Qardho General Hospital

Qardho General Hospital Cusbitaalka Guud ee Qardho

24/08/2026

Adeega Ambulance Ta Cisbitaalka Guud ee Qardho.

Number ka Ambulance ta 4705757.

Kusodhowaada Cisbitaalka Guud ee Qardho.

Daryeel Bulsho.
Adeeg Caafimaad.

23/08/2026

Dr. Fayes Al Abdullahi Consultant Specialist in Paediatrics and Neonatologist oo Leh 26 Sano oo khibrad ah una adeegay bulshada reer qardho iyo guud ahaan bulshada soomaliyeed. Wuxu ku guulaystay markii sadexdaas inu ku sameeyo Cisbitaalka Guud ee Qardho Exchange Transfusion oo ah camaliyad naadir.

Alla Mahadle.

17/08/2026

Exchange Transfusion.
Cisbitaalka Guud ee Qardho.
Waxa marki saddexaad lagu guulaystay ka baddalka guud ahaan dhiiga ku jira ilmo yar oo 4 habeen jira maadaama ay laso daristay xaalad caafimaad oo keentay burburka unugyada dhiigga cascas.

Ka baddalida dhiigga waxa sameeyay, isaga oo kaashanaya kalkaaliyayaasha Cisbitaalka Guud ee Qardho Dr.Fayez Alabdalla, oo ah dhakhtar ku takhasusay caruurta iyo dhallaanka( Neonatologist) shaqaynayayna in ka badan 25 sano.
Wacyigelin:
Fadlan, waalid horay u gay xarun caafimaad hadii aad ku aragto is bedel ka dhiga Huruud ama Jaalle midabka maqaarka Ilmaha. ( Jaundice)
Alla Mahadle

15/8/2026 Maalin Sabti ah waxa tabobar loo qabtay Shaqaalaha Waaxda Gargaarka Deg Dega ah (Emergency Department ) ee Cis...
15/08/2026

15/8/2026 Maalin Sabti ah waxa tabobar loo qabtay Shaqaalaha Waaxda Gargaarka Deg Dega ah (Emergency Department ) ee Cisbitaalka Guud ee Qardho. Tababarkaan oo ku saabsan Xirfadaha iyo Habraacyada Kalkaaliyaha Qaybta Gurmadka Degdegga ah.

Tabobarka waxa bixiyey Dr Mohamed Cali ( Dr. Kalay ) Dhakhtarka cuduradda Guud Cisbitaalka Guud ee Qardho.

Maamulka Cisbitaalka Guud ee Qardho ayaa Si joogto ah tabobaro ugu qabta Shaqalaha waaxyaha kala duwan ee Cisbitaalka iyada looga gol lee yahay kor u qaadida tayada aqoonta Shaqaalaha sido kale hagaajinta Adeega Caafimaadka ee uu bixiyo Cisbitaalka Guud ee Qardho.

Alla Mahadleh.

13/08/2026

Kulanka isku xirka bulshada iyo Cisbitaalka Maamulka Cisbitaalka Guud ee Qardho ayaan kulan la qaatay Gudoomiyayaasha Xaafadaha Magaalada Qardho oo ay weheliyaan Masuuliyiin ka socday Dowlada Hoose ee Degmada Qardho.

12/8/2026 Maalin Arbaca ah Maamulka Cisbitaalka Guud ee Qardho ayaa kulan la qaatay gudoomiyayaasha gudiyadda xaafadaha ...
12/08/2026

12/8/2026 Maalin Arbaca ah Maamulka Cisbitaalka Guud ee Qardho ayaa kulan la qaatay gudoomiyayaasha gudiyadda xaafadaha Magalada Qardho.

Waxa booqasho ku yimi Cisbitaalka Guud ee Qardho gudomiyaasha Gudiyada xaafadaaha ay ka kooban tahay Magaalada Qardho iyaga oo kulan la qaatay Maamulka Cisbitaalka. kulankan waxa kaso qayb galay Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Qadho Mohamed Xayaf , Agaasimaha Arimaha bulshada Dowlada Hoose Abdinaasir Yasin iyo Xildhibaan Khadro Jaamac Nuur oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Qardho.

Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Qardho Dr Hussein Muse Nouh ayaa warbixin ka siyey shaqada ka socota Cisbitaalka , Adeegyadda kuso kordhay mudooyinkii dame gaar ahaan qaybta cusub ee Radiology Department halkaas oo yaal CT-scan casri ah.

Ujeedada kulanka ayaa ahayd isku xirka Cisbitaalka iyo bulshada iyo sidii looga wada shaqayn lahaa Horumarinta Cisbitaalka Guud ee Qardho iyadoo Cisbitaalka ku laf dhabar u yahay adeeg Caafimaadka Gobolka Karkaar gaar ahaan Magalada Qardho.

Alla Mahadleh.

Gardo General Hospital CT-Scan 24/7 Service.
10/08/2026

Gardo General Hospital CT-Scan 24/7 Service.

Maamulka Cisbitaalka Guud ee Qardho iyo howlwadeenadiisuba iyaga oo isku duuban waxa ay hambalyo u dirayaan madaxda iyo ...
01/08/2026

Maamulka Cisbitaalka Guud ee Qardho iyo howlwadeenadiisuba iyaga oo isku duuban waxa ay hambalyo u dirayaan madaxda iyo guud ahaan shacabka Dowladda Puntland oo 28 sano jirsatay.
Maamulka iyo howlwadeenaduba waxa ay u rajaynayaan barwaaqo, baraare, nabad iyo jiritaan Dowladda Puntland.
Puntland State TV
Puntland State House
Wasaaradda Caafimaadka Puntland
H.E Said Abdullahi Deni

29/07/2026

Agaasimaha Cisbitaalka Cisbitaalka Guud ee Qardho Dr. Hussein Muse Nouh ayaa kalmad Dardaaran ah u jeediyey Ardayda Barata kuliyadda Dawada iyo Qalliinka (Medicine and Surgery) ka Jaamacadaha Puntland.

Ardayda aya u jooga Cisbitaalka Guud ee Qardho inay ku qataan tobobar xirfad kororsi ah mudada xagaaga ah.

Address

Xaafadda Xorgoble
Qardho

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Qardho General Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share