Muktar Adenyare Officail page

Muktar Adenyare Officail page This group is dedicated to share information regarding vaccines, immunization, & biologicals among all EPI actors at all level. Vaccines Work!

Together, we can make a real difference! Leave no one behind for immunization! Zero doses no more! Partnership and Empowerment: We take our inspiration
from the 3,500 year old Tao (Way) of Leadership, working
shoulder to shoulder with our local colleagues and partners
toward their empowerment and success.

Rag Culus ayaa is helay
21/05/2026

Rag Culus ayaa is helay

 (Health Center) iyo Mashaariic Kale oo Bulshada Muhiim u ahWaxaa maanta si rasmi ah loo qabtay xulashada goobta laga dh...
13/05/2026

(Health Center) iyo Mashaariic Kale oo Bulshada Muhiim u ah

Waxaa maanta si rasmi ah loo qabtay xulashada goobta laga dhisi doono Xarunta Caafimaadka ee Kaam Haashim (Health Center), iyadoo sidoo kale lagu wareejiyay dhulkii loogu talagalay dhismaha xarunta.
Xaruntan caafimaadka waxaa dhisaya qurbo-joogta degmada Xarshin ee kasoo jeeda qabalaha Kaam Haashim, waxaana loo qorsheeyay inay noqoto xarun caafimaad oo dhamaystiran (Full Package Health Center) oo si casri ah loo dhisayo.
Waxyaabaha uu ka koobnaan doono mashruucu::-

1)Xarun caafimaad nooca Health Center Type B
,2)Dayr dhamaystiran oo xarunta ku wareegsan

3)Guryo loogu talagalay shaqaalaha caafimaadka

4)Barkad biyood

5)Solar System casri ah

Miisaaniyadda guud ee mashruucan ayaa lagu qiyaasay ilaa $120,000.

Sidoo kale, dhismaha xarunta caafimaadka waxaa barbar socon doona mashaariic kale oo muhiim ah oo ay hirgelin doonaan qurbo-joogta deegaanka, kuwaas oo ay kamid yihiin:
1)Saldhig boolis
2)Guriga martida
3)Master Plan-ka deegaanka
4)Dugsi waxbarasho

Mashaariicdan ayaa la qorsheeyay in si rasmi ah loo bilaabo taariikhda 1/7/2026.

Ugu dambayn, Xarunta Caafimaadka ee qabalaha Kaam Haashim waxay culays weyn ka dejin doontaa Xarunta Caafimaadka ee Lanqayr, taas oo h**e u maamuli jirtay 12 Health Post. Mashruucani wuxuu door weyn ka qaadan doonaa horumarinta adeegyada caafimaadka iyo guud ahaan adeegyada bulshada ee deegaanka.

11/05/2026

Ogeysiis

Haddii ilmahaaga laga helay wadne dalool (Congenital Heart Disease) oo uu u baahan yahay qaliinka Open Heart Surgery, waxaa jira fursad lagu heli karo qaliin bilaash ah (free surgery) oo dibadda ah.

Noocyada xanuunnada la qaabilayo:

• ASD (Atrial Septal Defect)
• VSD (Ventricular Septal Defect)
• TOF (Tetralogy of Fallot)

Dhamaan qalliinnadaas waa la daboolayaa (free), iyadoo lala kaashanayo isbitaallo iyo hay’ado caalami ah.

Shuruudaha laga rabo qoyska:

1. In ilmaha iyo Hooyadu ay Haystaan Somali Passport
2. ⁠In ilmuhu ka yaryahay 14 Jir
3. ⁠In Shaybaadhkiisa Computerka Wadnuhu Yahay 2 Bilood Ee U Danbeysey Xanuun Kalena Aanu Qabin
4. In qoyska awood u leeyahay:
• Kharashka joogitaanka (living cost) ee Addis Ababa muddo u dhaxaysa 5 ilaa 10 maalmood
• Kharashka fiisaha (visa):
• Ethiopia
• India

Fiiro gaar ah:

• Qalliinka laftiisa waa 100% bilaash
• Safarka iyo nidaamka waxaa fududeynaya One Heart One World Association (OHOWA) 100% Bilaash
• Carruurta waxaa loo qaadaa isbitaallo ku yaalla India oo leh khibrad sare

Xaaladaha kale Ee Wadnaha

Haddii Ilmahaagu Aanu ahayn saddexdaas nooc mid Ka mid ama ay dhakhatiirtu noo sheegan in uu galayo qalliino marxalado kale duwan ah, habku wuu ka duwanaanaya habka aan kor ku xusney fadlan la xidhiidh xafiiska aan ku leenahay hargeisa.

29/04/2026
25/04/2026
Wakhtigaa is gurayoo ila garo libaaxoow
21/04/2026

Wakhtigaa is gurayoo ila garo libaaxoow

Address

Harshin
FAFAN

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Muktar Adenyare Officail page posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Muktar Adenyare Officail page:

Share