Faisal H.Derie

Faisal H.Derie Arimaha caafimaadka iyo talo bixinta caafimaad doctor faisal

28/02/2023

𝐁𝐞𝐝 𝐪𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐝𝐝𝐚

Qaab dhismeedka Bulshada Soomaalidu wuu ka duwan yahay inta badan wadamada dunida saddexaad:

Waa bulsho boqolkiiba lixdan ay ka yaryihiin 25 jir; halka boqolkiiba sideetan ay ka yaryihiin 55 jir. Taasi oo macnaheedu yahay waxay dhasheen ama garaaadsadeed mudadii dagaalada sokeeye iy dowlada la'aantu jirtay.

Waxay ka mid tahay bulshooyinka ugu hooseeya xirafadaha gacanta, hal abuurka, iyo waxbarashada sare ee khibradda iyo takhasususka u baahan. Sodonkii sano ee ina dhaafay, sida UNHCR sheegayso, 80% dadka Soomaalidu si toos ah ama si dadban ayay barakacayaal u noqdeen.

Sdia ay soo wada saareen Wasaaradda Caafimaadka Somalia iyo WHO, 77% bulshada Somalidu waxay la nool yihiin, ama kusoo dhacay nooc kamid ah khalkhaladda maskaxda ee "mental disorders" layidhaa. Warbixintan oo cusub way kasii badan tahay tii h**e ee dadka khalkhalka maskaxdu hayo ka dhigaysay 40%.

Boqolkiiba 51% dadka Soomaalidu waxay adeegsadaan maan dooriye yaasha uu ugu caansan yahay QAADka, waxaase kusoo kordhaya xashiishada, khamrigga, sigaarka iyo walxo kale.
Somaaliddu waxay ka mid tahay bulshooyinka ugu saboolsan, marka la eego hantida shakhsiga ah iyo hantidda guud labadaba, sidaad oo ay tahay haddana shaqo la'aana dhabta ah waxa lagu qiyaasaa 18.7%; halka shaqo la'aanta dadbani gaadhayso 45%.

Wax barashada iyo caafimaadka oo ah halbeega ugu muhiimsan ee laga eego fayo qabka iyo horumarka bulshada ayaa iyaguna ah kuwo aad u liita. Tayo ayaan way hooseeyaan, mana soo saari karaan qof dhisan oo wax soo saar leh, helitaankooduna inta badan bulshada wuu ku adagyahay oo ma sugna.

Deegaanka Soomaaliddu waxa uu ka mid yahay deegaanadda isbedelka cimiladu ugu daran yahay. Ugu yaraan lix jeer ayaa abaar aad u darani ku dhacday Soomaalida 25 kii sano ee ugu danbeeyay. Nabaad guurka ciida, xaalufinta dhirta, dabaylo duufaano wata, iyo roob la'aan baahsan ayaa faro baas ku haya Soomaalida. Waxaana laga yaabaa in ay kasii daraan sanadaha soo socda.

Soomaalidu waxay u nugushay afkaarta xagjirta ah, quusta, jar iska xoornimada iyo samir yaraanta. Waa bulsho dhaqankeedu reer guuraa yahay oo sal fudud, wax wada lahaanshaha aan qiimayn, nidaamka keli ah ee bulsho ahaan u dhisani yahay nidaamka bidaa'iga ah ee Qabiilka.

Waxa iswaydiin mudan, bulshada noocaas ah ma bed qabi kartaa, mase ku badbaadi kartaa caalamka maana aynu joogno? Haddii aanay tiro ahaan u dabar go'in, Soomaaliddu waxay halis ugu jirtaa inay dad ahaan iyo jiritaan ahaan u dabar go'do. Xaaladaha foosha xun ee maanta socda ayaa tusaale fiican u ah.
Dr.abdikarin

29/05/2020

Khatarta caafimaad ee laga dhaxlo sinada

Fadlan jooji in marka Aad cuntayso inaad shaah ka daba gayso sababtoo ah shaahu waxa uu khalkhaliyaa in jidhku uu cuntad...
09/05/2019

Fadlan jooji in marka Aad cuntayso inaad shaah ka daba gayso sababtoo ah shaahu waxa uu khalkhaliyaa in jidhku uu cuntada kala baxo maadada muhiimka ah ee iron ta taas Oo muhiim u ah samaynta maadada qaada dhiiga ee loo yaqaan hemoglobins markaa hadii ay yaraato hemoglobin ta jidhku qofka waxa Ku dhacda dhiig la'aan waana sababta uu mujtamaceena soomaali ugu badan tahay dhiig yaridu inagoo caadaysana in marka aynu quraacano amaba qadayno koob shaaha ka danbaysiino taasina waxay saamayn taban Ku leedahay caafimkeena.
Caadi ahaan xadiga jidhku u baahan yahay iron ta qofkiiba waa 10mg daily

25/07/2017

first aid how to help person with abdominal wound

wax ka ogow xanuunka xasusta baabiiya
30/06/2017

wax ka ogow xanuunka xasusta baabiiya

Cudurka xusuusta baa'biya ee Alzheimer's waa xanuun ku dhaca maskaxda kedib dhimashada unugyada maskaxdu sababto xasuus la'aan iyo maahsanaan

Dhibaatooyinka uu keeno jeemiska cidhiidhiga.Xaalahada caafimaad darro ee uu keeno surwaalada dhajiska ee ay dhalintu xi...
06/10/2016

Dhibaatooyinka uu keeno jeemiska cidhiidhiga.
Xaalahada caafimaad darro ee uu keeno surwaalada dhajiska ee ay dhalintu xidhato
Sidaynu wada ogsoonahay baryahan danbe waxa aad ugu badatay dhalinta surwaalada dhajiska oo xarago laga dayay balse dhibaatooyin caafimaad ayuu keenaa kuwaasoo qaar wakhti qaata leh iyo qaar h**e kusoo baxa hadaba aynu bal qodob qodob isku dul istaagno
1)surwaalka dhajiska wuxuu kala xidhaa dhiigii iman lahaa qaybaha hoose ee lugaha ama wuxuu cidhiidhi galiyaa dhigtamarista dhiiga taasoo sababi karta curyaamid ama khalkhal ku abuurta lugaha taasoo keeni karta inay luguhu kala jeestaan ama qalaafo u samayso qofka markuu muddo sidaas ku wado
2)wuxuu keenaa mashaakil dhinaca dhalmada ah taasoo ay keento xidhashada jeemiska dhajiska ahi isagoo xiniinyaha ku sababa inay cidhiidhi galaan kulayl intii loogu talo galay ka badana la kulmaan ama inay is rogaan oo dhinac kale u jeestaan taasoo khalkhalisa soo saarida manida keeni kartana ma dhalaysnimo
3)wuxuu kaloo sababaa dhibaato dhinaca kaadi haysta ah isagoo cidhiidhi galiya kaadi hayaha (bladder) taasoo keenta infection ku dhasha kaadihayaha (infection of bladder ) iyadoo mamnuuc uu ka yahay dadka xanuunkan laga helo inay xidhaan surwaalo cidhiidhiya
4)wuxuu ku sababaa cidhiidhi aad u badan caloosha kaasoo keenaa in acid calooshu u dhaqaaqo xaga sare kaasoo sababi kara calool olol
by:faisal derie mohamed (Muniir)

Hurdada meel iftiin leh waxy Khalkhalisaa maskaxdaMaadada melatanon waa enzyme maskaxdu soo dayso oo ka shaqeeya inuu ha...
07/06/2016

Hurdada meel iftiin leh waxy Khalkhalisaa maskaxda
Maadada melatanon waa enzyme maskaxdu soo dayso oo ka shaqeeya inuu habeeyo hurdada iyo toosida sidoo kalena yareeya dhiig karka(blood pressure) iyo heer kulka jidhka si loo helo hurdo raaxo leh,iftiinkuna wuxuu khalkhaliyaa enzyme kaas taas oo keenta hurdo la’aan ama hurdo yaraan taasna waxay sababtaa cuduro badan oo uu ka mid yahay kansarku.
Sida lagu xusay diraasad 10 sano socotay lagu ogaaday in dhawr dumar oo iftiin (laydh)lagu daaray xiligii hurdada ay yeesheen ixtimaaliyad 22%in kabadan ay lakulmeen breast cancer(kansarka naasaha) marka la barbardhigay qaar meel madaw seexday taasoo ay sababtay khalkhalka hormoonada uu sababay nidaam la’aanta soo saarida melatonon.
Sidoo kale diraasad kale oo lagu sameeyay dumarka nurse ahee shaqeeya habeenkii ay uga dhicid ogyihiin kansarka naasaha kuwa subixii shaqeeya.
Sidoo kale madada melatonon waxay saamayn ku leedahay cimri dagdaga iyo buurnida xad dhaafkaa iyo waliba warwarka(stress).
Haday sidaa tahay ku dadaal meel madaw inaad seexato si caafimaadku u hagaago.
By:faisal derie Mohamed (muniir)

Dhiig yari/anemiaWaa maxey anemia/dhiigyari?Qofka qaba dhiig yarraanta, unugya da dhiigga cas-cas jirkiisa ayaa ka yar s...
07/06/2016

Dhiig yari/anemia
Waa maxey anemia/dhiigyari?
Qofka qaba dhiig yarraanta, unugya da dhiigga
cas-cas jirkiisa ayaa ka yar sida caadiga ah . Unugyada
dhiigga cas-cas ayaa gaarsiiya ogsijiinka dhammaan xubnaha jirka ku yaalla. Marka ay tirada unugyada dhiigga cas-cas ay ka hooseeyaan
inta caadiga ah, ogsijiin yar ayaa gaara dhiiga. Taas oo keeneysa hoos u dhaca xagga shaqada ah oo ku timaada jirka.

Maxaa lagu gartaa/Calaamadaha ?
Qofka qaba dhiig yaraantu waxaa laga yaabaa in aanu ogaanin wax calaamado ah. Marka dhiig yaradi ka sii darto, waxa laga yaabaa inaad yeelato
calaamadahan:
• Tabcaan- ama tamar darro ama daal dareemid
• Dawakhaad/wareerid ama suuxid dareemid
• Gacmaha iyo lugaha oo qabow noqda
• Madax xanuun
• jirka oo kalarkiisu cadaaado ama ciddiyaha oo si sahlan kuu dildilaaca
• Dhibaato aad kala kulanto inaad si fiican u fikirto ama inay kugu
adkaato xoog meel saaristu
• Neefta oo ku qabata ama laab xanuun
• garaaca wadnaha oo siyaada.
Maxaa Sababa?
Sababaha dhiig yaradi waxaa ka mida:
• Dhibaatooyin ka yimaada sida birta uu isticmaalo jidhku
• In aan la cunin cunto ay birtu/feeradu ku badan tahay
• Dhiigista ama dhiig baxa, sida dhiigga culus ee ka yimaada
waqtiyada caadada
• Uurka
• fiitamiinada oo yaraada sida Foolayt la'aanta ama fitamiin B-12 jirka
• Daawaynta xanuunnada qaarkood, sida kansarka,oo aad jirka u
adkeeya si uu u sameeyo unuggyada dhiigga cas-cas ee cusub
• Jirrada dhiigga kaas oo burburiya jirka unugyo dhiig cas-cas oo
badan
• Dhibaatooyinka hab-dhiska difaaca halkaas oo jirku buruburiyo
ama aanu samayn karin unugyada dhiiga cas-cas
• Dhallaanka ka yar hal sano ee cabba caanaha lo'da ama caanaha
adhiga
• Dhallaanka lagu quudiyo caano boore aan lahayn feero ama bir
dheeraad ah
side loo daweeyaa?
Daweynta dhiigyaridu waxey ku xirrantahay sababah keenay markii h**e oo kuwa aan kor xusnay, sidaa darted waxaa u baahntahay in lagaa baaro sababaas. Waxaa laga yaabaa inaad
u baahato:
• Cunto cunooyin gaara oo caafimaad leh ka mid yihiin miraha,
khudrad, rooti, waxyaabaha caanaha laga sameeyo, hilib iyo kalluun.
In aad cunto cuntooyin feero badan sida khudradda caleenta ah,
hilibka lo'da ,ama hilib ari, hilib
digaag , cunnada badda, miraha iyo iniinyaha ay birtu ku xooggan
tahay, khudaarta cagaaran sida iyo digirta.
• Qaado fiitamiinnada ama feero-kordhiye.
• haddii dhiigbax daran uu jiro waxaa laga yaabaa in aad u baahato in Dhiig lagugu shubo si loo daaweeyo dhiig baxa. Dhiiga waxaa laga
qaataa xiddidada iyagoo ugu sii gudbaya xiddidada dhiiga

09/05/2016

xiiq ama Asma waa cudur ay marinnada hawadu ee gala sanbabadaadu ay cadhiidhi noqdaan ayna soo saaraan xab.
Marka ay tani dhacdo, way adag tahay in aad neefsato. Waxyaabaha kicin kara neeftu in ay ku qabato waxaa ka mid ah xajiinta, hergebka, daawooyin, habaaska ama boodhka, catarka iyo baruufannada, qiiqa, kiimikooyin, jidhdhis ama niyad kac.

Calaamadaha
• Neefsasho siyaado ah ama dhibaato neefsashada ka timaadda
• Xiiq ama neefsasho cod leh
• Quficid laga yaabo in ay ka sii darto habeenkii ama aroorta h**e
• Feedhaha oo giigsanaan laga dareemo
• Wadna garaac
• Cune cun-cun
• Daal in aad dareento
• Madax xanuun

Waxaa laga yaabaa in aad calaamado badan oo xiiq ama asma aad qabto haddii aad:
• Xajiin ama xasaasiyad qabto
• Aad leedahay qof qoyska ka tirsan oo xiiq ama neef qaba
• Aad u nugushahay wasakhowga hawada
• Aad la kulanto qiiq
• Aad diiqad qabto

Daryeelkaaga
Daryeelkaaga waxaa ka mid noqon kara:
• Qaadashada daawooyin kala duwan si:
? Marinnada hawadu kuugu furmaan
? Hoos ugu dhigaan jawaabta uu jidhku ka bixinayo xajiinta
? Hoos u dhigaan bararka marinnadaada hawada
? Hoos ugu dhigaan balqanka ama xabka
• Ogaanshada waxa sababa calaamadahaaga.
• Baarid xajiin.
• Isticmaalidda mitirka lagu hubiyo neefta, loogana hortago in neeftu ku qabato.
• Cabidda koob weyn oo cabitaan ah 1-2 saacadood ee kastaba.
Tani waxay kaa caawinaysaa in xabku uu khafiifo. Xab khafiif ah way kuu fududaanaysaa in aad qufacdo oo uu kaa soo go’ o wuxuuna hoos u dhigayaa bararka sanbabadaada. Cabitaannada cad ayaa ugu fiican, sida biyaha, casiirka furutada, shaaha, maraqa ama maraq cad.
• Ka fogaanshada waxyaabaha laga sameeyo caananaha marka aad xiiq leedahay maxaa yeelay waxay ballaarin karaan xabka sida caana boodhaha.

Si aad uga hortagto Neef in ay ku Qabato
• Daawada neefta mar walba wado. Qaado daawooyinka kuu qorsheysnaa xataa haddii calaamaduhu kaa tagaan.
• Ka fogow cabidda sigaarka, shiishada ama qiiqa sigaarka.
• Ka dheerow cuntooyinka, daawooyinka ama waxyaabaha kuu keenaya in calaamadaha neeftu kuu yimaadaan. Kuwaan waxaa loo yaqaannaa kiciyeyaal.
• Ka fogow taabashada dadka hergebka ama ifilada qaba.
• Naso oo cab cabitaanno fara badan marka ugu horreysa ee calaamado hergeb aad isku aragto.
• Ku neefso maro yar ama wax kale oo la isku daboolo cimilada qaboobaha.
• Takhtarkaaga kala hadal jir dhiska si aad u xoojiso sanbabadaada.
• Diiqada iska yaree.

Isla markiiba tag cusbitaalka haddii aad:
• Isku aragto qufac, xiiq ama neefsashadu kugu adag tahay.
• Dareensan tahay in aad qaadato daawooyin ka badan kuwii uu takhtarku kuu amray.
• Heerkulka jidhkaagu uu ka sarreeyo 101 darajo F ama 38 darajo oo C.
• Isku aragto xab aan caddeyn ama kala cad ama aad ugu weyn in la qufaco.
• Dhibaatooyin ay daawooyinku keeneen qabtid sida gariirid, jahawareer, isku yaacsanaan, calool kacsan ama dhadhanka oo kugu xumaada.
• Aadan awoodin in aad sameyso hawlahaaga caadiga ah ama jir dhiska.

Isla markiiba tag ama la xiriir qeybta gargaarka dagdaga haddii:
• Aad isku aragto xiiq daran, neefsashada ama qufacu kugu adkaadaan.
• Aad isku aragto laab xanuun.
• Ay faruuryaha ama ciddiyaha faruhu boor ama buluug ku noqdaan.

Talooyin:
Xanuunka Neefta wuxuu ka mid yahay xanuunnada qofka ku raaga illaa iyo hadda lama garanayo qaab looga bogsado inkastoo ay jiraan xaalado ka caafmaada oo aan dib loogu arkay, waxaana badanaa lala xiriiriyaa jawiga oo is badalo ama qofka oo ka guuro meel uu dagganaa ama ku noolaan jiray.
Neefta waxay ku badan tahay wadamada hormaray ama caruurta ku dhalata meelaha nadiifka ah ama nadaafaddooda lagu dadaalay, sababtuna waxay cilmibaarayaashu ay sheegaan in neefta ka timaado xajiin la rabay in jirka uu la qabsado markii qofka uu yar yahay, sidaa awgeed waxyaabaha xajiinta jirka bari lahaa waa lala dagaallamadaa dunida hormartay iyadoo meel kasta lagu dhaqo ama lagu tirtiro daawooyin kiimiko ah, waxay kaloo sheegaan in wadamada wax soo saaro oo warshadaha leh in neefta ay ku badan tahay taasoo loo aanaynayo hawada wasakhaysan, sidaa awgeed waxaa jirto qaabab cusub oo aan daawo ahayn oo takhaatiirta qaar ay u adeegsadaan in lagu daaweeyo neefta.
Fadlan takhtarkaaga kala tasho neeftaada nooceeda iyo heerka ay marayso haddii aad dareento in daawooyinka aad la qabsatay ama wax ay kaa tari la'dahay.

03/03/2016

Qoraalkan waa tusaha calaamadaha soo shaac baxa ee ku saabsan xanuunka kansarka una baahan in loo fiirsado

Isbadalo kaste ama calaamado aan cadi ahayn oo soo shaac baxaa , macnaheedu waxa weeyi waa Kansar. Sida xaqiiqda ah waxay calaamadahani ku bilaabmaan si aan xanuun badan lahayn, qaar koodna markiiba way qarsoomaan.

Haddii isbaladu ama calaamadahu muuqdaan muddo ka badan 2 Todobaad (weeks) oo aad raysan weydo fadlan la xiriir dhakhtarkaaga sida ugu dhakhsaha badan si laguu jeeg gareeyo

Ha sugin in aad xanuun dareento , maxaa yeelay sida badan marka Kanasarku bilowga yahay ma xanuun badna.

Iyada oo h**e loo ogaado iyo daaweyn fiican oo la sameeya waxay keenaysaa in tirada daka ka kaaca badato.

Fursadaha aad ku qaadi kartaa xanuunka kansarka way kordhaysaa haddii aad haysato waxyaabahab soo socda:

Qoyskiina oo hidde taariikheed u leh Kansarka.
Adiga oo si joogta ah u isticmaali jiray sigaarka ama shiishadda
Adiga oo si joogta ah u cabi jiray khamriga
Adiga oo intaad noolayd cuni jiray ,cunto dux aad u badan leh.
Iayada oo uu kugu dhacay shucaac sida shucaacada loo yaqaan x-rayga iyo Ultraviolet rays kaas oo ka yimaad qoraxda oo aad la isugu dhigo.
Adiga oo muddo qaatay walxo kimiko ah shaqadaada awgeed sida, biraha qaarkood ama waxyaabaha isku darsan sida e.g asbestos, nickel, cadmium, uranium iyo benzene ama dawooyika la isku cadeeyo oo aad adeegsatay.

Calaamadaha Ku Haboon In Loo Fiirsado
Isbedel ku dhaca dabada ama dabeecadaha kaadi haysta oo isbedela: sida calool istaag raagay, shuban, saxarada oo qiyaastiisu isbedesha, kaadida oo ku xanuunisa ama dhib kugu noqota.

Xanuun aan bogsanayn meel jirkaaga ka mid ah ama afkaaga: Afka ka eeg xanuun joogta ah, gaar ahaan haddii aad sigaarka cabto ,tubaako, ama aad cabto khamriga..Sidoo kale waxaad eegtaa in ay jirto calaamad ama ka soo baxyo aan tegayn oo waqti dheer jooga,ama wax dildilaac ah oo jirkaaga ka muuqda, boog ama ka soo bax dibnaha (bishimaha) dushooda ama afka hoostiisa ka soo baxa kuwaas oo aan bogsanayne.

Dhiig aan cadi ahayn ama qoyaan socda: dhiig walamadka ka yimaad ama dhiig saxarada la socda (saxaro madaw, dhiig kaadida la socda ama ibta ka yimaaada..

Qaro weynaan ama ka soo bax aan caadi ahayn ama barrar, aad ku aragto meel ka mid ah jirkaaga: Ka eeg cad ka soo bax ah; nasahaaga, xiniiyahaaga iyo qanjidhadaada, kuwaas oo noqon kara cad wareegsan ama mid hoose oo qaro weyn ama barrar , ama dheecaamo ka yimaad meelo jirka ka mid ah ama isbedel aan caadi ahayn oo sida badan lama moodo cadadka ka soo baxa kuwo kansar sida kuwa loo yaqaan "cysts"

Dheef Shiid xumo ama Liqid kari la'aan: U fiirso oo eeg in xanuun iyo liqid kari la/aan wixii adag iyo wixii dareere ihi ku dhibaayaan.

Isbedelo burooyin ah oo yimaada: U fiiso oo ka eeg brooyin cusub oo ka soo baxa jirka ama maqaarka korkiisa ama qaybo kale oo xubnahaaga ka mid ah.,isbedel kasta oo ku dhaca burooyinka.

Qufac xanuun badan marmarkaqaar dhiig la socdo: Bal u fiirso in aad leedahay qufac xanuun badan markaad qufacayso ama wax dhiig ah kaa soo go'aayaan.

Culayskaaga oo si aan la garanyn hoos ugu dhaca: u fiirso culays kaaga oo uu ku yimaado hoos u dhac weyn (si lama filaan ah) oo aan la garanayn wax keenay.Taas oo noqon karta qiyaastii 10 rodol.

Xumad iyo dhidid habeenkii yimaad: Eeg oo ufiirso cabirka heerkulka jirkaaga, haddii uu ka sareeyo 38 digrii oo santi geradh ah oo aad dareento xumad dhaaf una nuglaato xanuunnada sida hargab/duray soo noq noqda.

Daal : U fiirso in aad leedahay daal ama noog joogta ah .

Xanuun: u fiirso in aad leedahay lafo xanuun xoog badan ama xanuun xoog badan oo aad ka dareento qaybaha kale jirkaaga.

Diirka ama maqaarka jirka oo isbedela: Eeg oo u fiirso isbe del ku yimaada midabka aragtida diirkaaga, kas oo noqon kara madow, dacar ama jaale , ama casaan amaba yeesha cun cun.

Madax xanuun: Eeg oo u fiirso madax xanuun ba'an kaas oo wata matag ka duwan kuawa cadiga ah kaas oo aan ka raysi lahayn markii la qaato daweyn mudooyin ah.

Xaqiiqada Kansarka

Dad aad u tiro badan ayaa ka badbaada cudurka kansarka in ka badan intii h**e sababtuna waxaaa weeyi h**e u ogaanta iyo daaweynta. ka fiican sidii h**e.
Ogaansho iyo barasho fiican oo loo yeesho kansarka iyo calaamadiiisa xilli h**e.
Waxaa muhim ah in aad barato dhismaha jirkaaga si aad u ogaato wixii is bedel ah ee jirkaaga ku yimaadda . Haddii wax is edel ihi ku yimaadaan jirkaaga la xiriir Dhakhtarkaaga, haddii isbedelkaasi socdo muddo ka badanthat 2 wiig.
1 hal qofbaa 3 diiba, laga daaweeya kansarka mudada uu qofku nool yahay.
Inta badan wuxuu ku dhacaa kansarku , dadka ka weyn 60 jirka , laakiin kuma wada dhaco.
Nooca kansaro tiro yar baa ku dhaca raga da’doodu ka yar tahay 35 jir, sida kansarka ku dhaca xiniin yaha. Kansarku wuxuu kaloo ku dhici karaa dadka yar yar ee da'doodu ka hoosayso 14 jir.
Waxaa jira in ka badan 200 oo kansaro ka;la duwan ah kuwaas oo muujiya calaamado kala duwan.

Waano

Ha cabin sigaar ama tubaako oo dhan.
Ha cabin khamrada.
Cun khudrad fara badan, caleemo badan iyo cuntadad nuxurku ku badan yahay.
Fir fircoonow oo miisaan xad dhaaf ah ha yeelan.
Iska haree qoraxda , oo jidhkaaga ha gubin.
Isku ilaali walxaha kiimikada ah (isla fal gala) adiga oo raacaaya talaabooyinka badbaadada iyo caafimaadka leh ee u yaal.
Jeeg garee jirkaaga . Una fiirso wixii isbedel ah ee soo kordha.
Si joogto ah isku jeeg garee.

06/02/2016

Gaaska ama gaastariga waa xanuun badanaa somaalidu aad u sheegato, wuxuu ku dhacaa caloosha, waxaana keena dhowr sabab oo kala ah:

# Daawooyinka qaarkood sida asprin-ka, antibiotics-ka qaar kamid ah iyo kuwa kalaba
# Aash*tada caloosha oo badata, taasoo ay badiso gaajada muddada dheer ah ama xanuun aash*tada caloosha ku badiyay.
# Aalkolo cabbid ama cabida sharaab soodhe leh
# Cunnada kuwa dhanaan ama dufanka badan leh ama babaaska leh ama khamiirka leh
# Sigaar cabidda iyo isticmaalka tubaakada

Qofka xanuunkaan qabo wuxuu dareemaa calaamad ka mid ah calaamadahaan oo kala ah:

# Calool xanuun (bog xanuun ama caloosha oo idil khaas ahaan qeybaha kore ee bidixda ama midigta ah)
# Dibbiro iyo daaco (aaryo caloosha ku dhex wareegata oo marmar isku taagta oo qofka u dareemo in qodxo caloosha dhexdeeda looga mudayo.
# Lalabbo ama matagid (Cuntada oo markaa aragto lalabo ku qabato khaas ahaan haddii dufan badan leedahay)
# Kuleyl iyo Kor hur (Khaas ahaan calaacalaha iyo cagaha iyo caloosha)
# Af qallayl ama carabka oo dhabro yeesho (Waa calaamad ay badanaa ka cawdaan dadka gaaska muddada hayay)
# Hurdo xumo (Hurdada oo qofka ka qasan, qarow iyo naxitaan hurdada dhexdeeda khaas ahaan hadduu qof kaa kiciyo)
# Wadna garaac (Qofka wuxuu u malaynayaa inuu wadna qabad hayo markuu gaaska aad ugu kacsan yahay, wadna garaac iyo wuxuu leeyahay cadaadis feeraha ah maadaama hawada caloosha isku xirtay ay feeraha cadaadin karto).
# Laab jeex (qofka oo cuntada uu cuno ama biyo kulul ku soo gadoomaan, oo afka ka dareemo qaraar iyo dhanaan isla socdo)
# Warwareer (in miisaanka uu kaa lumayo markaa istaagtid ama jiifka aad ka soo fadhiisato, tani macnaheeda maahan in dhiig
yari ku hayso, gaaska wuu leeyahay calaamadaaan)

Qofka wuu wada dareemi karaa calaamadahaas mid ama labo ka mid ah, qofka hadduu gaas qabo waa in uu takhtar la xiriiraa, si loo daaweeyo, lana ogaado gaaska uu qabo nooca uu yahay.
Nabarka gaastirikada meesha uu uur ku jirta kaga yaallo waxay ku xiran tahay qaabka uu qofka calaamadaha kor ku xusan u dareemo, haddii gaajada ama dharagta u daran tahay, haddii xanuunka uu hal meel ku eg yahay ama caloosha ku baahsan yahay ama xanuunka uu dhabarka meesha bogga ku aadan uu ka qabanayo qofka.

Warbixintaas waxaa wax ku dhisi krara oo ogaan kara takhtar aqoon u leh cudurrada gaaska, ee haddii calaamadahaas aad isku aragtay la xiriir takhtar.
Xanuunka gaaska, qaar badan oo ka mid ah waxaa keena bakteeriyo loo yaqaano "Helicopacter Pylori", hadduu qofka jeermiskaan laga helo waa in daawada gaaska loogu daraa daawo antibiotic si loo dirlo bakteeriyada gaaska ku samayso caloosha.

Talooyin:
Cunto beddelid iyo daawooyin ayaa laga yaabaa in looga baahdo gaastirikada.
# Daawooyinkaaga sida lagu faray u qaado.
# Cun oo keliya cabitaanno cad ama cuntooyin aan dhadhan lahayn sida kuwa la dubay ilaa aad ka bogsato, ka fogow cuntada suugada, waxyaabaha saliidda leh, canjeerada iyo wixii khamiir leh, dhandhanaanka, basbaaska, cambuulada iyo wixii gasacaysan
iyo wixii la shiilay oo idil
# Si tartiib-tartiib ah cuntaadii caadiga ahayd ugu soo noqo. cun xaddiyo yar markiiba.(gaajada iyo dharagta labadaba way kuu daran tahay, cunto yar cun oo marar badan, sadaxda waqti ee cuntada la cuno kuma anfacayso haddii aad xanuunkaan qabto).
# Xilliga aad jiifan rabo 3 illaa 4 saac ka hor cunto cun, iska ilaali in aad ku seexato calooshaada oo buuxdo, taasi waa helis, haddii aad xanuunkaan qabto, gaajada in aad ku seexato xitaa waa heli, haddii aad gaajo dareento marka aad jiifan rabto, waxaad
cabtaa caano aan dhanaan ahayn oo qabow, caanaha waxay yareeyaan aash*tada caloosha waa daawo fiican.

Gaaska markuu qofka helis ku noqdo oo nabarro u yeelo, qofka wuxuu matagi karaa dhiig ama uu dhigi karaa saxaro dhiig ah, tani waa helis, inkastoo dadka qaar ay aaminsan yihiin markuu dhiig matago inuu caafimaadayo, tani maahan mid sax ah, waxaa dhici kara in qofka dhiig bax u dhinto haduu xidid caloosha ka furto oo nabarka qodo.

Fadlan isbitaal si degdeg ah u tag, haddii aad isku aragto dhiig saxarada la socdo (waxaadna ku ogaan kartaa saxaradaada oo madow noqoto, dhiig casaan ah ma arki doontid)

Maxaa ku badiyay cudurkaan Soomaalida?
Waa su'aal is weydiis mudan oo u baahan in baaritaan lagu sameeyo, laakiin takhaatiirta waxay qiyaasaan badanaa waxyaabaha halista ku ah ama keeni kara xanuunkaan in aan u badan nahay.
Tusaale ahaan, cuntada aan cunno, qaabka aan u cunno, daawooyinka sida aan u isticmaalno, stresska iyo welwelka iyo nolol xumada heysata dadkeena badankood iyo wayaabo kale oo aan weli la ogaan in ay jiri karto way dhici kartaa.
Cilmibaarayaasha xiiseeya diraasaynta cudurkaan in ay noo faahfaahiyaan waxyaabaha ah arkeen haddii ay jiraan waan jeclaan lahayn.
Way jiraan qoraallo la daabacay oo ku saabsan tiro ahaan inta uu saameeyo cudrkaan ama u dhinto oo badanaa qiyaas lagu dhisay, laakiin mid tafatiran oo wax lagu dhisi karo maahan, tusaale ahaan waxay sheegtay in 100,000-kii kun oo qof in 5 qof ay u dhintaa cudurka gaaska!!!.

30/01/2016

hooyadu waa shakhsiyada nolosha ugu muhiimsan taasi waa xaqiiqo dareen ama ha dareein sheekadan bal si niyad leh u akhri waa tussale muujinaya in hooyadu doorka nolosha halyey nafeed ay ka tahay.
thomas adeson waa ninka sameeyay laambada ama laydhka aynu isticmaalno ee aan cidna ka maarmayn maanta thomas markuu afar jir ahaa wuxuu ahaa inan yar oo madax wayn codkiisuna uu yaryahay oo aan hadalkana si fiican u aqoon markii iskuulka la geeyay waxa la galiyay class ay ku jiraan 39 caruur ah macalinkii u dhigayay ayaa ka diiqadooday sababtoo ah waxba muu fahmi jirin hadalkuna wuu kala adkaa haduu haduu hadlana hadal yaroo bilaa micne ah ayuu ku hadli jiray casharadana muu fahmi jirin markaasaa intay maamulkii dugsigu hooyadii u yeedheen ayay ku dheheen inankaagani wuxuu la madax weyn yahay madaxiisa camuud baa ka buuxda midhna ma fahmo waana saaqid ee guriga u kaxayso hana nagusoo celin maskax ma lehe waxay ahayd markuu afar bilood iskuulka dhiganayay hooyadii laakiin hadalkaa way diiday maamulku uu ku yidhi wayna ogolaan wayday waxay aaminsanayd in inankeedu maskax badan yahay oo inuu la aamusanyahay maskax iyo caqli badni gurigii bayna u kaxaysay waxayna ku tidhi macalinkaagii maanta wuxuu igu yidhi inankaagu ardayda wuu ka maskax badan yahay ee guriga adigu wax ugu dhig adigu waxayna bilawday inay wax ugu dhigto bartana sida wax loo qoro loona akhriyo kadib markuu bartay sida wax loo akhriyo loona qoro waxay bilawday inay jeclaysiiso akhriska wuxuuna bilaabay isagoo 8 jir ah inuu akhriyo kutubta waawayn ee adabka iyo kuwa caafimaadka kuwa gabayada taariikhda iyo sayniska kuwii guriga yaalay oo dhan buu dhameeyay kadibna library ga ayay hooyadii ayaa uga soo qaadi jiratay kutubta.
markuu 12 jir ahaa ayuu dhagobeelay laakiin dhago la'aantaasi nimcad ayay u ahayd sababtoo ah waxay siisay fursad uu ku fikiro waxna ku ikhtiraaco, maalin buu hooyadii ka dalbaday in guriga ugu keento lab uu tajaarub ku sameeyo kadibna qalabkii ayay usoo iibisay una furtay guriga dhexdiisa halkaas ayuuna wax ku samayn jiray kuna tijaabin jiray thomas wuxuu sameeyay 1093 mashiin oo ilaa maanta la isticmaalo laydhkana waa ninka sameeyay wuxuuna tijaabiyay 999 jeer oo uu ku guuldaraystay markii 1000 ayuu ku guulaystay aduunkana u horseeday iftiinkan aynu maanta isticmaalno
wuxuu yidhi [haayaday waa ta i abuurtay aniga ina samaysay taasna waxa ugu wacnayd inay i ixtiraami jirtay iguna kalsoonayd waxay i dareen jirtay in aan ahay bani aadamka aduunka ugu muhiimsan markaasaan anna goaan ku gaadhay inaan waligay niyad jabin]
sidaasaanuu taarikhda magaciisu ku galay hadaba iswaydii adigu hooyadaa ma ixtiraamtaa markay talo kuusoo jeediso ama ay ku amarto inaad dhaqan xun oo aad leedahay iska daysid mise inaad maqasho iskaba daayoo markay ugu yartahay niyadaad ka hiiftaa alle hooyooyikeen janatul fardawsa haku abaal mariyo
hooyadu doorka nolosha
halyey naf bay ka tahay
hankaagay kuu dhistaa
hacoo bay kaa dhawraysaa
dantaaday u hagoogan tahay
higsibay kula doonaysaa
horumarka naftaaday rabtaa
hurdaday kuu seegaysaa
si aad hurdada ugu lado
BY; Faisal derie mohamed[muniir]

Address

Burao

Opening Hours

Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00

Telephone

00252634399458

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Faisal H.Derie posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Faisal H.Derie:

Share