04/02/2026
World Cancer Day ♋️ Cancer: Debunked
Kansarka badanaa si khaldan ayaa loo fahmaa, khuraafaad badan oo laga tabiyo cudurkanna waxay dadka ka hor istaagi karaan inay goor h**e raadsadaan caawimo caafimaad, ama ay iska gaadhaan xilliga lagu jiro maraaxishiisa h**e oo ay fududaan lahayd in bukaanka loo sameeyo daryeel caafimaad.
Noocyadda kansar ee ugu caansan ragga waa ka sambabada, mindhicirka, iyo caloosha.
Halka dumarka kan ugu badan uu yahay kansarka naasaha, sambabada, iyo ka qanjirka dhuunta (thyroid).
Calaamadaha digniinta ee uu qofku la kulmi karo waxa ka mid ah miisaan lumin aan la garanayn, daal joogto ah, buro ama barar cusub, boogaha oo aan bogsanayn, dhiig-bax aan caadi ahayn, qufac joogto ah, iyo isbeddel ku yimaada caadooyinka saxarada ama kaadiheysta.
H**e u ogaanshaha iyada oo loo marayo tijaabooyinka baadhis fudud waxay si weyn u caawin karaan fursadda soo kabashada. Baadhitaanadan waxaa ka mid noqon kara:
Kansarka Naasaha: baadhitaanka iyo sawirka naasaha (mammogram).
Kansarka Ilmo-galeenka: baadhitaanka Pap smear iyo tijaabada HPV.
Kansarka Mindhicirka: baadhitaanka saxarada iyo mindhicirka (colonoscopy).
Kansarka Sambabada: Sawirka CT-ga ee qiyaastiisu yartahay (low-dose CT).
Tallaalada qaarkood waxay sidoo kale door muhiim ah ka ciyaaraan ka hortagga cudurkan; tallaalka HPV wuxuu ka hortagaa kansarka ilmo-galeenka, halka tallaalka Joonis-cadka/Cagaarshowga( Hepatitis B ) uu yareeyo khatarta kansarka beerka.
Wax ka qabashada arrimaha khatarta keena sida isticmaalka tubaakada, cuntada aan caafimaadka lahayn, caabuqyada, iyo wasakhowga deegaanka—iyadoo lala kaashanayo wacyigelino iyo tallaalo—waxay si weyn u yareyn karaan saameynta uu ku yeelan karo bulshada.