Dr shamso abdirashiid

Dr shamso abdirashiid Saro uqadida cafimaadka Bulshada

Independence days๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐Ÿ”ฅ
27/06/2025

Independence days๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐Ÿ”ฅ

๐…๐€๐€โ€™๐ˆ๐ˆ๐ƒ๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ๐๐Š๐€ ๐‚๐€๐€๐…๐ˆ๐Œ๐€๐€๐ƒ ๐„๐„ ๐ˆ๐ƒ๐€๐‡๐€Soomaalidu waxay siyaabo kala duwan ugu daaweysaa subagga idaha xanuuno kala duwan, wax...
17/05/2023

๐…๐€๐€โ€™๐ˆ๐ˆ๐ƒ๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ๐๐Š๐€ ๐‚๐€๐€๐…๐ˆ๐Œ๐€๐€๐ƒ ๐„๐„ ๐ˆ๐ƒ๐€๐‡๐€

Soomaalidu waxay siyaabo kala duwan ugu daaweysaa subagga idaha xanuuno kala duwan, waxaana ka mid ah:

1- Bakteeriyada caloosha.
2- Hargabka iyo ifilada.
3- Xanuunada lafa xanuunka sida Riixa iyo roomaatiisamka.
4- Baxnaaninta iyo ka soo kabsashda dhaawacyada iyo lafo jajabka.
5- Xanuunka shoqosha ama idiinyada.
6- Xanuunka neerfaha ee sinta ku dhaco ee loo yaqaanno "Sciatica"
7- Xasaasiyadda iyo xauunka neefta / xiiqda.
8- Gaas calooleedka, nooca "Ulcer" ka ah.
9- Dilanka haweenka.
10- Korriimo la'aanta caruurta.

Waxay kaloo soomaalida sheegtaa in raganimada uu xoojiyo iyo in difaaca jirka sare u qaado oo wixii jirka lid ku ah aysan si sahlan wax u gaarsiinin sida in qofka ay qaban wayso daawada suuxdinta iyo wixii la mid ah.

๐Œ๐š๐ฑ๐š๐š ๐ค๐š ๐ฃ๐ข๐ซ๐จ ๐ข๐ง ๐’๐ฎ๐›๐š๐ ๐š ๐ˆ๐๐š๐ก๐š ๐ฎ๐ฎ ๐๐š๐š๐ฐ๐ž๐ž๐ฒ๐จ ๐ฑ๐š๐ง๐ฎ๐ฎ๐ง๐š๐๐š๐š๐ฌ ๐ค๐จ๐ซ ๐š๐š๐ง ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ฎ๐ฌ๐š๐ฒ?

Marka h**e Subaga Idaha ee laga shiilay barida inuu daawo yahay waxaa noo sheegay rasuulkeena nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee,

waxaana jiro xadiith ka hadlayo sida loogu daaweeyo xanuunka neerfaha ee sinta ku dhaco oo dad badani ka sheegtaan,

Xadiithkaas waxuu ku shardiyay in subaga idaha uu wax ka taro xanuunkaan in idahaas la daajiyay cows dabiici ah oo banaanka la daajiyay oo aan la siinin waxyaabo la farsameeyay, waxaa kaloo shardi looga dhigay in markii daawayn loo isticmaalayo in caloosha oo faaruq ah la isticmaalo weliba subaxii h**e.

Sababta labadaas shardi iyo faa'idada Subagga u leeyahay xanuunkaan waxaa la ogaaday mar dhaw, cilmibaarayaal u dhashay dalka Australia ayaa waxay qoreen research ay kaga hadlayaan arrimahaan soo socdo:

1- Barida wanka ama idaha waa sida kuruska geela oo kale waxaa lagu keediyaa wixii nafaqo ah oo hadhow xilliyada abaarta ah uu ka faa'idaysto xayawaanka inuu jirkiisa ku nafciyo, sidaas awgeed xoolaha wixii la siiyo ayay keedsadaan, haddii geedo dabiici ah uu daaqo oo aan la siinin waxyaabo la farsameeyay ama aan la daajin meelo wasakh ah ama magaalada aanan lagu korin, faaidadiisa way ka badan tahay midka lagu soo koriyaya waxyaabaha aan dabiiciga ahayn.

2- Midda kale sida la wada ogyahay subaga xoolaha waxaa loo qeybiyaa laba nooc, nooc waxaa la yiraahdaa jirka dhibaato ayuu u leeyahay waa nooca Kolestaroolka keeno oo la dhaho "Saturated Fat", noocne waxaa la yiraahdaa faa'ido ayuu leeyahay oo waxaa loo yaqaanaa "unsaturated fat", sidaa awgeed haddii idaha la daajiyo dhul nadiif ah oo dabiici ah, subaga laga heli karo barida wuxuu noqonaa mid si dabiici ah ku yimid waana "Unsaturated Fat", waxaana subagaan ku jirto maado la yiraahdo "OMEGA".

Maadadaan waaye waxa jirka faa'ido uu ka helo oo inta kor ku xusan iyo ka badanba waa laga helaa.

Haddii marka la cuno ama la cabo subagga idaha caloosha oo cunto ku jirto ama lala cuno cunno kale oo dufan leh, waxay ka hortagi kartaa in jirka uu ka faa'ideesto, waana sababta keentay in markii la isku daaweynaayo in subaxii h**e la isticmaalo, laakiin markii lagu daweynaayo xanuunada kale ee jirka la marinayo kuma xirno caloosha in ay faaruq ahaato.

Maadaama dagaal culus lagu hayay wax kastoo dufan ah iyadoo laga cabsi qabo cudurka Kolestaroolka, laakiin iyadane waa muhiim in la kala ogaado subaga khatarta ah iyo midka faa'idada leh, waana muhiim in la ogaado subag la'aan jirka ma shaqayn karo oo waa u muhiim, sidaas awgeed in aad dooratid midka faa'idada leh ama aad badsatid cunnada laga helo waa lagama maarmaan.

Xanuunada kor ku xusan oo ay soomaalida ku daaweyso subagaan, qaar ka mid ah waa wax cilmibaaris lagu arkay, qaarne waa wax khibrad iyo aragti lagu arkay. Mana ahan soomaalida kailya dadka isticmaala Subaga Idaha, subaga ugu caafimaadka badan ee la isku daaweeyo waa nooca madaxa madow oo barida weyn leh, seenta gaaban leh, waana wananka u badan dhulkeena.

Waxaa cajiib ah in cilmibaarayaasha sheegaan in subaga idaha uu daawo u yahay wadna xanuunka iyo dufanka xididada wadnaha fadhiisato.

Waxa kale oo la xaqiijiyay waxaa ka mid ah ku daaweynta cilladaha ku dhaco laabatooyinka ama kalabaxyada shanqarta ka yeerto kuwaas oo ay keenaan Roomaatisamka, Tufta / Riixa.

Waxaa kaloo la xaqiijiyay in lagu daaweeyo xanuunka Sciatica oo aan kor uga soo hadlay oo lagu tiriyo xanuuanda aan kaalmaati waxaan ahayn loo haynin, wayna jiraan takhaatiir ku daaweyso oo ku nool dalka Yemen, Sacuudiga iyo Iraq.

Waxaa kaloo iyadane la arkay in dadka qabo xanuunka gaaska ee "Peptic Ulcer" oo aysan keenin bakteeriyada "H.Pylori" iyagane in lagu daaweeyo oo la arkay in boogta caloosha ay si dhakhso ah ku raysato.

Sidaas awgeed waxaan ku soo gabagabaynayaa jawaabtayda in Subaga Idaha oo la isku daaweeyo in uu ka mid yahay talooyinka caafimaad ee rasuulkeena nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee uu noo reebay, waana arrin sanooyin badan la soo isticmaali jiray, waxaana isa soo taraya cilmibaarisyada taageersan isku daaweynta Subaga Idaha.

Qaabka loo diyaariyo subaga ayaa ah in barida markii la shiilo, laga sooco subaga cad ee soo hara waana midka la isku daaweeyo siyaabaha la isugu daaweeyane waa in la cabo ama la marsado ama cunnada lagu darsado.

Haddii aad heli karto Wan jabsaday oo baadiye lagu soo koriyay, waxaad ka dareemi kartaa isbadal caafimaad adigoo isbadal ka dareemo dheecaanada jirkaaga sida dhididka, candhuufta iyo kaadida adigoo dareema carafta subaga idaha.

๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ-๐—ฑ๐—ต๐—ฒ๐—ต oo gaarsii asxaabtada si ay uga faaideystaan.
W/Q: somali doc

TAXANAHA CAAFIMAADKA1. Dadkeena inta badan subaxdii waxay ku quraacdaan cunto yaanyadu ku badan yahay. Waa mamnuuc sabab...
04/05/2023

TAXANAHA CAAFIMAADKA

1. Dadkeena inta badan subaxdii waxay ku quraacdaan cunto yaanyadu ku badan yahay. Waa mamnuuc sababtoo ah Yaanyada lama cuno marka aad kasoo kacdo iyo marka aad seexnayso labadaba sababtoo ah gaas ayay qofka lu keentaa, xilliga ugu fiican cunista cuntoyinka yaanyadu ku jirta waa xilliga Qadada

2. Raga dareenkoodu sii yaraanaayo waxaa sabab u ah fadhiga badan dartiis. Fadhiga badan wuxuu xubinta ragga ka yareeyaa awooda dhiiga soo gaari lahaa. Si taas uga badbaado, samee Ugu yaraan 45 daqiiqo oo socod ah maalintii. Socodku wuxuu xubinta ka dhigaa mid si toos ah u hesha dhiig ku filan

3. Dhareerka dadka ka yimaada marka ay seexdaan kadib waxaa sabab u ah cunista iyo cabista waxyaabaha sokortu ku badan tahay. Daraasado badan la sameeyay waxaa la xaqiijiyay in isticmaalida waxyaabaha sokortu ku badan tahay saamayn ku yeeshaan hurdada qofka sidaa darted yaree isticmaalka macaanka

4. Dadka gaaska qaba waxaa mararka qaar ku adkaada hurdada, dhan walba ay u seexdaana waxay u muuqdaan kuwa gaaskoodu uusan dagayn, in dhanka midig loo seexdo waa arrin diini ah balse dadka Gaaska qaba marka ay u seexdaan dhanka bidix ama dhabar dhabar halista gaaskoodu aad ayuu u yar yahay

5. Waxyaabaha dhalmada daahiya waxaa ka mid ah Stress-ka, walwalka iyo fikirka sababtoo ah stress-ku wuxuu hoos u dhigaa wax soo saarka jirka aadanaha sidoo kale stress-ku tayada biyaha ragga ayuu saamayn ku yeeshaa, liin bambeelmada ayaa ah waxyaabaha qofma ka difaaca walwalka iyo in walwalku saamayn ku yeesho wax soo saarka jirka qofka

Qodobkee Dareenkaaga Soo Jiitay

Wahin.

Faaโ€™iidada Caafimaad-ka Mooska(Banana)๐ŸŒMoosku waxa uu ka koobanyahy qaybaha kala duwan Ee nafaqada  wuxu qani kuyahay oo...
03/05/2023

Faaโ€™iidada Caafimaad-ka Mooska(Banana)๐ŸŒ

Moosku waxa uu ka koobanyahy qaybaha kala duwan Ee nafaqada wuxu qani kuyahay oo aad ugu badan VitaminB6, sidoo kale waxaa kujiro xaddi dhexdhexaad ah sida vitaminC iyo Macdanta : Manganese Potassium Magnesium.
Maadaama moosku uu leeyahay xaddi aad ubadan oo ah Vitamin B6
waxaanu ka hadlaynaa faaโ€™iidooyinka u leeyahay.
1. Moosku wuxu u fiicanyahay dheef-shiidka caloosha : Vitamin B6 wuxu caawiyaa dheecaanada ka qayb qaato dheef-shiidida cuntada sida kaarboheydareytka borotiinka iyo duxda sidoo kale waxa ku jiro faybar (fiber).
2. Wuxu horu mariyaa caafimaadka maskaxda iyo shaqada neerfaha.
VitaminB6 Wuxu ka qayb qaataa samaynta fariin-sidayaasha neerfaha sida serotonin iyo gamma aminobutyric acid .
3. Moosku wuxuu ka hortagaa dhiig yarida (Anaemia) iyo difaaca jirka oo yaraado :vitamin B6 iyo vitamin C waxay muhiim u yihiin shaqada unugyada dhiigga sida hemoglobin (HB) oo ah borotiinka qaado oxygen-ka iyo carbon dioxide-ka .
4. Wuxu u ficanyahay caafimaadka wadnaha : waxa kujiro macdanta potassium oo ka qayb qaadato caafimadka wadnaha sidoo kalana moosku malahan macdanta sodium oo haddii ay jirka kubadato sababayso cadaadiska dhiigga oo bato (hypertension).
๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ-๐—ฑ๐—ต๐—ฒ๐—ต sidoo kale xaga hoose ka wac ๐š๐ฌ๐ฑ๐š๐š๐›๐š๐ญ๐š๐š๐๐š, si ay uga faaideystaan.
Caafimaadka iyo Nafaqada
๐Ÿ™๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ๐’๐€๐๐ˆ๐ƒ๐Ÿ™

Talo anfaceysa gabdhaha maseerka badan.Abaayo haduu ninkaaga naag kula guursado ama kula shukaansadoDabka saliid saaro.S...
24/02/2023

Talo anfaceysa gabdhaha maseerka badan.
Abaayo haduu ninkaaga naag kula guursado ama kula shukaansado
Dabka saliid saaro.
Saliida aad ukarkari.
Marka ey saliida aad ukarkarto
Baradho iskaga dubo๐Ÿซจ
Inta maseer la waalan laheyd chips taada iska cun walaashey iyadaa ku anfaceyse๐Ÿซฃ

๐Ÿคฃ๐Ÿคฃ๐Ÿคฃ๐Ÿคฃ๐Ÿคฃ๐Ÿคฃ๐Ÿคฃ๐Ÿคฃ

KANIINIGA JUGTA CULUS Wax ka ogow kiniinka la hadal hayo ee feegada ( vi**ra). Dawada magaceedu kor ku xusan yahay, oo a...
04/11/2022

KANIINIGA JUGTA CULUS

Wax ka ogow kiniinka la hadal hayo ee feegada ( vi**ra).

Dawada magaceedu kor ku xusan yahay, oo ah dawo caan ka ah soomaliya ama caalamkaba ayaan jeclaystay in aan idinla wadaago wax tarkeeda,iyo waxyeeladeeda intaba:-

maxay tahay vi**ra?

waa dawo ka tirsan dawooyinka la yiraahdo ( phosphodiesterase type 5 (PDE5) inhibitors), kuwaas oo kolka qofku qaato gaar ahaan ragga, keenta in xubinta taranka dhiig badan hesho,kadibna xubintu shaqadii ey gabtay qabsan karto.

maxay halis keeni kartaa?

dawadaan halista ey keeni karto waxaa ka mid ah,maadama qofku isagoo aan aqoon u'lahayn uu inta iska soo gato hadana cuno,waxaa dhici karta in uu cuno xaddi ka badan intii qofku cuni karey,saasna uu ugu xanuunsado,gaar ahaan waxay si toos ah hoos ugu dhigtaa cadaadiska dhiiga, taas oo sababta xaalad aan la mahadin, waa haddii aan lala tacaalin xilliga ku'haboon.

Mallaga maarmi karaa,mase jiraan waxyaalo kale oo loo isticmaalo?

Dawadaan waxaa loo isticmaalaa xanuunada wadnaha ku dhaca qaar ka mid ah oo la yiraahdo pulmonary hypertension,saas awgeed ma ahan dawo laga maarmi karo ama la oran karo waddan dhan hallaga mamnuuco.

Haddaba inta laga helaayo sharci caafimaad oo xakamaynaya in aan dawooyinka qaar oo vi**ra ka mid tahay qoraal dhakhtar la aan la iibinayo waxaa markasta jireysa in halisteedu badato,iyada keli ah ma ahan ee waxaa jira dawooyin la isku maandooriyo oo iyagana si caadi ah farmashiyada loogu iibiyo.

Talo soo jeedin: fadlan ha isticmaalin dawooyinkaan adoon laguu qorin, ogowna in ey dhici karto hadaad dhakhtar la kaashato in xaalkaagu ka sahlan yahay in aad qaadato kiniinkaan.

Fadlan faafi xogtaan si uu qof aan ogeyni isaga ilaaliyo mahadsanid.
W/qzarqaawi

CARRUURTIINNA BARAWiilkaaga bar haddii la casuumo in aanu gacmo marnaan tegin, h**ena aanu u kaxayn qof aan la casuumin....
18/10/2022

CARRUURTIINNA BARA

Wiilkaaga bar haddii la casuumo in aanu gacmo marnaan tegin, h**ena aanu u kaxayn qof aan la casuumin.

Bar waqtiga ballanta in aanu ka hor marin kana dib dhicin.

Bar in uu dhar qurxan lebbisto, isna carfiyo, si qofka casuumay uu u dareemo in uu qiimaynayo oo ixtiraamayo.

Bar in aanu guriga kabaha la gelin, xitaa haddii qofka iska lihi uu โ€œiskala soo galโ€ ku yiraahdo.

Bar in uu albaabka garaaco, dabadeedna gees ka istaago oo aanu isku beegin, si kolka la furayo aanay indhihiisu cawro u arag. Haddii ay iriddu leedahay isha dadka laga eego, markaas ha isku beego si loo arko cidda uu yahay, kolka la furayase dhan ha uga bayro.

Bar waxa la soo dhigo in uu wax ka cuno, wax aan oolna in aanu dalban. Kolka uu cunayo bar baryo-qaadkiisa (calaalintiisa) in aan la maqlin, afkana in uu xiro kolka uu baryo-qaadayo.

Bar in aanu dooran halka uu fariisanayo, laakiin halka qofka guriga lihi u dooro in uu fariisto, maxaa yeelay qof walba isagaa qorshihiisa garanaya.

Bar in uu raashinka ka sheexine uu si caadi ah u cuno. Haddii raashinka wax aanu jeclayni ay ku jiraan, yaanu cunin laakiin yaanu waxba ka sheegin, waxa uu jecel yahayna ha cuno.

Bar in aanu illoobin qofkii casuumay in uu u mahad celiyo una duceeyo, salaanna ka gaarsiiyo hooyadii ama marwadii soo karisay, una sheego in raashinkeedu uu aad u macaan yahay.

Bar in aanu raashinka ka istaagin ama faraha xalan in ruuxa casuumay uu u idmo mooyee. Kolka uu faraha xasho, ha hubiyo halkii uu ku xashay in uu nadiifiyo oo aanu raashin haraagiis ku reebin. Shukumaanka kolka uu gacmaha ku tirtirto, ha waro ama ha kala bixiyo.

Bar kolka uu guriga laga casuumay dhex socdo in uu hoos eego oo aanu meelaha eeg eegin. Marka uu soo laabto isla halkii uu ka kacay ha fariisto oo boos qof kale oo soo fara xalanayaa ka kacay yaanu fariisan.

Bar haddii gurigaas laga casuumay salaad lagu tukanayo in aanu imaam noqon jeer ninka guriga lihi sidaas ka codsado.

Bar marka uu u galo dad mawduuc ka sheekaysanaya in aanu mowduuca beddelin, qofka hadlayana hadalka ka dhex gelin, maxaa yeelay waa ixtiraamid laโ€™aan.

Bar kolka uu rabo in uu baxo in uu idan qaato, haddii qofka guriga lihi uu ku adkaysto in aanu teginna, waa in uu joogo. Kolka uu baxayo waa in uu codka kor u qaado si dadka guriga ku jiraa ay bixiddiisa isugu diyaariyaan.

Bar in uu reerka guriga leh u duceeyo. Haddii uu hooyada ama xaaska la kulmana waa in uu u mahad celiyo raashinkooda iyo deeqsinimadoodana u ammaano.

Bar marka soo socda in uu isagu qofkaas casuumi doono oo ay dushiisa tahay.

โ€ฆ Bara carruurtiinna aadaabta booqashada โ€ฆ

Khayr baan idiin rajeeyay.

Sabriye Musse

Adresse

Hamar

Varslinger

Vรฆr den fรธrste som vet og la oss sende deg en e-post nรฅr Dr shamso abdirashiid legger inn nyheter og kampanjer. Din e-postadresse vil ikke bli brukt til noe annet formรฅl, og du kan nรฅr som helst melde deg av.

Del