23/09/2026
Somali Emergency and Critical Care Training Center (SECCTC), oo kaashanaya Qaybta First Aid ⛑️ ee Xafiiska Arrimaha Bulshada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, ayaa qabtay tababar ku saabsan Gargaarka Degdegga ah (First Aid).
Tababarkan waxaa loo qabtay ardayda ka kala socotay kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo lagu barayay aqoonta iyo xirfadaha aasaasiga ah ee muhiimka u ah bixinta gargaarka degdegga ah marka ay dhacaan xaaladaha degdegga ah.
Ujeeddadu waa in ardayda la siiyo aqoon iyo xirfado ay si sax ah oo degdeg ah ugu caawin karaan qofka xaalad degdeg ah ku jira, ilaa uu helo daryeel caafimaad oo dhammeystiran.
Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan ardayda ka qaybqaadatay tababarka, macallimiinta iyo maamulka ka shaqeeyay hirgelinta barnaamijkan.
SECCTC – Saving Lives Through Training & Education.
Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
Faculty of Medicine and Surgery, Somali National University
Affairs aid Department