22/01/2026
๐ ๐ ๐ฎ๐
๐ฎ๐ฎ ๐๐ ๐๐ต๐ฎ๐ฐ๐ฎ ๐ ๐ฎ๐๐ธ๐ฎ๐
๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ ๐ฎ๐ฟ๐ธ๐ฎ๐ฎ๐ฑ ๐ ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐ป ๐๐ฎ๐๐๐ฎ ๐ ๐ฒ๐น๐ฎ๐๐ผ๐ป๐ถ๐ป ๐ฆ๐ถ๐ถ๐๐ผ?
Bal qiyaas in maskaxdaadu tahay Magaalo weyn oo mashquul ah. Si magaaladaas loogu diyaariyo inay habeenkii nasato, waxa jooga shaqaale la yidhaahdo Melatonin. Shaqadoodu waa inay nalka damiyaan, albaabadana xidhaan marka ay qorraxtu dhacdo.
Laakiin, ka warran haddii aad habeen kasta "Shaqaale dibadda ah" (Kiniinka Melatonin) u soo ijaarato inay shaqadaas qabtaan? Ma is weydiisay waxa ku dhacaya shaqaalihii magaalada u dhashay ee gudaha joogay?
๐ท โSida Ay Sheekadu U Dhacdo:
1-Shaqaalihii Gudaha oo "Fadhiistay":
Marka aad habeen kasta jidhka siiso Melatonin dibadda ka yimid, shaqaalihii maskaxdaada ku dhex jiray (Pineal Gland) waxay is dhahayaan: "Maadaama shaqadii qof kale noo qabanayo, maxaynu annagu isku dhibaynaa?" Markaas ayay fadhiistaan (Lazy mode).
2-Magaalada Oo Wareertay:
Haddii aad hal habeen illowdo inaad shaqaalihii dibadda (kiniinka) ijaarato, magaaladii waxay noqonaysaa mid nalku u shidnaanayo habeenka oo dhan. Shaqaalihii guduhuna ma oga inay tahay inay shaqeeyaan, waayo way barteen in qof kale shaqada u qabto. Tani waa sababta aad u dareento soo-jeed dhib badan markaad kiniinka iska joojiso.
๐ท Sidee "Shaqaalahaaga" Dib Loogu Soo Celiyaa ?
โโ
Tababbarka Nalka: Hal saac ka hor hurdada, yaree nalka guriga oo iska dami shaashadaha. Tani waxay "shaqaalahaaga gudaha" u sheegaysaa inay diyaar-garoobaan.
โโ
Ha Ka Dhigan Caado: Melatonin-ka u arag sidii "shaqaale gurmad ah" oo aad u yeedhato uun marka xaalad degdeg ahi jirto (sida safar dheer ama isbeddel shaqo).
โโ
Waqti Yar Sii: Haddii aad u baratey, ha ka quusan; jidhkaagu wuxuu u baahan yahay dhawr habeen si uu dib ugu bilaabo soo saarista hormoonka iskiis ah.
โ Aqoonta daawadu waa badbaadada naftaada.
FOLLOW dheh pageka si aad u hesho macluumaad fudud oo ku saabsan sida dawooyinkaagu u shaqeeyaan!