28/09/2026
بِسْمِ اللهِ الرَّحْمنِ الرَّحِيم.
Qofka Qur’aanka akhriya, la saaxiiba, oo noloshiisana Qur’aanka ku xira, Alle wuxuu ku karaameeyaa saddex arrimood oo waaweyn:
1: Rizqi uu filaynin
Alle wuxuu ka arsaaqaa meel uusan ka filayn in rizqi uga imaanayo. Wuxuu u furaa albaabo aanu xisaabsanayn, wuxuuna u keenaa kheyr aanu filayn
2: Arrimihiisa oo loo fududeeyo
Dhibaatooyinka iyo baahiyaha noloshiisa Alle ayaa u fududeeya. Wixii ku adkaadana wuxuu u sameeyaa jid uu kaga baxo, isagoo u fududaynaya arrimihiisa si aanu mararka qaar xitaa u filayn.
3: Qalbi deggan iyo kalsooni Alle
Qofka qur’anka lasaxiba Qalbigiisa walwal madareemo wuxuu dareemayaa xasillooni, deganaan iyo kalsooni uu ku qabo Alle. Markasta oo ay noloshu ku adkaato, wuxuu ogaanayaa in Allah سبحانه وتعالى Lajiro marwalba
﴿أَلَا بِذِكْرِ اللَّهِ تَطْمَئِنُّ الْقُلُوبُ﴾.
Daaciyad Deeqa Haaji.