08/08/2026
Deeq Kutubta Qur’aanka Kariimka ah oo la gaarsiiyay Masjidka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed
U Qayb-sanaha Arrimaha Militaryga ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya (Riyaad) ayaa deeq ka kooban Kutubta Qur’aanka Kariimka ah ku wareejiyay Masjidka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Deeqda waxaa wakiil ka ahaa Dhamme Dr. Mohamed Ali Abdullahi, Madaxa Kabinetka Xafiiska Kaaliyaha Taliska Guud ee Ciidanka XDS, iyadoo munaasabadda wareejinta uu goobjoog ka ahaa Agaasimaha Isbitaalka Xoogga, Dhamme Dr. Mustafa Xuseen.
Kutubtan Qur’aanka Kariimka ah ayaa loogu talagalay inay ka faa’iidaystaan bukaannada, eheladooda, shaqaalaha isbitaalka iyo jamaacada Masjidka, si kor loogu qaado akhriska Qur’aanka Kariimka ah iyo kobcinta wacyiga diineed.
Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyay U Qayb-sanaha Arrimaha Military-ga deeqdan qiimaha badan, iyagoo ku tilmaamay mid kor u qaadesa xuska iyo aqrinta kalaamka Allah sido kale, waxay Alle uga baryeen inuu kheyr iyo ajar ka siiyo dhammaan intii ka soo gaarsiisay deeqdaan qiyamka leh.