Gele medium clinic

Gele medium clinic Gele Medium Clinic, Degehbur, Somali Region, Ethiopia

27/08/2025
11/06/2025

wacyi galin Caafimaad: Daryeelka Uurka/uurlayda ee Haweenka Soomaaliyeed

Assalamu Calaykum wa Rahmatullaahi wa Barakaatuhu,
Walaalaha qaaliga ah ee Soomaaliyeed,
Maanta waxaan rabaa inaan si kooban uga hadlo muhiimadda daryeelka uurka leh iyo caafimaadka hooyada.

Marka haweeney ay uur yeelato, jirkeeda wuxuu u baahan yahay daryeel gaar ah. Uurka ma aha oo keliya in la sugayo ilmaha, waa masuuliyad caafimaad oo culus. Waa muhiim in haweenka uurka leh ay:

1. Booqdaan xarumaha caafimaadka ugu yaraan 8 jeer inta uu uurku socdo.
2. Cunto caafimaad leh cunaan, sida khudaarta, hilibka, kaluunka iyo caanaha.
3. Ka fogaadaan daawooyinka aan dhakhtarku qorin, sigaarka, qaadka, iyo wax kasta oo caruurta wax u dhimi kara.
4. La socodsiiyaan dhakhtarka haddii ay arkaan calaamado aan caadi ahayn sida dhiig bax, madax xanuun daran, ama matag joogto ah.

Uurka daryeelkiisa wanaagsan wuxuu badbaadiyaa nolosha hooyada iyo ilmaha. Haweenka Soomaaliyeed waa laf-dhabarta bulshada, markaa caafimaadkooda waa muhiim.

Fadlan walaashay, haddii aad uur leedahay, ha sugin xanuun ama dhibaato — soo booqo xarumaha caafimaadka si aad u hesho daryeelka aad u baahan tahay.

Ilaahey ha idin siiyo uur caafimaad leh, dhalaan nabad ku dhasha, adiguna nabad ku dhashid.

Waad mahadsan tihiin.

03/10/2024

fikradaha iyo khuraafaad khaldan ee bulshadeenu ka aamin sanyihiin xanuunka dhiig karka:

1. Dhiig-karka waa la daweyn karaa
2. Kaliya waxay ku dhacdaa dadka buurburan
3. waa Cudurada dadka taajirinta ama malqabeenada
4. Haddi aanan calaamad lahayn, dhiig kar malihi
5. qoyskanugu malaha, see iigu dhici
6. Waxaa keena habaar ka
7. Wuxuu ku dhacdaa kaliya dadka da'da ah
8. Waxaa ku dhaca dadka walaacsan(stressed out)
9. Daawooyinka dhirta ayaa daaweeya
10. Daawooyinka dhiigkarka waad laqabsan ama waxay yeeshaan ku-tiirsanaan
11. Milixda kaliya dhanan oon iska dayn/yaran
12. Buurnidu waa calaamad muujinaysa inaad caafimaad qabto.
Fikradahan qaldan kuma koobna oo kaliya dhiig karka ee xanuuno badan oo kale ayay sidan oo kale bulshadeenu aamin sanyihiin

Hadaba waxaan bulshada ku wacyi galin inay iska saaran khuraafaadka iyo fikradaha khaldan ee ku saabsan dhiig-karka

Fadlan share garee wacyi galintan

Wixii fikrad qaldan een halkan kuxusnayn nala wadaag (as a comments)

17/07/2024

OGAYSIIS
Wxaan Dhamaan bulshada magala dhagaxbur iyo nawaaxigeeda ugu bisharayn/ogaysiin haynaa in xarunta caafimaadka ee Gele fadhiisan doono dhakhter takhasus uleh lafaha malmaha axada iyo sabtida galinka hore(3:00 -6:00 subaxnimo).
Wuxuuna dhakhterku soo fadhisan doona xarunta laga bilaabo sabtida iyo axada so socda todobaad kasta
Wixii faah-faahin ah kala xidhiidh:
Gele medium clinic
Xaafada:01
Kasoo horjeedka wegagan bank
Tel:-0915645482/0913432226

06/05/2024
Bishaaro Bishaaro BishaaroWaxaan dhamaan bulshada kunool magalad dhagaxbur iyo nawaaxigeeda ugu bishaaraynaynaa in xarun...
06/05/2024

Bishaaro Bishaaro Bishaaro
Waxaan dhamaan bulshada kunool magalad dhagaxbur iyo nawaaxigeeda ugu bishaaraynaynaa in xarunta cafimadkaka ee geele lagusoo kordhiyay qalab shaybadh oo casri ah, qalabkaas oo baadhaya in kabadan 33 dhacaan oo ay kamid yihiin hormonada dhalmada dumarka iyo raga, hormonada qanjidhka loo yaqaano tyroid ka (TF), dhacanka kansarka qanjidhka raga (prostate specificy antigen), baadhida xanuunka Romatiiska iyo kuwa kaloo badan
Xarintan oo kutala kasoohorjeedka wagagan bank, waxa kugu diyar ah xirfadlayal ku takhasusay adeega shaybaadhka
Hadaba bulshoy hamoganin

Bishaaro Bishaaro BishaaroWaxaan dhamaan waalidiinta kunool magalad dhagaxbur ugu bishaaray haynaa in xarunta cafimadkak...
09/11/2023

Bishaaro Bishaaro Bishaaro
Waxaan dhamaan waalidiinta kunool magalad dhagaxbur ugu bishaaray haynaa in xarunta cafimadkaka ee geele bilawday adeega gudninka (xalalaynta) caruurta dhalan 7 cisho ilaa hal sano
Gudninkan oo ka duwan kan caadiga ayaa ah mid la adeegsan hayo aalad casriya oo ugaar ah xalalaynta caruurta sanad ka yar. Kadhibyar, kana bogsan og, ilmuhuna maxasuusan doono hadad gudo isagoo sanad kayar.
Hadaba hamoganina

Address

Degeh Bur

Telephone

+251964040442

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gele medium clinic posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Gele medium clinic:

Share