08/06/2026
HAMBALYO IYO BOGAADIN
Ururka Somali Medical Students Association (SOMSA) waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Guddoomiyaha cusub ee Midowga Ardayda Jaamacadda Jazeera ๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ iyo Guddoomiye Ku xigeenka cusub ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ iyo dhammaan xubnaha kale ee loo doortay hoggaanka Midowga.
sharaf weyn ayay noo ahayd inaan ka qayb galno munaasabadda caleemo-saarka hoggaanka cusub, taasoo ka tarjumaysa koboca hoggaaminta ardayda iyo doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin horumarinta tacliinta bulshada.
Waxaan idiin rajaynaynaa muddo-xileed guul leh oo ay ku dheehan tahay hoggaan hufan, wada-shaqayn miro-dhal ah iyo adeeg daacadnimo ku dhisan. Waxaan kalsooni ku qabnaa in hoggaankiinnu uu horseedi doono horumar, midnimo, iyo saameyn wax ku ool ah oo ay ka faa'iideysan doonaan dhammaan ardayda Jaamacadda Jazeera.
Ururka SOMSA wuxuu mar walba garab taagan yahay horumarinta hoggaaminta ardayda iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya ururrada ardayda Soomaaliyeed.
Hambalyo mar kale Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka, iyo dhammaan hoggaanka cusub ee Midowga Ardayda Jaamacadda Jazeera. Waxaan idiin rajaynaynaa guul iyo horumar joogto ah.