Dawo Podcast

Dawo Podcast Waxaannu nahay, warbaahin soo gudbisa, Barnaamijyada Arrimaha Caafimaadka. Waxa aannu idinka codsanaynaa in aad nagu xidhnaataan. Mahadsanidiin. SOO DHAWAADA!

Wixii talo iyo tusaale ahna waxa aad noogu soo diri kartaa taleefan numberkayga iyo emailkayga.

πŸ“’πŸ“£
03/06/2026

πŸ“’πŸ“£

Some people with may develop severe complications, usually 3–7 days after symptoms begin.

Seek immediate medical care if you experience:

🩸 Bleeding gums
🀒 Blood in vomit
😣 Severe abdominal pain
😴 Fatigue or restlessness
πŸ’¨ Rapid breathing
πŸ”„ Persistent vomiting

Early recognition and timely medical care can save lives.

02/06/2026
FADHIGA 15AAD-XANUUNADA MAANKA IYO MASKAXDA ( Mental Disorders)Fadhigan waxa inoo casuuman khabiir xanuunada Maanka iyo ...
01/06/2026

FADHIGA 15AAD-XANUUNADA MAANKA IYO MASKAXDA ( Mental Disorders)

Fadhigan waxa inoo casuuman khabiir xanuunada Maanka iyo Maskaxda ah: Dr. Ayaanle Saleebaan Axmed Hagoog. Waxa aanu ku falanqaynay xanuunada Maanka iyo Maskaxda, waxa sobaba, qaybahooda, nuglaanshiyaha, caafimaadka Maanka iyo Maskaxda.

Xalaqaddan muhiimka ah waxa aanu ka sheekaysanay, waydiimo ay ka mid yihiin:

1. Xaggee ayay ka bilaabatay taariikhda ogaanshaha iyo daawaynta xanuunnada maanku dunida? Sideese ay saynis ahaan u soo kobceen?

2. Imisa nooc ama hab ayay xanuunnada maanku dadka ugu dhacaan? Ma jiraan qaybo waaweyn oo lagu kala saaro?

3. Xanuunnada maanka ma yihiin kuwo la iska dhaxlo? Hiddo-sideyaashu door intee le’eg ayay ku leeyihiin?

4. Maxay yihiin sababaha ugu waaweyn ee guud ahaan dunida keena xanuunnada maanka?

5. Bulshada Soomaalida gudaheeda, maxaa si gaar ah u kordhiya ama u sababa xanuunnada maanka?

6. Waxa jirta maahmaah tidhaahda: β€œQof xanuunsaday wuu ladnaaday mooyaane, wuu bogsaday lama yidhaahdo.” Aragtida caafimaadka maskaxda maxay ka qabtaa weedhan?

7. Waaxda xanuunnada maanka ee Hargeysa Group Hospital sidee ayay ku bilaabatay?
Marxalado noocee ah ayay soo martay? Heerkee ayay maanta maraysaa?

8. Waa maxay caqabadaha ugu waaweyn ee aad kala kulantaan daawaynta iyo daryeelka bukaannada qaba xanuunnada maanka?

9. Bukaannada aad hadda la tacaashaan, ragga iyo dumarka kee ayaa tiro ahaan badan? Maxayse sababtu noqon kartaa?

10. Balwadaha sida qaadka, sigaarka, mukhaadaraadka iyo culaysyada nololeed β€” keebaa saamayn weyn ku leh xanuunnada maanka?

11. Qofka marka xanuunka maanku ku cusub yahay iyo marka uu muddo dheer raagay β€” goormee ayay daawayntu fududahay ama rajadu badan tahay?

12. Bulshadeennu sidee ayay ula dhaqantaa dadka qaba xanuunnada maanka? Gaar ahaan qoysasku sidee ayay uga falceliyaan marka qof qoyskooda ahi xanuunsado?

13. Qofku calaamado noocee ah marka uu isku arko ayuu ka shakiyi karaa in caafimaadka maankiisu khatar ku jiro?

14. Dhakhtar ahaan, calaamado noocma marka qof lagu arko ayaad odhan kartaa wuxuu u baahan yahay qiimayn caafimaad oo dhinaca maanka ah? Goormee ayay muhiim tahay in cisbitaal ama dhakhtar lala xidhiidho?

15. Cuntooyinka wanaagsan, hurdada, jimicsiga, cibaadada iyo taageerada bulshada β€” sidee ayay uga qayb qaataan badqabka caafimaadka maanka?

16 Xiliyadda sanadka sida guga’ jilaalka, xagaaga iyo dayrtu saamayn maku yeeshaa in tirada maanku kor u kac samayso? Hadday jirto maxaa sobab ah?

Su’aasha Gunaanadka

β€œFariin noocee ah ayaad u diraysaa bulshada Soomaalida ee ku saabsan fahamka iyo taageerada dadka qaba xanuunnada maanka?”

Bari 5:00am ka daawo YouTube DawoPodcast. πŸ‘‰ https://youtube.com/?si=gPUpXfKS9jXvx8Oy

goosgooska kala soco TikTok πŸ‘‰ https://www.tiktok.com/?_r=1&_t=ZS-96qWMMRfS68

Dengue Fever ( Xumadda Dengue)Dengue Fever waa cudur fayras ah, oo uu keeno fayraska Dengue, kaas oo dadka ugu gudba qan...
01/06/2026

Dengue Fever ( Xumadda Dengue)

Dengue Fever waa cudur fayras ah, oo uu keeno fayraska Dengue, kaas oo dadka ugu gudba qaniinyada kaneecada Aedes aegypti iyo Aedes albopictus.

Cudurku wuxu ku badan yahay meelaha kulaylaha iyo kuwa kulayle xigeenka ama u dhow. Calaamadaha ugu waaweyn ee qofka ka soo muuqan kara waxa ka mid ah:

1- Qandho sare oo degdeg ah
2- Madax xanuun daran
3- Xanuun indhaha gadaashooda ah
4- Murqo iyo kala-goysyo xanuun badan
5- Daal iyo tabardarri
6- Finan maqaarka ka soo baxa
7- Mararka qaar matag ama lalabbo

Xaaladaha halista ah:

Qaar ka mid ah bukaannadu waxa ay isku arki karaan xaalad daran oo ah Denguefever(Severe Dengue) waxa aana sababi kara:

1- Dhiig-bax
2- Hoos u dhac cadaadiska dhiigga
3- Fuuqbax daran (Dhiig iyo didid ba)
4- Koomo/ Shoog (shock)

Daaweynta Denguefever

Sida laysku raacsanyahay, ma jiro dawo si toos ah u laysaga daaweeyo fayraska Dengue. Daaweyntu waxay ku xidhan tahay:

1- Cabbid biyo iyo dareere badan
2- Nasasho
3- Daawooyinka qandhada sida Paracetamol
4- La socod caafimaad haddii calaamaduhu sii daraan

Ka hortagga xanuunka Dengue Fever:

1- Ka hortagga kaneecadu in ay ku qaniinto
2- Isticmaalka maro kaneeco kaa celisa (Mara kaneeco, sharaabaaddo, Mara-dheer oo wada warisa jidhka, daaqada guriga oo aad xidho inta badan)
3- Ka saarista biyaha fadhiya ee kaneecadu ku taranto

Xusuusnaada: Dengue ma aha cudur si toos ah qof ilaa qof ugu gudba; wuxuu ku faafaa/ laysagu gudbiyaa, qaniinyada kaneecada cudurka sidda.

β€œWaxaa sanad kasta dunida ku dhaca malaayiin kiis, gaar ahaan dalalka kulaylaha. Dengue Fever”

Dadka U nugul xanuunka Dengue fever:

Dadka difaaca jirkoodu hooseeyo, dadka qaba cudurro daba-dheeraada, waayeelka, carruurta yaryar, ama dadka aadka u daallan ee hurdadu ku yar tahay, iyo dumarka la kulanto xiliga caa’dada. Dhammaan dadkaasi waxay u nugul yihiin, calaamadaha Dengue Fever- waxa aanna ay halis nolaleed u gali karaan si ka daran sida dadka kale.

F.G- Hurdada oo yaraata keligeed ma keento xanuunka Denguefever, laakiin waxay nugalaysaa:

1- Hoos u dhaca awoodda difaaca jidhka
2- Kordhinta daalka iyo awood yarida
3- waxa adkaan karta ka soo kabashada xanuunka

Dadka difaacoodu hooseeyo marka uu ku dhaco Dengue waxay la kulmi karaan:

1- Qandho iyo daal aad u daran.
2- Fuuq-bax degdeg ah
3- Hoos u dhac ku yimaada platelet-yada dhiigga (unugyada dhiigga ee ka qayb qaata joojinta dhiig-baxa).
3- Khatar sare oo ah Dengue daran (Severe Dengue).

Calaamadaha digniinta ah ee u baahan cisbitaal degdeg ah waxaa ka mid ah:

1- Calool xanuun daran.
2- Matag joogto ah
4- Dhiig-bax sanka, cirridka, ama saxarada.
5- Neefsashada oo ku adkaata
5- Dawakh ama miyir-doorsoon

Mar kasta waxa muhiim ah in qofku si dagdag ah u tago goob caafimaad, kuna xidhnaato muddo illaa xaaladdaadu xanuun kaagu dhammaato.

Cadnaan- Qabyotire
31/May/2026
Hargeysa,Somalilanad

πŸ‘πŸ»πŸ‘‡πŸ»
22/05/2026

πŸ‘πŸ»πŸ‘‡πŸ»

πŸ‘‡πŸ»
02/05/2026

πŸ‘‡πŸ»

Address

Hargeysa
Hargeysa
HARGEYSA

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dawo Podcast posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share