Cabdikaafi CabduL

Cabdikaafi CabduL Prevention is beter than Cure 💉 🩸❤️☑️ medication is the best way becoz if you provide care some one you deserve to be docter

23/02/2026

Be ready any TiMe guyz ☑️↗️✔️✅️

Walaashey Ama Walaalkey Ma Ogtahay in ay Waajib kugu Tahay Haddii Lagu Weeydiiyo Todobadan Su`aalood inaad Kaga Jawaabi ...
07/10/2025

Walaashey Ama Walaalkey Ma Ogtahay in ay Waajib kugu Tahay Haddii Lagu Weeydiiyo Todobadan Su`aalood inaad Kaga Jawaabi Karto Si Cilmiyeeysan.?

Hadaba Waa Kuwee Su`aalaha Todobada ah Ee La Sheegayo.?

Q: 1 " Su`aasha Kowaad : Waa Maxay Acraaf.?

Ans: 1: Acraaf Waa Goob U dhaxeeyso Naarta iyo Janada Waxaa Lagu magacaabaa " Al-Acraaf"
Waa darbi Aad U Weeyn joog dheer leh

Asxaabta dushiisa Saaran ay Ka daawanayaan Ehlu-janaha iyo Nimcooyiinka ay dhax dabaalanayaan iyo Kuwa Ehlu-Naarka iyo Cuquubada Haysata

Jamaacadaas Ugu dambeeyn Rabbigood ayaa U Ogolaanayo in ay jannada Ku galaan Naxariistiisa

Culumada islaamka Waa ay isku khilaafeen Qoloda Meesha saaran yeey yihiin Lkn Sida Raajaxa ah Waa Qoom isla ekaadeen Xumaantoodii iyo Samantoodii .

Q: 2 " Su`aasha Labaad: Halkee Kaa jirtaa jannada.?

Ans: 2" Jannadu Waxeey Ku taallaa Todoba Samo Ka kore Marka Uu Allah Duubayo Samooyiinka iyo dhulalka todobada ah Sida Warqado camal Jannada ayada Waa Hareysaa

Ma Ku jirto Waxa La laabayo Mana dhamaaneyso mana Zuuleyso Saqafkeeda Korane Waa Carshiga Raxmaanka jalla wacala

Q: 3" Su`aasha Sadaxaad: Halkee Naarta Kaa Jirtaa.?

Ans: 3" Naartu Waxeey Ku taalla goob Ka hooseyso todobada Dhul Waxaa Lagu Magacaabaa goobtaas ، سجين"Sijiin
Allah Waxaa Uu Nooga Waramay in Uu abuuray todobo samo iyo todobo dhulal Oo la mid ah
{ اللَّهُ الَّذِي خَلَقَ سَبْعَ سَمَاوَاتٍ وَمِنَ الْأَرْضِ مِثْلَهُنَّ }:
Sijiin " : Waa Meesha dhulalka Ugu hooseyso ayeey Ka sii hooseysaa.

Xadiithkan ayaa Daliil U ah Oo Laga Wariyay Ibnu Mascuud Allah Ka ralli Noqdo
عن ابن مسعود قال : " الْجَنَّةُ فِي السَّمَاء
السَّابِعَةِ الْعُلْيَا، وَالنَّارُ فِي الْأَرْضِ السَّابِعَةِ السُّفْلَى"

"Ka dib Waxaa Uu aqriyay Aayadaan
" إِنَّ كِتَابَ الْأَبْرَارِ لَفِي عِلِّيِّينَ) المطففين" ، إِنَّ كِتَابَ الْفُجَّارِ لَفِي سِجِّينٍ" المطففين"

Q: 4 " Su'aasha Afaraad: Qiyaasta Halka Maalin Ee Qiyaame immisa ayeey La Egtahay.?

Ans: 4" Qiyaasta Halkii Maalin Ee Qiyaamaha Waxeey la egtahay 50.000 Sanad

( HOOYO XAAWA ) Markii Aan Raadiyay Halka Ayka Timid sheekada ah ,, Xaawa waxa laga abuuray Feedha Nabi aadam ) Runtii W...
09/01/2025

( HOOYO XAAWA )

Markii Aan Raadiyay Halka Ayka Timid sheekada ah ,, Xaawa waxa laga abuuray Feedha Nabi aadam ) Runtii Waxaan Ogaaday inay tahay Sheeko israaiiliyaad ah Oo Aan lagu Kalsoonan

Beryihii h**e ma ay jirin culuum la mid ah kuwa hadda jira, oo marka laga tago cilmiga diiniga ah aqoonta kale aad bay u yarayd una koobnayd haddii aanay jirinba. Taasina waxa ay keentay in mufasiriinta qaar badan oo ka mid ah maaddaama aanay jirin macaarif kale oo Qur’aanka fahankiisa iyo fasirkiisa ay la kaashadaan in nasiib-darro ay mararka qaar la aadaan israa’iiliyaad iyo sheeko-xariirrooyinkii h**e ee khuraafaadka u badnaa, ee diinta Islaamkuna ay u timid burburintooda iyo la dagaallankooda baridana ay ka ahayd, oo ku fasir ay is dhahaan.

Saamaynta israa’iiliyaadkaasi ay mufasiriin farabadan ku yeesheenna aad bay u ballaadhnayd, intaas oo tusaale baana aynnu uga keeni karnaa, waana ta sababtay xitaa tii oo Qur’aanku uu si cad u tibaaxay in ciddii Ibliisku uu waswaasiyay dembigana ku dhacday markii dambana towbad keentay ay Aadan ahayd Xaawana ay isaga raace u ahayd in haddana mufasiriinta qaarkood ay dhahaan Xaawa ayaa sababta lahayd oo inta ay geedkii laga mamnuucay cuntay Aadanna siisay, waayo Baaybalka ayaa taasi ay ku taallaa! Qur’aankana waxa uu leeyahay ” فَوَسۡوَسَ إِلَیۡهِ ٱلشَّیۡطَـٰنُ — Waxa isaga (Nebi Aadan) wasaawisayay shayddaanka”. Mar kalena waxa uu yidhi “وَعَصَىٰۤ ءَادَمُ رَبَّهُۥ ; Aadam Rabbigiisa ayuu caasiyay.”

Sidoo kale, mas’aladan ah in Xaawa laga abuuray feedha Aadan iyada oo aanu jirin nas cad oo ku yimid, haddana mufasiriinta iyo culimada badankoodu waxa ay ku tageen in laga abuuray feedhii Aadan, qaarkoodna wararkii Sifru-Takwiin ku qornaa ayaaba ay si caadi ah u soo minguuriyeen! Marka aynnu imanno waxa ay u daliishadeenna, waxa ay sheegeen xadiis ay soo saareen Bukhaari iyo Muslin oo Rasuulku uu ku yidhi: ” Dumarka khayr is kugu la dardaarma (macnihii in aad wanaajisaan is ku gu la dardaarma), gabadha waxaa laga abuuray feedh, meesha

24/12/2024

ShabalaLa 👑🙏

[ 571 ] Inta Badan Goobaha Qaadka ama Jaadka Lagu iibiyo Waxaad Ku Aragtaan Tiradan 571 ah Badanaa Deegaanada Somaliland...
27/04/2024

[ 571 ]

Inta Badan Goobaha Qaadka ama Jaadka Lagu iibiyo Waxaad Ku Aragtaan Tiradan 571 ah

Badanaa Deegaanada Somaliland Ayay ku Badan yihiin

Hadaba Tiradani Maxay Tahay

Sanadkii 571 kii Miilaadiga Maxaa Dhacay Abraha Al Ashram oo Ahaa Boqor Ka Taliya Deegaano badan oo Yaman ka tirsanaa ayaa Go,aansaday inuu dhiso kaniisad Dahab Ah Oo aad uwayn wuuna dhisay Kaniisadaas

Kadibna Abraha Ayaa Maqlay Nin Carab ah oo Muslim Ahi inuu Kaniisada darbigeeda Mariyay Saxaro Ama Xaar
Kdibna Abraha Al Ashram Ayaa Go,aansaday inuu Falkaas kaga jawaabo
Duminta Kacbada Ama Kabcada Xaramka Ciidan Xoogan ayuu diyaarsaday Sidoo kalle koox maroodi ah ayuu Diyaarsaday Weerar ayuuna qaaday

Wuxuu yimid duleedka Magaalada Maka
Wuxuuna uyeedhay Cabdi mudalib oo ahaa Hogaanka Reer Quraysh
Cabdi mudalib Ayaa Abraha usheegay inuu usoo celiyo 200 geel ah Oo uu ka dhacay Abraha Ayaana usoo celiyay geelaas Cabdi mudalib

Cabdi mudalib Ayaa Ku noqday reer quraysh isagoo usheegay in ciidan xoogan uuku Soo wajahan yahay ayna isaga guuraan maka wayna isaga guureen
Cabdi mudalib ayaa yidhi [ ilaahayow geelayga waan badbaadsaday ee kabcadaada bad badbaadso]

Abraha ayaa kabcada usoo dhawaaday
Markii uu is yidhi Dumi ayuu arkay Raxan shimbiro ah Oo Dhanka Waqooyi kasoo socda shimbirahaasi waxay Sidaan 3 dhagax oo holac 🔥 ka baxayo
Afka iyo labada Lugood ayay ku sidaan

Ciidankii Abraha Dhamaantood Way gubteen isaguna Wuu baxsaday isagoo Gacmaha go,an Si Xun Ayuuna ugu Bakhtiyay deegaanka Axqaaf

Dhacdadaasina waxay Dhacday Sanadkii 571 kii miilaadiga

Isla Sanadkaas Waxa Dhashay Xabiibkeeni Muxamed N.N.K.H
Waana sanadkii loogu magac daray عام الفيل

Ilaahayna Quraanka ayuu inoogu sheegay

Fasirka macnaha Suurada:

أَلَمْ تَرَ كَيْفَ فَعَلَ رَبُّكَ بِأَصْحَابِ الْفِيلِ ﴿١﴾

“Almatara kayfa facala Rabbuka bi asxaabi alfiil”

Almatara kayfa facala Rabbuka bi asxaabi alfiil: Ma aragtaa siduu ku sameeyey Rabbigaa asxaabtii Maroodiga

أَلَمْ يَجْعَلْ كَيْدَهُمْ فِي تَضْلِيلٍ ﴿٢﴾

Mudo isbuuc  ah gaarigiisa ma uusan isticmaalin, markuu damcay inuu kaxeeysto ayaa  wuxuu ku arkay gaarigii oo shimbir k...
20/04/2024

Mudo isbuuc ah gaarigiisa ma uusan isticmaalin, markuu damcay inuu kaxeeysto ayaa wuxuu ku arkay gaarigii oo shimbir ku qashin aruursatay

Darwaalkii gaariga ma uusan ka firdhin/ka tuurin qashinkii shimbirta balse waxa uu go'aan ku gaaray in uusan gaarigaan isticmaalin ilaa ay ka dhasho ukumaha ka dibna ubadkeeduna ay aragto shimbirta!!!

darawalkii gaariga ayaa la weydiiyay ,maxaay tahay sababta uu intaas oo dhan u sameeyay ? Wuxuu ku jawaabay " Dunida geedo iyo guryo badan ayaa ku yaala ,balse ALLE waxaa uu u dooray inay gaarigeyga ku ukuma dhasho ,sidaas darteed aniga k**a hor istaagi karo ALLE ayaa u fasaxay

unaxariista kuwa Dhulka saaran si samada la idinkaga so naxariiisto

[ IBLIIS ASALKIISU MUXUU YAHAY ❓] Kahor jiritaanka bani aadamka waxa noolaa Labo khalqi oo kalla ah kuwo XIN iyo BIN Lag...
06/04/2024

[ IBLIIS ASALKIISU MUXUU YAHAY ❓]

Kahor jiritaanka bani aadamka waxa noolaa Labo khalqi oo kalla ah kuwo XIN iyo BIN Lagu magacaabi jiray iyo JINKA

Kadibna XIN iyo BIN ayaa Fasahaad iyo fitno ku noqday dhulka ilaahayna wuxuu ku saliday JINKA oo gumaad ba,an ugaystay .

Kadibna JINKA ayaa Sidii XIN iyo BIN Ay sameeyen sameeyay oo iyana way kibreen Dhiig badana way daadiyeen
Ilaahayna wuxuu usoo diray koox malaa,ik ah oo gumaad ugaysta jinkaas kibray
Intoodi badneyd waala dilay balse qayb yar ayaa badbaaday oo alle ayaa ugu talo galay inaysan dabar go,in

Malaa,ikta ayaa dhulka ku arkay ilmo yar oo Jin Ah ilaahay ayaa amray inay samada usoo qaadan halkaasna uu ku barbaaro

Samada ayuu ku barbaaray Isagoo magiciisu yahay CASAASIIL

Wuxuu noqday mid alle ka cabsi badan oo Cibaadadiisu ay joogto tahay

Ilaahay ayaa Abuuray Nabi Aadam C,s
Kadibna malaa,ikta oo dhan ayaa Amar lagu siiyay inay Usujuudaan Aadam C s
Way sujuudeen

Balse Cunugii yaraa Ee samada ku barbaaray ayaa diiday

فَسَجَدَ الملائكة كُلُّهُمْ أَجْمَعُونَ . إِلاَّ إِبْلِيسَ استكبر وَكَانَ مِنَ الكافرين

Way sujuudeen dhamaan IBLIIS mooye Isagoo is kibrinaya oo gaalnimo Ku sugan

Kadibna alle ayaa waydiiyay sababta iyo wuxuu damacsan yahay

قَالَ مَا مَنَعَكَ أَلَّا تَسْجُدَ إِذْ أَمَرْتُكَ ۖ قَالَ أَنَا۠ خَيْرٌ مِّنْهُ خَلَقْتَنِى مِن نَّارٍۢ وَخَلَقْتَهُۥ مِن طِينٍۢ

Wuxuu ku jawaabay

[ Aniga ayaa isaga ka khayr badan Sababta oo ah Waxad iga abuurtay Naar 🔥 isagana waxaad ka Abuurtay Ciid ama Carro ]

Magicii CASAASIIL waalaga badalay oo waxa loo bixiyay IBLIIS
Oo Macne ahaana ah Kii Naxariista eebe laga fogeeyay

IBLIIS Ma uusan ahayn malag Ee wuxuu aha adoon samada ku barbaaray kadibna ilaahay caasiyay

Samada Waalagsoo Buriyay ama Laga Soo eryay

Kadibna wuxuu ukuul galay Sidii uu ilma nabi aadam ufitnen lahaa

✍️ DDrs Zhadiya Ina BurcaawiZDrs Zhadiya Ina BurcaawiIDrs Zhadiya Ina BurcaawiBDrs Zhadiya Ina Burcaawi

Masiixu Dajaal iyo Muusa Saamiri Ma isku Hal Nin baa Mise Way kalla Duwan Yihiin ❓Cadeynta ugu Xoogan Ee Culimadu Ay Ka ...
04/04/2024

Masiixu Dajaal iyo Muusa Saamiri Ma isku Hal Nin baa Mise Way kalla Duwan Yihiin ❓

Cadeynta ugu Xoogan Ee Culimadu Ay Ka haystaan Saamiri iyo Dajaal inay isku Nin Yihiin
Ayaa Ah

Cadeyntaasi waxay tahay

Markii La Gaadhay in La Halaago Fircoon iyo ciidankiisa Malaga jibriil ayaa Samada kasoo dagay isagoo faras wata Muuse Saamiri wuu arkayay Soo Dagitaanka Malaga jibriil c,s
Jibriil faraska uu Saarna Raadkiisa Ama Halka uu KU istaago waxa kasoo baxayay caws iyo geedo Muuse Saamiri wuxuu ogaaday Raadka Faraskaasi inuu Awood leeyahay kadibna Saamiri wuxuu Yimid Halkii jibriil iyo faraskiisu ay mareen Wuxuuna ka qaatay xooga Caro ah Ama ciid ah Ama Dhoobo ah Sababta oo ah wuxuu ogaaday Raadka Faraskaasi inuu Awood leeyahay Uuna filayo inuu Wax nooleyn karo maadaama Uu dhulka Geedo iyo caws kasoo saaray Xooga Carro ah Ama ciid ah ayuu qaatay
Kadibna wuxuu raacay Nabi muuse iyo Qoomkiisi wuuna ka badbaaday halaagii Fircoon

Kadibna ilaahay Ayaa Muuse amray inuu yimaado buurta [ duuru siina ] Si Kitaabka tawraat loogu dhiibo uuna dadkiisa faro inay xifdiyaan kuna dhaqmaan

Intii u nabi Muuse maqnaa Qoomkiisi waxa Fasahaadiyay Muuse Saamiri
Muuse Saamiri wuxuu Sameeyay sanam u eeg Neef lo, ah Ama neef Dibi ah Kadibna Carradi ama Ciidi ama Dhoobadii uu soo qaatay Qayb ka mid ah ayuu KU shubay sanamkii
Kadibna sanamkii ayaa Si Neef Dibi ah u Ciyay ama uqayliyay Saamiri ayaana faray inay caabudan sanamkan Sababta oo ah Waa ilaahooda Wana ilaaha Muuse
Isla markiiba way caabudeen

Intaasi Waa muuse Saamiri Ee Dajaal xagiisa aynu eegno

Sida uu nabigeenu inuu sheegay Masiixu Dajaal
Dunida meel kasta cagta ayuu sari doona isagoo ilaahnimo sheeganayà Balse labo magaalo ayaanu cagta saareyn oo aanu galayn Wana maka iyo madiina labadaas magaalo waxa ilaalo u ah malaa,ik Ku gaashaaman Seefo
Isaga kaligii Ayaa Arkaya malaa,ik taas

Halkaas waxa ka cad Saamiri iyo Dajaal inay ka siman yihiin arkida malaa,ikta

Cadeyn kalle Oo Xoogan ayaa jirta taas oo.ah.

Postiga qaybt

"Haddii laguu dhiibo sanduuq ay ku jiraan wax kasta oo aad h**ey u weyday waa maxay waxa ugu h**eeya oo aad ka baari lah...
01/04/2024

"Haddii laguu dhiibo sanduuq ay ku jiraan wax kasta oo aad h**ey u weyday
waa maxay waxa ugu h**eeya oo aad ka baari lahayd?

U-FIIRSO☝️ 🤏😎

Imaamka Masjid Al-Xaram, Shaykh Abdur Rahman Al Sudeysi  ayaa soo jeediyay qaacido aad u wanaagsan oo aad kaga faaideysa...
31/03/2024

Imaamka Masjid Al-Xaram, Shaykh Abdur Rahman Al Sudeysi ayaa soo jeediyay qaacido aad u wanaagsan oo aad kaga faaideysan karta tobanka dambe ee Ramadaan maadama ay ku jirta leylatul qadriga

1. Ku deeq hal dollar (ama ka badan) habeen kasta, haddii ay habeenkaa ku beeganto Laylatul Qadriga, waxa aad helaysaa ajar la eg 84 sano oo sadaqa ama Kun bilood! adiga oo sadaqeysayay.

2. Tuko laba rakcadood Ama ka badan oo sunno ah habeen kasta, haddii ay habeenkaa ku beeganto badhtamaha Laylatul Qadriga, waxa aad helaysaa ajar ah in aad laba rakcadood oo sunno ah habeen kasta tukato ilaa 84 sano.

3. Akhri suuradda Ikhlaas habeen kasta saddex jeer, haddii ay habeenka ku beeganto badhtamaha Laylatul Qadriga, waxa aad helaysaa ajar ah in aad dhameysay Qur’aan ka karimka maalin kasta 84 sano.

Waxa kale oo uu yidhi dadka ku faafi hadalladan, kuwii hadalkaaga dhegaysan doona ee camal fala, idinkuna waxaad heli doontaan ajar la mid ah camalkooda, inshaa allaah. Maxaa yeelay Rasuulku (scw) wuxuu yidhi: “Qofkii hanuuniyo camal wanaagsan wuxuu helayaa ajar la mid ah kan camal fala, laakiin wax la’aani maayo ajarkiisa”. (Muslim, 2674)

Alle ha ina waafajiyo dhammaan camalka aan qabanno.
Aamiin.🥀🤲❤️

Address

Somali
Jijiga

Telephone

+251923178278

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Cabdikaafi CabduL posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Cabdikaafi CabduL:

Share