Ahmed Mohamed Hassan

Ahmed Mohamed Hassan Healthcare Marketing & Communications Specialist | Public Relations & Brand Strategy | MSc.

Health Systems Management | Digital Media for a Better Health Outcome.

5tii maalin ee lasoo dhaafay iyo kooraskii Email Marketing. โฑ๏ธ 7 saac iyo 20 daqiiqo๐Ÿ“… 5 maalmood oo waxbarasho ah๐Ÿ“š 89 le...
11/08/2026

5tii maalin ee lasoo dhaafay iyo kooraskii Email Marketing.

โฑ๏ธ 7 saac iyo 20 daqiiqo
๐Ÿ“… 5 maalmood oo waxbarasho ah
๐Ÿ“š 89 learning activities completed

Oqoondeey naftaada maalintii nus saac ama hal saac oo aad si iskaa ah wax isku barayso, joogteey, waxaad arki doontaa natiijooyin aad u wanaagsan ilaaehy idankiis.

Alxamdulillah, waxaan dhameeyay koorsada ๐“๐ก๐ข๐ง๐ค ๐Ž๐ฎ๐ญ๐ฌ๐ข๐๐ž ๐ญ๐ก๐ž ๐ˆ๐ง๐›๐จ๐ฑ: ๐„๐ฆ๐š๐ข๐ฅ ๐Œ๐š๐ซ๐ค๐ž๐ญ๐ข๐ง๐ , oo kamid ah Takhasuska aan diyaarinaa...
10/08/2026

Alxamdulillah, waxaan dhameeyay koorsada ๐“๐ก๐ข๐ง๐ค ๐Ž๐ฎ๐ญ๐ฌ๐ข๐๐ž ๐ญ๐ก๐ž ๐ˆ๐ง๐›๐จ๐ฑ: ๐„๐ฆ๐š๐ข๐ฅ ๐Œ๐š๐ซ๐ค๐ž๐ญ๐ข๐ง๐ , oo kamid ah Takhasuska aan diyaarinaayo ee ah ๐ƒ๐ข๐ ๐ข๐ญ๐š๐ฅ ๐Œ๐š๐ซ๐ค๐ž๐ญ๐ข๐ง๐  ๐š๐ง๐ ๐„-๐œ๐จ๐ฆ๐ฆ๐ž๐ซ๐œ๐ž ๐’๐ฉ๐ž๐œ๐ข๐š๐ฅ๐ข๐ณ๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง (4/8).

Marka aad hesho waqti firaaq ah oo aadan wax howl ah aadan lahayn sida โ€˜inta aad sugayso qofโ€™, inta aad gaariga saaranta...
08/08/2026

Marka aad hesho waqti firaaq ah oo aadan wax howl ah aadan lahayn sida โ€˜inta aad sugayso qofโ€™, inta aad gaariga saarantahay, iyo wixii lamid ah, kaga faaiideyso waqtigaas wax faaiido kuu leh, ku buuxi wax kuu wanaagsan, sida in aad qurโ€™aan ama buug sii aqrisato, kooras online-ka kasii qaadato, iyo wixii lamid ah.

Muhimmaddu waa in aanad marnaba dayicin waqtigaaga haba yaraatee, oo aad uga faaiideysato sida kuugu wanaagsan.

Hadaba ma tahay qof ka faaiideysta waqtiyadaas misa baraha bulshada ayaa waqtiga kaa cunay?

Waxaan ku faraxsanahay in aan ka qayb galo daah-furka Garaad-gacmeedka ee ๐†๐š๐ซ๐š๐.๐€๐ˆ, oo ay soo qabanqaabisay ๐€๐ซ๐ค๐š๐š๐ง ๐€๐ˆ ๐‚๐ž...
07/08/2026

Waxaan ku faraxsanahay in aan ka qayb galo daah-furka Garaad-gacmeedka ee ๐†๐š๐ซ๐š๐.๐€๐ˆ, oo ay soo qabanqaabisay ๐€๐ซ๐ค๐š๐š๐ง ๐€๐ˆ ๐‚๐ž๐ง๐ญ๐ž๐ซ. Fariintii ugu muhiimsanayd ee munaasabaddu waxay ahayd in ๐†๐š๐ซ๐š๐š๐-๐ ๐š๐œ๐ฆ๐ž๐ž๐๐ค๐š ๐ฎ๐ฎ ๐ฒ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ฆ๐ฎ๐ฌ๐ญ๐š๐ช๐›๐š๐ฅ๐ค๐š, waa aalad qof kasta ka caawin karta horumarinta waxbarashadiisa, shaqadiisa, ganacsigiisa, iyo noloshiisa.

Soomaaliya waxay haysataa fursad ay ku horumarin karto wacyiga iyo aqoonta Garaad-gacmeedka, ku maalgashan karto hal-abuurkiisa, isla markaana ku dhisi karto shirkado Garaad-gacmeed oo la tartami kara kuwa caalamka, halkii ay ku ekaan lahayd in ay noqoto isticmaale oo kaliya.


Maxay ka dhigantahay in shirkad weyn oo sumaddeeda aqoonsiga ee rasmiga ah oo aan magac wadan ay sidaas ugu tixdo waddad...
05/08/2026

Maxay ka dhigantahay in shirkad weyn oo sumaddeeda aqoonsiga ee rasmiga ah oo aan magac wadan ay sidaas ugu tixdo waddada?

Aqoonsiga dadka ee shirkaddaan iyagoo aan arkin wax magac ah waxay macno u samayn doontaa shirkadda!

Maxaa kaaga baxay?

Waxaan ku faraxsanahay in aan kala qayb galo Munaasabadda Difaacashada Buugga Qalin-jebinta ee qaar kamid ah asxaabtayda...
03/08/2026

Waxaan ku faraxsanahay in aan kala qayb galo Munaasabadda Difaacashada Buugga Qalin-jebinta ee qaar kamid ah asxaabtayda. Inkastoo ay sanadkii h**e dib uga dhaceen duruufo kala duwan awgood, maanta waxay si guul leh u soo gabagabeeyeen marxaladdan muhiimka ah.

Waxaan dhammaantood u dirayaa hambalyo iyo bogaadin, waxaana u rajaynayaa guul iyo horumar joogto ah. Hambalyo mar kale! ๐Ÿ‘๐Ÿฟ

Alxamdulillah, waxaan dhameeyay koorsada ๐…๐ซ๐จ๐ฆ ๐‹๐ข๐ค๐ž๐ฌ to ๐‹๐ž๐š๐๐ฌ: ๐ˆ๐ง๐ญ๐ž๐ซ๐š๐œ๐ญ ๐ฐ๐ข๐ญ๐ก ๐‚๐ฎ๐ฌ๐ญ๐จ๐ฆ๐ž๐ซ๐ฌ ๐Ž๐ง๐ฅ๐ข๐ง๐ž, ee kamid ah Takhasuska aan...
30/07/2026

Alxamdulillah, waxaan dhameeyay koorsada ๐…๐ซ๐จ๐ฆ ๐‹๐ข๐ค๐ž๐ฌ to ๐‹๐ž๐š๐๐ฌ: ๐ˆ๐ง๐ญ๐ž๐ซ๐š๐œ๐ญ ๐ฐ๐ข๐ญ๐ก ๐‚๐ฎ๐ฌ๐ญ๐จ๐ฆ๐ž๐ซ๐ฌ ๐Ž๐ง๐ฅ๐ข๐ง๐ž, ee kamid ah Takhasuska aan diyaarinaayo kaas oo ah ๐ƒ๐ข๐ ๐ข๐ญ๐š๐ฅ ๐Œ๐š๐ซ๐ค๐ž๐ญ๐ข๐ง๐  and ๐„-๐œ๐จ๐ฆ๐ฆ๐ž๐ซ๐œ๐ž ๐’๐ฉ๐ž๐œ๐ข๐š๐ฅ๐ข๐ณ๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง.

๐Œ๐š ๐จ๐ ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ?Shirkadaha guuleysta waxay celcelis ahaan 10%โ€“13% dakhliga sannadlaha ah u qoondeeyaan ๐ฌ๐ฎ๐ฎ๐ช-๐ ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š (Marketing...
29/07/2026

๐Œ๐š ๐จ๐ ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ?

Shirkadaha guuleysta waxay celcelis ahaan 10%โ€“13% dakhliga sannadlaha ah u qoondeeyaan ๐ฌ๐ฎ๐ฎ๐ช-๐ ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š (Marketing).

Miisaaniyaddaas, ku dhowaad 25% waxaa lagu maalgeliyaa ๐ฑ๐š๐ฒ๐ž๐ฒ๐ฌ๐ข๐ข๐ฌ๐ฒ๐š๐๐š ๐ฅ๐š๐œ๐š๐ ๐ญ๐š ๐š๐ก (Paid Media), gaar ahaan baraha bulshada, sida Facebook, Instagram, LinkedIn iyo TikTok.

Suuq-geyntu ma aha kharash; waa maalgashi kobciya sumcadda shirkadda, soo jiida macaamiil cusub, isla markaana kordhiya dakhliga shirkadda.

Haddaba, haddii aad ka shaqayso waaxda suuq-geynta, shirkaddaadu ma u qoondeysaa miisaaniyad gaareysa 10%โ€“13% dakhligeeda sannadlaha ah suuq-geynta? Mise weli suuq-geynta waxaa loo arkaa kharash halkii ay ka ahaan lahayd maalgashi?


Waxaan akhriyey qoraalka ololaha lagu ururinayo saxiixyada si Sheekh ๐Œ๐ฎ๐ฌ๐ญ๐š๐Ÿ๐ž ๐—๐š๐š๐ฃ๐ข ๐ˆ๐ฌ๐ฆ๐š๐š๐œ๐ข๐ข๐ฅ ๐‡๐š๐š๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ง loogu qanciyo inuu ...
25/07/2026

Waxaan akhriyey qoraalka ololaha lagu ururinayo saxiixyada si Sheekh ๐Œ๐ฎ๐ฌ๐ญ๐š๐Ÿ๐ž ๐—๐š๐š๐ฃ๐ข ๐ˆ๐ฌ๐ฆ๐š๐š๐œ๐ข๐ข๐ฅ ๐‡๐š๐š๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ง loogu qanciyo inuu marti ku noqdo barnaamijka uu daadihiyo Abdijaliil Osman.

Waxaan xusuustaa in Cabdijaliil h**e u sheegay in uu Sheekh Mustafe si toos ah ula kulmay, kana codsaday wareysi. Wuxuu markaas sheegay in sheekhu si xushmad leh uga cudur daartay codsigaas. Sidoo kale, marar kala duwan ayaa la sheegay in dad badan ay muddo dheer Sheekha ka codsanayeen wareysi, balse sheekhu uusan aqbalin.

Hadda, wuxuu leeyahay muddo hal sano iyo lix bilood ah waxaa la diiwaangeliyey in ka badan 1.4 milyan oo codsi, isla markaana maanta loo baahan yahay 500,000 oo saxiix si loo muujiyo rabitaanka bulshada.

๐–๐š๐ฑ๐š๐š ๐ข๐ฌ๐ฐ๐š๐ฒ๐๐ข๐ข๐ง ๐ฆ๐ฎ๐๐š๐ง: haddii ay run tahay in h**e loo hayay 1.4 milyan oo codsi, maxaa cusub oo ay soo kordhinayaan 500,000 oo saxiix? Maxay qabanayaan saxiixyadan cusub oo aysan qaban karin malaayiintii codsiga ahayd ee horay loo sheegay? (waaba haddii ay run ahayd)!

Marka qof lagu casuumo wareysi, wuxuu leeyahay laba doorasho oo keliya: in uu aqbalo ama in uu ka cudur daarto. Labaduba waa xuquuq uu leeyahay, waxaa wanaagsan in la ixtiraamo. Maadaama Sheekhu si xushmad leh uga cudur daartay wareysiga, halkaas ayay ahayd in arrintu ku ekaato.

Waxaase muuqata in ololahan cusub uu u egyahay iskuday lagu uruurinayo taageero dadweyne si cadaadis loogu saaro sheekha in uu ka laabto go'aankiisii h**e. Taasi, aniga aragtidayda, ๐ฆ๐š๐ซ๐ง๐š๐›๐š ๐ฆ๐š ๐š๐ก๐š ๐ก๐š๐› ๐ฆ๐ฎ๐ง๐š๐š๐ฌ๐š๐› ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐š๐ซ๐ซ๐ข๐ง ๐ฌ๐ข๐๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐ž ๐š๐ก ๐ฅ๐จ๐จ ๐ฐ๐š๐ฃ๐š๐ก๐จ.
Waxa kaloo meesha iiga muuqda in Cabdijaliil uu raadinayo dad badan oo daawada, se k**a ahan sheekha iyo bulshadaba u daneey, waayo sheeka muxaadarooyinkiisa oo badan waxay yaallaan baraha bulshada gaar ahaan YouTube.

Ogolaansho laguma helo cadaadis, mana habboona in qof si sharaf leh uga cudur daartay martiqaad loo abaabulo olole lagu doonayo in lagu beddelo go'aankiisa. Taasi waxay dhaawici kartaa dhaqanka ixtiraamka dadka, iyo sumcaddii loo hayay Jannaalka wareystaha.

Waxaan aaminsanahay in qof kasta, ha noqdo sheekh, aqoonyahan, siyaasi ama qof kale uu xaq u leeyahay in uu aqbalo ama diido wareysi, isaga oo aan mar dambe wajihin olole dadweyne oo lagu doonayo in lagu beddelo go'aankiisa.

Mararka qaar, ixtiraamka go'aanka qofka ayaa ka qiimo badan wareysiga la sugayo, Sheekuna muxaadarooyin badan uu jeediyaya waxaa laga heli karaa baraha bulshada Soomaalida.

Jimco Wanaagsan, mudaneyaal iyo Marwooyin. Wax-is-barista maanta ma aha ikhtiyaar; waa lama huraan. Xilli uu Garaad-gacm...
24/07/2026

Jimco Wanaagsan, mudaneyaal iyo Marwooyin.

Wax-is-barista maanta ma aha ikhtiyaar; waa lama huraan. Xilli uu Garaad-gacmeedku (AI) si xawli ah u beddelayo adduunka, qof kasta waxaa laga rabaa in uu si joogto ah u horumariyo aqoontiisa iyo xirfadiisa.

Maalin kasta iyo saacad kasta (24/7) taleefankaaga ku rogrogashadiisu (scrolling) ma aha xalka. Halkii aad waqtiga ku lumin lahayd, u beddel fursad aad wax ku barato, xirfad cusub ku kasbato, ama aqoon aad h**e u lahayd ku sii xoojisato.

Aqoonta aad maanta barato ayaa noqon karta fursadda berri kuu horseedda shaqo, ganacsi, ama hal-abuur cusub.

Ha ka harin tareenka teknoolojiyadda. La jaanqaad isbeddelka, ka faa'iidayso Garaad-gacmeedka, kana dhig aalad kaa caawisa waxbarashada, shaqada, iyo horumarkaaga.

Address

12 Street
Nairobi
2555

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ahmed Mohamed Hassan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share