Naima Shidoow

Naima Shidoow Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Naima Shidoow, Medicina e saúde, Rua Casimiro de Abreu 755 34 rua praiba, Mogadishu.

Dr. Naima💉
📚 La-talin & wacyigelin caafimaad (bilaash)
👩‍⚕️ Dhalmo-la’aanta rag & dumar
🤰 Hooyooyinka uurka leh
🛑 FGM (Gudniinka Fircooniga)
💊 Vitamiinada, miisaanka & cudurrada guud
📩 Nala soo xiriir si aad talo u hesho

20/05/2026

ogtahay in hooyo kasta oo uur leh ay muhiim u tahay inay hesho nafaqada loo yaqaan “choline”? 🧠🤱
Choline waxay taageertaa koritaanka maskaxda ilmaha uurka ku jira, waxayna ka caawisaa ilmaha inuu yeesho maskax caafimaad qabta iyo garasho wanaagsan.
Choline-yarida ama in aan la helin nafaqadan waxay khatar ku keeni kartaa horumarka maskaxda carruurta mustaqbalka.

12/05/2026

40 ayaad uur leedahay welina calaamad foosho ma jirto… Akhri tan.👇

🚩Ukunta iyo hooyada uurkalehUkun waa cunto aad muhiim ugu ah hooyada uurka leh, maxaa yeelay waxay xambaarsan tahay nafa...
12/05/2026

🚩Ukunta iyo hooyada uurkaleh

Ukun waa cunto aad muhiim ugu ah hooyada uurka leh, maxaa yeelay waxay xambaarsan tahay nafaqooyin dhisa jirka hooyada iyo koritaanka ilmaha uurka ku jira.
Faa’iidooyinka ugu waaweyn ee ukunta uurka
🥚 Waxay dhistaa ilmaha
Borotiinka ku jira ukunta wuxuu ka qayb qaataa samaysanka murqaha, lafaha, iyo xubnaha ilmaha.
🧠 Waxay kobcisaa maskaxda ilmaha
Ukuntu waxay hodan ku tahay choline, taasoo muhiim u ah koritaanka maskaxda iyo xusuusta ilmaha mustaqbalka.
❤️ Waxay kordhisaa dhiigga iyo tamarta
Birta iyo fiitamiinada B12 waxay ka caawiyaan hooyada inay ka hortagto daal iyo dhiig-yaraan.
🦴 Waxay xoojisaa lafaha
Fiitamiin D iyo kaalshiyamku waxay taageeraan lafaha iyo ilkaha hooyada iyo ilmaha.
😊 Waxay siisaa dhereg iyo caafimaad
Ukuntu waxay qofka ka dhigtaa mid dhereg dareema muddo dheer, waxayna ka caawisaa jirka inuu helo tamar joogto ah.

📢Maxaaa subixi ku bilaawataa?Haddii aad subaxda ku bilowdo sokor badan (tusaale shaah sokor leh, coffee sokor lehWaxa ji...
06/05/2026

📢Maxaaa subixi ku bilaawataa?

Haddii aad subaxda ku bilowdo sokor badan (tusaale shaah sokor leh, coffee sokor leh
Waxa jirkaaga ku dhicikara👇

1. Sonkorta dhiigga si degdeg ah ayey u kacdaa
Sokortu si dhakhso ah ayey u gashaa dhiigga, taasoo keenta tamar degdeg ah iyo “firfircooni” gaaban Kadib si degdeg ah ayey u dhacdaa (energy crash)
Wax yar kadib, insulin ayaa hoos u dhigta sonkorta, taasoo keeni karta:
daal gaajo degdeg ah madax wareer ama feejignaan yari
✅️. Gaajo badan maalinta h**e
Sokor badan subaxdii waxay keeni kartaa inaad si degdeg ah u cunto mar kale, gaar ahaan cunto macaan ama carbohydrates.
✅️Saameyn muddo dheer ah (haddii ay caado n️oqoto)
Haddii subax kasta sokor badan la qaato
🚩miisaan kordhin
🚩halis insulin resistance (ka hor sonkorow)
🚩tamar joogto ah oo aan xasilloonayn
🚩feejignaan gaaban oo fiican
🚩kadibna “brain fog” ama daa

🧠 Halista mustaqbalka guud
Haddii ay caado noqoto
1. Sonkorow (Type 2 diabetes)
2. Miisaan kordhin & calool barar
Sokor degdeg ah = insulin badan
insulin badan = dufan kayd badan, gaar ahaan caloosha

3. Wadno xaxuun iyo dhiig-karka
triglycerides kor u kac
✅️cadaadis dhiig oo kordha

👩‍🦰 Dumarka gaar ahaan halista u badan
1. PCOS (Polycystic O***y Syndrome)
Sokor badan iyo insulin resistance waxay kordhin karaan:
caado aan joogto ahayn
finanka (acne)
timaha badan (face/body hair)
uur qaadista oo adkaata
🩸. Dhibaatooyinka uurka
Haddii caado noqoto:
halis gestational diabetes (sonkorowga uurka)
miisaan badan inta uurka lagu jiro
dhalmada oo adkata
❌️ Hormoonnada oo is beddela
insulin badan waxay saameyn kartaa estrogen & progesterone
waxay keeni kartaa caado wareer ama PMS daran
🩸Maqaarka & gabowga
sokor badan =“glycation” (waxyeello collagen-ka)
taasoo keenta
maqaarka oo degdeg u duqooba
laalaab h**e yeesho.

06/05/2026

Maxaa diidaya in aynu beddel yar sameyno?

Halkii aan ka cuni lahayn bariis badan oo keliya (carbohydrate badan), maxaa diidaya in aynu ku darno digir maadaama ay jaban tahay oo nafaqo badan leedahay?

🫘 Digirtu waa:

- Borotiin (dhista jirka)
- Fiber (wanaajisa dheef-shiidka)
- Waxay xakameysaa sonkorta dhiigga
- Waxay u fiican tahay wadnaha
- Waxay hodan ku tahay iron iyo fitamiino

Hilibku waa muhiim, laakiin maalin kasta hilib gaduudan cunistiisu caafimaad uma fiicna, gaar ahaan dadka waaweyn. Sidoo kale qof walba ma awoodo inuu si joogto ah u helo hilib ku filan.

Haddaba maxaa diidaya in aynu ka faa’iidaysanno dalagga dalkeenna sida digirta—oo jaban, caafimaad leh, isla markaana buuxin karta baahida jirka?

✅️Xasaasiyada iyo gaaska oo dad badan isku qaldaan hoos ka aqriso👇

📢🚩Maku tahay ukuntu xasaasiyadFarqiga ukunta dalka iyo tan Dibada.Ukunta gudaha dalka iyo tan dibadda laga keeno labadub...
05/05/2026

📢🚩Maku tahay ukuntu xasaasiyad
Farqiga ukunta dalka iyo tan Dibada.

Ukunta gudaha dalka iyo tan dibadda laga keeno labaduba asal ahaan waa isku nooc (ukunta digaagga). Farqiga ugu weyn wuxuu ka yimaadaa sida digaagga loo dhaqo, cuntadiisa, iyo nadaafadda, ma aha “bacrimin” gaar ah oo caafimaadka wax u dhimaya.
🥚 Ukunta gudaha dalka: Badanaa waa dabiici, digaagguna wuu banaanka wareegaa, taasoo mararka qaar ka dhigta mid dhadhan fiican leh. Laakiin mararka qaar nadaafadda iyo kaydintu way liidataa.
🥚 Ukunta dibadda laga keeno: Waxaa la mariyaa kormeer iyo nidaam adag, sidaas darteed waa la hubiyaa tayadeeda iyo badbaadadeeda.

Xasasiyada iyo nadafa ukunta dalka?
2 nuuc ukunta maxay kukala duwanyihiin?
Hoos ka aqriso👇

🥚Sidee ayaa xasasiyad ku tahay mida dalka ama mida dibada?

📢FAA’IIDOYINKA CAAFIMAAD EE CUNISTA UKUNTA IYO CIDDA KA FOGAAN KARTAUkuntu waa mid ka mid ah cuntooyinka ugu nafaqada ba...
05/05/2026

📢FAA’IIDOYINKA CAAFIMAAD EE CUNISTA UKUNTA IYO CIDDA KA FOGAAN KARTA

Ukuntu waa mid ka mid ah cuntooyinka ugu nafaqada badan ee la cuni karo. Waxay bixisaa borotiin tayo sare leh, dufan caafimaad leh, fiitamiino, iyo macdano taageera shaqooyin badan oo jirka ah.
Baro faa’iidooyinka caafimaad ee cunista ukunta, ka aqriso hoose 👇🏾

05/05/2026

🖐💉📢Naas-nuujinta joogtada ah (exclusive breastfeeding) ma aha oo kaliya inay ilmahaaga siiso nafaqo, balse sidoo kale si weyn ayay u yaraysaa booqashooyinka isbitaalka lixda bilood ee ugu horreeya noloshiisa.

🥚🩸Omega-3 waa nafaqooyin leh awood ka hortag barar (anti-inflammatory) iyo ka hortag oksaydheeshin (antioxidant), waxayn...
02/05/2026

🥚🩸Omega-3 waa nafaqooyin leh awood ka hortag barar (anti-inflammatory) iyo ka hortag oksaydheeshin (antioxidant), waxayna door muhiim ah ka ciyaaraan caafimaadka taranka ragga.
Waxay qayb muhiim ah ka yihiin xuubka unugyada shahwada (s***m cell membranes), iyagoo saameeya dabacsanaanta xuubka, dhaq-dhaqaaqa (motility), iyo shaqada guud ee shahwada.
Oksaydheeshin badan (oxidative stress) iyo barar waxay dhaawici karaan qaabka (morphology) iyo dhaq-dhaqaaqa shahwada, kuwaas oo aad muhiim ugu ah bacriminta guuleysata.
Cilmi-baaris caafimaad oo lagu daabacay joornaalada taranka (reproductive medicine) ayaa lagu daraaseeyay Omega-3 ragga qaba dhalmo la’aan iyo shahwo aan caadi ahayn.
Daraasado badan, raggu waxay qaateen Omega-3 muddo ku dhow 3 bilood, taas oo la jaanqaadaysa hal wareeg oo buuxa oo soo saarista shahwada ah.

👇Omega-3 waxay taageertaa taranka ragga

🚩Yareysa bararka jirka
🚩Ka hortagta waxyeellada oksaydheeshinka
🚩Hagaajisa dhaqdhaqaaqa shahwada
🚩Xoojisa xuubka unugyada shahwada
🚩Kor u qaadda tayada iyo shaqada guud ee shahwada

🔥Cuntadaadu waxay door weyn ka ciyaartaa caafimaadka taranka, in ka badan inta aad u malaynayso. Cuntooyinka hodanka ku ...
01/05/2026

🔥Cuntadaadu waxay door weyn ka ciyaartaa caafimaadka taranka, in ka badan inta aad u malaynayso. Cuntooyinka hodanka ku ah nafaqooyinka waxay ka qayb qaataan firfircoonida guud ee jirka iyo dheellitirka caafimaadkiisa.

Address

Rua Casimiro De Abreu 755 34 Rua Praiba
Mogadishu
03013001

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Naima Shidoow posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Naima Shidoow:

Share