22/10/2026
HOGGAAMIYAHA DOWLADDA KOONFUR GALBEED OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE LA DOORTAY DOWLADDA GALMUDUG
Muqdisho - 22, Oktoobar, 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha la doortay ee Dowladda Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, iyo hoggaamiye ku-xigeenka la doortay, Mudane Cabdiweli Ibraahim Aadan (Garyare).
Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoggaanka cusub ee Dowladda Galmudug ugu hambalyeeyay xilalka muhiimka ah ee loo doortay, isaga oo u rajeeyay guul iyo horumar ku aaddan gudashada waajibaadka culus ee loo doortay.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa Alle uga baryay hoggaamiyaha cusub ee Galmudug iyo ku-xigeenkiisa inuu ku asturo mas’uuliyadda loo doortay, una fududeeyo gudashada waajibaadkooda ku aaddan u adeegidda shacabka Galmudug, horumarinta dowladnimada, xoojinta nabadda iyo xaqiijinta himilooyinka bulshada Galmudug.
Hoggaamiye Sheekh Aadan (Madoobe) ayaa u rajeeyay hoggaanka cusub ee Dowladda Galmudug in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadkooda, isla markaana ay ka shaqeeyaan midnimada bulshada, nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo horumarka deegaanada Galmudug.
DHAMAAD
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Madaxtooyada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaliya.
Email:[email protected]