Asal medical center

Asal medical center Your health is our priority

🩺TAXANAHA WACYI-GALINTA XANUUNKA DHIIG-KARKA.CASHARKA 1 — WAA MAXAY DHIIG-KARKU (HYPERTENSION)?Blood Pressure (BP) waa x...
22/08/2026

🩺TAXANAHA WACYI-GALINTA XANUUNKA DHIIG-KARKA.

CASHARKA 1 — WAA MAXAY DHIIG-KARKU (HYPERTENSION)?

Blood Pressure (BP) waa xoogga uu dhiiggu ku cadaadiyo darbiyada xididdada dhiigga marka wadnuhu dhiigga jirka u tuuro (blood plumbing).

Cabirka 120/80 mmHg maxay ka dhigan tahay?

• 120 = Systolic: cadaadiska marka wadnuhu garaacayo.

• 80 = Diastolic: cadaadiska marka wadnuhu nasanayo.

120/80 mmHg wa cabbirka saxda ah ee cadaadiska dhiiga (BP).

Waa maxay Hypertension?

Hypertension waa marka cadaadiska dhiiggu si joogto ah u sarreeyo, isaga oo cabirka saxda ah uu ahaa 120/80 mmHg.

WHO: hypertension = ≥140/90 mmHg, iyadoo diagnosis-ka lagu xaqiijiyo cabbirro sax ah oo soo noqnoqda.

AHA/ACC 2025: waxay hypertension u kala saartaa:
• Normal:

Jumca Muparik
21/08/2026

Jumca Muparik

20/08/2026
Waxa Inoo Bilaabmi doona Taxanaha Wacyi-galinta Xanuunkii 2aad, oo noqon doona Xanuunka Dhiig-karka (Hypertension). Kaas...
20/08/2026

Waxa Inoo Bilaabmi doona Taxanaha Wacyi-galinta Xanuunkii 2aad, oo noqon doona Xanuunka Dhiig-karka (Hypertension). Kaasi Oo la Magac baxay Dillaaga qarsoon (World's silent killer).

 #015.26🩺 PUBLIC HEALTH AWARENESSGUNAANADKA TAXANAHA WACYI-GELINTA SONKOROWGA13 Cashar oo ku saabsan Diabetes      — Aan...
18/08/2026

#015.26

🩺 PUBLIC HEALTH AWARENESS

GUNAANADKA TAXANAHA WACYI-GELINTA SONKOROWGA

13 Cashar oo ku saabsan Diabetes

— Aan Fahanno, Aan Ka Hortagno, Aan Xakameyno

Nuqul12 cashar ah oo an muddo soo wadnay, waxaan ku baranay in Diabetes Mellitus uusan ahayn oo keliya “sonkorta dhiiga oo badata”, balse uu yahay cudur daba-dheer oo saameyn kara habka jirku u isticmaalo glucose iyo insulin.

Waxaan soo qaadanay:

1️⃣ Waa maxay Diabetes?
Waxaan baranay glucose, insulin iyo sida sonkorowgu u bilaabmo.

2️⃣ Sidee ayuu u dhacaa?
Insulin yaraanteeda ama insulin resistance waxay keeni kartaa glucose dhiigga ku bata.

3️⃣ Noocyada Diabetes-ka
• Type 1,
• Type 2,
• Gestational Diabetes iyo noocyo kale.

4️⃣ Risk Factors
• Cayil,
• Dhaqdhaqaaq-yaraan,
• Taariikh qoys,
• Hypertension,
• Prediabetes iyo
• Arrimo kale.

5️⃣ Sababaha Diabetes-ka
Waxaan kala saarnay sababaha Type 1, Type 2 iyo Gestational Diabetes.

6️⃣ Calaamadaha
• Harraad badan
• Kaadi badan
• Daal,
• Miisaan-dhimis aan la qorshayn iyo
• Arag daciif ah—laakiin mararka qaar diabetes-ku calaamad ma keeno.

7️⃣ Diagnosis
Shaybaadhada kala ah
• HbA1c,
• Fasting Plasma Glucose,
• OGTT iyo
• Random Plasma Glucose ayaa loo isticmaalaa ogaanshaha diabetes.

8️⃣ Epidemiology
Diabetes waa dhibaato caafimaad oo caalami ah, tiradeeduna sii kordhayso.

9️⃣ Complications
Waxaan aragnay sida diabetes-ku u dhaawici karo:
• Kelyaha
• Indhaha
• Neerfayaasha
• Cagaha
• Wadnaha iyo xididdada dhiigga.

🔟 Treatment
Daaweyntu waxay isku darsataa lifestyle, nutrition, physical activity iyo daawooyin ku habboon qofka iyo nooca diabetes-ka.

1️⃣1️⃣ Cuntada
Cunto caafimaad leh, portion control, fiber, khudaar, protein tayo leh iyo yareynta cabitaannada sonkorta leh ayaa muhiim ah.

1️⃣2️⃣ Jimicsiga
ADA 2026 waxay ku talinaysaa dadka waaweyn badankood ≥150 daqiiqo toddobaadkii oo moderate-to-vigorous aerobic activity ah, iyo 2–3 jeer resistance exercise toddobaadkii. Fadhi dheerina waa in la jebiyo ugu yaraan 30 daqiiqo kasta.

1️⃣3️⃣ Prevention & Check-up
Ogaanshaha h**e, xakamaynta glucose iyo BP, baaritaanka kelyaha, indhaha iyo cagaha, iyo nolol caafimaad leh waxay caawin karaan yareynta dhibaatooyinka diabetes-ka.

FARIINTA UGU DAMBAYSA

Diabetes waa la xakameyn karaa, dhibaatooyinkiisana waa la yareyn karaa.

Ha sugin calaamado ama dhibaatooyin waaweyn.

• 🩸 Check your blood sugar
• 🩺 Check your blood pressure
• 🧪 Check your kidneys
• 👁️ Check your eyes
• 🦶 Check your feet
• 🥗 Eat healthy
• 🏃 Stay active
• 💊 Take your treatment correctly

Ogaansho h**e → Daaweyn sax ah → Hab-nololeed caafimaad leh → Dhibaatooyin yar

Wacyigelintu waa tallaabada koowaad ee caafimaad.

Mahadsanidiin dhammaan dadkii nala socday 13-ka cashar.

Aan wadaagno aqoonta, aan badbaadino caafimaadka bulshada.

Tixraac guud: American Diabetes Association (ADA), Standards of Care in Diabetes—2026.

 #015.26🩺 Taxanaha Wacyigelinta SonkorowgaCASHARKA 12-AAD: JIMICSIGA & SONKOROWGA           (Exercise and Diabetes)    M...
17/08/2026

#015.26

🩺 Taxanaha Wacyigelinta Sonkorowga

CASHARKA 12-AAD: JIMICSIGA & SONKOROWGA
(Exercise and Diabetes)

Muxu Jimicsigu Muhiim U Yahay?

Jimicsigu ma aha oo keliya miisaan-dhimis. Qofka qaba Diabetes wuxuu ka caawin karaa:
• In blood glucose hoos u dhaco
• In insulin sensitivity korodho
• In miisaanka la xakameeyo
• In khatarta cardiovascular disease iyo mortality ay yaraato
• In murqaha iyo awoodda jirku korodho

🏃 1. Aerobic Exercise
Tusaalooyin:
• Brisk walking (socod ama lugayn)
• Jogging/running (orod ama guclayn)
• Cycling (baaskiila wadid)
• Swimming (dabaal)
• Dancing

ADA 2026:
≥150 daqiiqo toddobaadkii oo moderate-to-vigorous activity ah ayaa ah jimicsi ilaaliya caafimaadkaga.

Waxaa loo kala qaybin karaa:

30 daqiiqo × 5 maalmood = 150 daqiiqo/toddobaadkii.

2. Resistance Exercise

Tani waa jimicsiga murqaha lagu xoojiyo:

• Weights (miisaan qaadid)
• Resistance bands (xadhig jiid)
• Body-weight exercises
• Squats iyo exercises kale oo waaweyn (jimicsiyada lugaha).

ADA 2026:

2–3 sessions toddobaadkii, maalmo aan isku xigin ayaa ah targetka lainaga rabo.

3. Ha Fadhiga Muddo Dheer

Tani waa qodob aad muhiim u ah.

ADA 2026 waxay ku talinaysaa in fadhiga dheer la joojiyo ugu yaraan 30 daqiiqo kasta.

Tusaale:

• Kac
• Soco dhowr daqiiqo
• Samee movement(dhqaaq) fudud

Xitaa dhaqdhaqaaqyo gaagaaban ayaa faa'iido u yeelan kara blood glucose.

4. Dadka Waaweyn

Older adults qaba diabetes waxaa sidoo kale muhiim u ah:

• Flexibility exercises (is-kala bixinta)
• Strength training

ADA waxay ku talinaysaa flexibility iyo balance training 2–3 jeer toddobaadkii, gaar ahaan dadka waaweyn.

5. Yaa Taxaddar Gaar ah U Baahan?

Qof qaba waxyeelada uu keeno sonkorowgu sida:
• Diabetic foot ulcer🦶
• Severe PAD🩸
• Advanced diabetic retinopathy👁️
• Cardiovascular disease❤️
• Severe neuropathy🧠
• Other major complications

waa inuu la tashadaa hawl-wadeen caafimaad ka hor inta uusan bilaabin jimicsi culus ama high-intensity exercise.

Qof qaba neuropathy ama foot ulcer waa in si gaar ah looga ilaaliyo high-impact exercise oo dhaawaca cagaha kordhin kara.

6. Diabetes & Hypoglycemia

Dadka isticmaala ama kordhiya insulin secretion waxay yeelan karaan (xaalad tamar la'aan) inta lagu jiro ama kadib jimicsiga.

Sidaas darteed waxa muhiim ah:
• In glucose la hubiyo marka ku habboon
• In medication-ka lala waafajiyo activity-ga
• In carbohydrate loo isticmaalo marka loo baahdo

7. Hadaf Fudud oo Bulshada Lagu Wacyigeliyo

Toddobaad kasta:
• 150 min aerobic exercise🚶
• 2–3 days resistance training
• Ha fadhiisan >30 min adigoon dhaqaaqin🪑
• Miisaan caafimaad leh

FARIINTA CASHARKA MAANTA

“Jimicsigu waa qayb ka mid ah daaweynta Diabetes-ka.”

Ma aha inaad gym leedahay.

Socod degdeg ah 30 daqiiqo, 5 maalmood toddobaadkii wuxuu noqon karaa bilow wanaagsan qof qaba sonkorow.

TIXRAACYADA

1. American Diabetes Association Professional Practice Committee.
5. Facilitating Positive Health Behaviors and Well-being to Improve Health Outcomes: Standards of Care in Diabetes—2026. Diabetes Care. 2026;49(Suppl 1):S89–S102.

2. American Diabetes Association.
8. Obesity and Weight Management for the Prevention and Treatment of Diabetes: Standards of Care in Diabetes—2026. Physical activity is recommended for cardiometabolic health, glycemic management, fitness and mortality reduction.

3. American Diabetes Association.
Physical Activity/Exercise and Diabetes: Position Statement. Evidence supporting combined aerobic and resistance exercise for glycemic and cardiovascular benefits.

 #014.26🩺 Taxanaha Wacyigelinta Cudurka SonkorowgaCasharka 11-aad: Cuntada & Sonkorowga (Diabetes & Healthy Eating)Cunta...
16/08/2026

#014.26

🩺 Taxanaha Wacyigelinta Cudurka Sonkorowga

Casharka 11-aad: Cuntada & Sonkorowga (Diabetes & Healthy Eating)

Cuntadu waxay door weyn ka qaadataa xakamaynta blood glucose, miisaanka, dhiig-karka iyo cholesterol-ka. Laakiin qofka sonkorowga qaba looma baahna inuu gabi ahaanba joojiyo carbohydrates-ka. Waxa muhiimka ah waa , iyo cuntada.

1. Nooca Cunnada Loo Baahanyhay?

✅ – gaar ahaan kuwa aan istaarijka badan lahayn: saladh, spinach, broccoli, yaanyo iwm.

✅ & legumes – digir, lentils, beans.

✅ grains – badar aan si xad-dhaaf ah loo sifayn.

✅ caafimaad leh – kalluun, digaag, ukun iyo ilo plant-based ah.

✅ (whole fruits) – laakiin qadarkooda hala xakameeyo.

✅ & seeds – sida lawska iyo sisinta.

✅ – ka dooro cabitaannada sonkorta leh.

2. Carbohydrates-ka maxaa laga yeelayaa?

Carbohydrates-ku waxay saameyn weyn ku leeyihiin sonkorta dhiiga, sidaa darteed:

Waxaad yaraynaysaa:
• Sonkorta iyo mac-macaanka
• Cabitaannada sonkorta leh
• Juice-ka badan
• Rooti/cuntooyin la sifeeyay (refined)
• Bariis ama baasto aad u badan

Dooro oo baddana istaicmaal:
• Cunnada Firida leh (whole grains).
• Digirta
• Khudaarta
• Cunto fiber badan leh

Qadarka carbohydrate-ku waa muhiim, gaar ahaan qofka isticmaala ama daawooyin qaarkood.

3. Habka ugu fudud: Diabetes Plate Method

Saxanka u qaybi:

• #½ saxanka: Khudaar aan istaarij badan lahayn
• #¼ saxanka: Protein caafimaad leh, oo an dufan badan lahyn.
• #¼ saxanka: Carbohydrate tayo leh

Tani waxay kaa caawin kartaa xakamaynta portion size-ka iyo glucose-ta.

4. Cabitaanka
Biyaha ayaa ah doorashada koowaad.

Waxaad yaraysaa:
• Sharaabka soda-da leh
• Cabitaannada sonkorta leh
• Shaah/qaxwo sonkor badan leh
• Juice badan

ADA 2026 waxay si gaar ah ugu talinaysaa in cabitaannada sonkorta leh, oo ay ku jiraan juices-ka, lagu beddelo biyo ama cabitaanno kaloori(glucose)-yar/aan kaloori (glucose) lahayn.

Fariinta Casharka Maanta
Qofka sonkorowga qaba ma aha inuu “cunto la'aan” noqdo—wuxuu u baahan yahay cunto sax ah, qadar sax ah iyo waqti habboon.

badan + gal ama baal (fiber) badan + caafimaad leh + tayo leh + badan = qorshe cunto oo wanaagsan.

Tixraac: American Diabetes Association, Standards of Care in Diabetes—2026, Section..: Facilitating Positive Health Behaviors and Well-being to Improve Health Outcomes.

 #013.26🩺 Taxanaha Wacyigelinta Cudurka SonkorowgaCasharka 10aad: DIABETIC NEUROPATHY, FOOT ULCER & GANGRENOUS DIABETIC ...
15/08/2026

#013.26

🩺 Taxanaha Wacyigelinta Cudurka Sonkorowga

Casharka 10aad: DIABETIC NEUROPATHY, FOOT ULCER & GANGRENOUS DIABETIC FOOT

Sida Sonkorowgu Uga Dhigi Karo Cagta Mid Halis Gasha.

Qofka qaba diabetes wuxuu yeelan karaa neuropathy, taasoo hoos u dhigta dareenka cagaha. Qofku wuxuu dhaawac ama nabar ku yeelan karaa isagoo aan dareemin.

Neuropathy + Minor Trauma + Foot Deformity/PAD → Foot Ulcer → Infection → Gangrene → Amputation

ADA 2026 waxay sheegaysaa in ilaa 50% diabetic peripheral neuropathy (DPN) ay noqon karto asymptomatic.

1. Diabetic Neuropathy

Waa dhaawac ku dhaca neerfayaasha oo la xiriira Qofka qabba diabetes muddo dheer.

Calaamadaha:

• Gubasho ama xanuun cagaha ah
• Kabuubyo iyo dareen-yaraan
• Waxa lumaya dareenki ilaalada addimada.

Dhibaatadu waxay tahay: qofku wuxuu dhaawac cagta ah yeelan karaa isagoo aan xanuun dareemin.

Treatment

Ma jiro daawo hadda si buuxda u soo celisa neerfihii dhaawacmay, balse:

• Glucose control-ku waxay ka hortagtaa/gaabisaa horumarka neuropathy.
• Waxaad si fcn u xakamaysa:
Blood pressure
Weight
Lipids

• Haddii uu jiro neuropathic pain, ADA 2026 waxay ku talinaysaa kooxo ay ka mid yihiin: Gabapentinoids, SNRIs, tricyclic antidepressants iyo sodium-channel blockers.

@.Opioids, oo ay ku jiraan tramadol iyo tapentadol, guud ahaan laguma talinayo neuropathic pain-ka diabetes-ka.

2. Diabetic Foot Ulcer (DFU)

DFU waa nabar ka furma maqaarka cagta qof qaba diabetes, badanaa iyadoo ay isku biiraan:
• Neuropathy
• Poor circulation/PAD
• Foot deformity
• Repeated pressure/trauma

Calaamadaha khatarta ah:

• Callus badan
• Nabar ama finan
• Midab beddel
• Barar
• Kulayl
• Dheecaan ama ur
• Maqaarka oo dillaaca

Nabar yar oo qofka diabetes-ka qaba waa in aan la fududaysan.

Treatment-ka DFU

ADA 2026 waxay xoogga saartaa 5 tiir:

1. Offloading
→ Cadaadiska ka yaree meesha aad nabarka ku yaallatay.

2. Debridement
→ Ka saar Cadd-ga dhintay/necrotic ama callus-ka ku wareegsan marka ku habboon.

3. Revascularization
→ Haddii PAD/ischemia jirto, qiimeyn vascular iyo dib-u-furista blood flow haddii loo baahdo.

4. Infection management
→ Haddii infekshan jiro, si degdeg ah, ha loo qiimeeyo loona daweeyo.

5. Appropriate wound dressing
→ Nabar kasta wuxuu u baahan yahay wound care ku habboon.

3. Infection → Gangrenous Diabetic Foot

Haddii ulcer-ku infekshan yeesho oo qulqulka dhiigu-gu xumaado, unnugyada jidh-ku waxay bilaabi karaan inay dhintan.

Calaamadaha halista:
• Cag madow ama buluug isu beddesha
• Tissue dhintay
• Ur xun
• Pus/dheecaan
• Barar iyo casaan
• Qandho ama systemic illness
• Cag aad u qabow ama pulses aan la helin

Gangrene waa emergency, sidaa darteed waxaa loo baahan karaa:
• Culture/deep tissue sampling
• Imaging haddii osteomyelitis/abscess/gas laga shakiyo
• Antibiotics haddii infection jiro
• Urgent surgical assessment/debridement
• Vascular assessment & revascularization haddii ischemia jirto
• Amputation — haddii tissue-ku aanu badbaadi karin ama infekshanku nafta/lugta khatar gelinayo.

ADA 2026 waxay si gaar ah u sheegaysaa in infection + PAD/gangrene ay u baahan yihiin qiimeyn degdeg ah oo vascular/surgical ah, sababtoo ah dib-u-dhacu wuxuu keeni karaa tissue loss iyo amputation.

4. Sidee Looga Hortagi Karaa?

Qof kasta oo diabetes qaba, waa inuu sameeya:
Foot examination ugu yaraan sanadkiiba hal mar.
Gurigasa dhexdiisana waa inuu:
• Cagaha maalin kasta fiiri
• Xiro kabo ku habboon
• Ha ku socon kabo la'aan.
• Ha iska jarin callus/ingrown nail si qoto dheer
• Maqaarka qallalan moisturize garee, laakiin ha marin lotion faraha dhexdooda
• Jooji sigaarka
• Xakamee glucose-ka
• Xakamee BP & cholesterol

FARIINTA CASHARKA MAANTA

“Haddii aad qabto Diabetes, cagahaaga ha sugin inay ku xanuunaan.”

Sidaan hoos ku xussan wa sida ay u waxyeeloban luggaha qofka qaba xannunka sonkorowgu:
Neuropathy → dareen la'aan → dhaawac → ulcer → infection → gangrene → amputation

Laakiin silsiladdan waa la jebin karaa, sidaa darteed:
• Control Sugar
• Check Feet
• Proper Footwear
• Early Treatment
• Protect Your Limb

TIXRAACYADA.

1. American Diabetes Association Professional Practice Committee.
12. Retinopathy, Neuropathy, and Foot Care: Standards of Care in Diabetes—2026. Diabetes Care. 2026;49(Suppl 1):S261–S276.

2. American Diabetes Association – 2026 Standards.
Neuropathy screening, 10-g monofilament testing, diabetic foot ulcer prevention, offloading, debridement, infection management and vascular assessment.

3. International Working Group on the Diabetic Foot (IWGDF).
Evidence-based guidance for prevention and management of diabetic foot complications.

4. ADA 2026: Neuropathic pain treatment includes gabapentinoids, SNRIs, TCAs and sodium-channel blockers; opioids are generally discouraged.

 #012.26🩺 Taxanaha Wacyigelinta Cudurka SonkorowgaCasharka 9aad: DIABETES & KIDNEY FAILURE(Renal Failure Secondary to Di...
13/08/2026

#012.26

🩺 Taxanaha Wacyigelinta Cudurka Sonkorowga

Casharka 9aad: DIABETES & KIDNEY FAILURE

(Renal Failure Secondary to Diabetic Kidney Disease)

Ma ogtahay sonkorowgu ma dhaawaco oo keliya , iyo . waa xubnaha ugu daran ee uu muddo dheer saameyn karo.

Diabetes → Diabetic Kidney Disease → CKD → Kidney Failure → Dialysis/Transplant

1. Sidee Diabetes-ku u dhaawacaa Kelyaha?

Marka blood glucose-ku ay muddo dheer sarreeyso, waxay dhaawacdaa xididdada yaryar iyo qaybaha sifeynta ee kelyaha (glomeruli).

Bilowga waxay kalyuhu sii daynayaan Protein-ka , kaasi oo kaadida lagu darayo, halkii jidhka dib loogu celin lahaa.

Albuminuria → eGFR oo hoos u dhaca → CKD → Kidney Failure

Dhaawaca Kalyaha waxaa sii xoojin kara:

• 🔴 Blood glucose oo sareeya

• 🔴 Hypertension

• 🔴 Obesity

• 🔴 Dyslipidemia

• 🔴 Diabetes muddo dheer socday

Qiyaastii 40% dadka qaba diabetes ayaa yeelan kara diabetic kidney disease.

2. Waa intee dhibaatadu adduunka uu ku hayo?

Research cusub oo 2025 ah, oo adeegsanaya GBD 2021, ayaa qiyaasay in sanadkii 2021:

107.6 million

qof ay dunida la noolaayeen Diabetic Nephropathy/Diabetic Kidney Disease.

477,300

qof ayaa lagu qiyaasay inay u dhinteen diabetic nephropathy.

11.28 million DALYs

ayaa kaga lumay sababo la xiriira cudurkan.

Waxa kale oo muhiim ah:

Age-standardized mortality rate-ku wuxuu 37.8% kor u kacay 1990–2021, inkastoo age-standardized prevalence-ku uu 5.1% hoos u dhacay.

Taasi waxay muujinaysaa in dad badan ay weli u dhimanayaan dhibaatooyinka diabetic kidney disease, gaar ahaan dadka qaba cudur horumaray.

3. Kidney Failure-ka laftiisa intee ayuu le'eg yahay?

GBD 2023 research oo lagu daabacay "The Lancet Global Health" ayaa qiyaastay in 2023:

≈4.59 million qof

ay dunida ku jireen Kidney Failure with Replacement Therapy (KFRT) — taas oo ah dialysis joogto ah ama kidney transplant.

Laakiin 4.59 million oo dhan diabetes ma sababin. Kidney failure wuxuu leeyahay sababo badan sida , , diseases iyo kuwo kale.

Cilmi-baaristu waxay muujisay in KFRT uu si weyn u kordhay sanadihii "1990–2023", iyadoo helitaanka dialysis/transplant uu aad ugu kala duwan yahay dalalka.

4. Afrika saamayn noose ah ayuu ku leeyahy?

Afrika waxaa jira laba dhibaato oo isku mar socda:

1. Kidney disease oo kordhaya
2. Helitaanka dialysis oo aad u yar

Sanadka 2023, faafitaanka cudurka KFRT ee Sub-Saharan Africa wuxuu ahaa qiyaastii 3.8 qof 100kii kun kasta, halka heerka caalamiga ah uu ahaa 50.7 qof 100kii kun kasta.

Farqigani wuxuu muujinayaa in cudurku uu aad uga yar yahay ama xogta laga helayo ay ku yar tahay gobolkan marka loo eego adduunka intiisa kale.

Tani macnaheedu ma aha in kidney failure Afrika ku yar yahay.

Waxay qayb weyn ka tarjumaysaa:
CKD badan + diagnosis yar + renal services yar + dialysis access oo xaddidan.

Research-ka GBD 2021 wuxuu sidoo kale muujiyey in Eastern Sub-Saharan Africa ay lahayd mid ka mid ah mortality rates-ka ugu sarreeya ee diabetic nephropathy: qiyaastii 12 deaths/100,000 population sanadkii 2021.

5. Soomaaliya xaaladdeedu sidee tahay ESRD?

Mogadishu Study
Daraasad lagu sameeyay 208 bukaan oo ESRD ah oo dialysis qaadanayay ayaa heshay:

Waxa sababay ESRD-ka Bukaannadan:

• Diabetes39.4%
• Hypertension35.6%
• Postrenal obstruction12.5%
• Glomerular disease4.8%
• Unknown5.7%

Sidaas darteed daraasaddan, diabetes-ku wuxuu ahaa sababta ugu badan ee ESRD.

Multi-center Somalia Study

Daraasad kale oo bukaanno dialysis ah oo ka kala socday xarumo badan ayaa heshay:

• Hypertensive kidney disease — 33.1%
• Diabetes mellitus — 27.6%

Markaa labada daraasadood waxay isku raaceen hal arrin muhiim ah:

Diabetes waa mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee kidney failure-ka Soomaaliya.

Waxaa ka jira Soomaaliya xaalad adag sida ay muujinayso:

Daraasadda Mogadishu waxay muujisay in bukaannada ESRD ay la kulmaan caqabado waaweyn oo dialysis ah.

65% ayaa lahaa hospital readmission lix bilood gudahood.

Sababaha muhiimka ah waxaa ka mid ahaa:

• Missed hemodialysis → 40%
• Vascular access/catheter infection → 20%
• Anemia → 17.8%

Daraasaddu waxay sidoo kale sheegtay in kharashka dialysis-ka iyo helitaanka adeegga ay yihiin caqabado muhiim ah.

Multi-center Somalia study-na waxay sheegtay in dialysis services-ku inta badan ku urursan yihiin magaalooyinka waaweyn, iyadoo helitaankuna xaddidan yahay.

6. Maxaa la sameeyaa si loo xakameeyo waxyeelada Sonkorowga ee kalyaha?

Kidney failure-ka diabetes-ka la xiriira waa qayb weyn oo laga hortagi karo ama horumarkiisa la gaabin karo.

Qof kasta oo qaba diabetes waa inuu si joogto ah u hubiyaa:

• HbA1c / Blood glucose
• Blood Pressure
• Urine Albumin-to-Creatinine Ratio (UACR)
• Serum Creatinine & eGFR
• Cholesterol & cardiovascular risk

Baaritaanka kelyaha waa muhiim sababtoo ah kidney disease waxay muddo dheer jiri kartaa iyadoo aan calaamad muuqata lahayn.

FARIINTA UGU MUHIIMSAN

• “Ha sugin kelyaha inay fashilmaan si aad u ogaato inay dhaawacmeen.”

• Qofka qaba diabetes waxa laga rabaa: Check your sugar → Check your BP → Check your urine → Check your kidney function.

• 🩺 Diabetes + Early Screening + Good Control = Kidney Protection

• Kelyaha maanta baar → Dialysis-ka berri ka hortag.

TIXRAACYADA

• GBD 2021 – Diabetic Nephropathy: Zhang L, et al. Frontiers in Endocrinology, 2025. Global: 107.6M cases & 477,300 deaths in 2021.

• GBD 2023 – Kidney Failure with Replacement Therapy: The Lancet Global Health, 2025. Global KFRT ≈4.59M in 2023.

• GBD 2021 – CKD due to Type 2 Diabetes: Hu R, et al. Frontiers in Medicine, 2025; projections to 2036.

• Somalia: Mohamed & Jeele. Epidemiology of End-Stage Renal Disease in Mogadishu, Somalia, 2022 — diabetes 39.4% of ESRD causes in the studied dialysis population.

• Somalia Multi-center Study: Rage HI, et al. BMC Nephrology, 2023 — diabetes 27.6% of identified causes of kidney failure among maintenance haemodialysis patients.

Address

Dila Main Road
Borama
N/A

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Asal medical center posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share