11/07/2026
HAMDI CLINIC&PHARMACY
Talo caafimaad
Dhiig-karku waa xaalad halis noqon karta haddii aan la xakameyn. Waxyaabahan ayaa kaa caawin kara inaad hoos u dhigto ama xakameyso:
✅ Cun cunto caafimaad leh (khudaar, miro, iyo cunto milixdu ku yar tahay). ✅ Samee jimicsi ugu yaraan 30 daqiiqo maalintii. ✅ Cab biyo ku filan. ✅ Iska ilaali balwada sida khamriga iwm. ✅ Yaree walbahaarka, hurdo fiicanna seexo. ✅ Haddii dhakhtar kuu qoray daawo, si joogto ah u qaado.
Xusuusin: Dhiig-karku mararka qaar calaamado ma laha, sidaas darteed si joogto ah u cabbir dhiiggaaga. Ka hortaggu waa ka wanaagsan yahay daaweynta.