looma isticmaalo daawaynta caruurta da'doodu ka yar tahay 13 sano sababtoo ah waxa laga yaabaa inay ku keento wax loo yaqaan 'Reye's Syndrome' ( beerka iyo maskaxdana khalkhal kuyimaado).
⭕️7- Ha Ku qaadanin Daawooyinka biyo aad u qabow, 👈🏻 sababtoo ah biyaha aadka u qabow waxay yareeyaan nuugista daawada ee jirka, sidaas awgeedna waxtarka dawooyinka ayaa hoos u dhacaya ...
⭕️8- Qaadashada fitamiinada habeenkii waa qalad sababtoo ah haddii la qaato hurdada ka hor waxay keentaa hurdo la'aan iyo walaac sidoo kale, Fitamiinadu waxay kaa hor istaagayaan inaad gasho hurdo nabdoon. Waqtiga ugu fiican ee la qaadan karo fitamiinada waa quraacda ka dib ama qadada ka dib.
Xigasho
Warbixino Caafimaad