22/08/2026
Itoobiya oo guulaysatay!
Maanta Itoobiya waxay furtay bog cusub oo Taariikhi ah.
Dalkan itoobiya oo muddo dheer kusoo jiray dagaalo iyo is-afgaranwaa ayaa maanta ku guulaystay inuu miiska wada-hadalada qaran ku kulmo, isla markaana is-fahan midaysan abuuro.
Wada xaajoodkani wuxuu jiilka dambe junoqayaa dawo; waxaa laga tashaday sidii loo bogsiin lahaa boogihii h**e, Dhibaatooyinkii qori lagu xallin waayay, ayaa erayo xalliyay; qalbiyadii ay colaadaha iyo kaladuwanaanta madax-adayggu kala fogeeyeen, ayaa wada-hadalku isku soo dhaweeyay. Tani ma aha arrin fudud ee waa guul loo dhan yahay!
Itoobiyaanku muddo bil ka badan ayay wada hadlayeen, iyagoo leh: “Kala duwanaanteennu waa Awoodeenna, ee kala fogaanteenna ma ah.”
Sida biyaha ilobiyoodyada kaladuwan ay Hal meel oo godan ugu qul qulaan, ayay codadka kala duwanaa ee Ergooyinka Itoobiyana Hal madal oo wada xaajoodka Qaran ah iskugu yimaadeen islamarkaana is-Afgarad ku gaadheen.Wada-hadalkani waa guul guud guuleystuhuna waa Itoobiya oo dhan.
Abuurkii is-afgaradka ee sida nabadda ah loogu beeray miiska wada-hadalka Qaran,inuu sannadka cusub Itoobiya bishaaro wanaagsan. u noqdi ayay itoobiyaanku kurajo weyn yihiin.
Itoobiya waxay isnecaybkii ka dooratay jacayl,aargoosigiina iscafis, halka ay dagaalkiina wada-xaajood ka dooratay. Tanina waa sababta aan u leenahay: Itoobiya way guulaysatay!
Cutub cusub, rajo cusub iyo bishaaro cusub!