28/02/2023
𝐁𝐞𝐝 𝐪𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐝𝐝𝐚
Qaab dhismeedka Bulshada Soomaalidu wuu ka duwan yahay inta badan wadamada dunida saddexaad:
Waa bulsho boqolkiiba lixdan ay ka yaryihiin 25 jir; halka boqolkiiba sideetan ay ka yaryihiin 55 jir. Taasi oo macnaheedu yahay waxay dhasheen ama garaaadsadeed mudadii dagaalada sokeeye iy dowlada la'aantu jirtay.
Waxay ka mid tahay bulshooyinka ugu hooseeya xirafadaha gacanta, hal abuurka, iyo waxbarashada sare ee khibradda iyo takhasususka u baahan. Sodonkii sano ee ina dhaafay, sida UNHCR sheegayso, 80% dadka Soomaalidu si toos ah ama si dadban ayay barakacayaal u noqdeen.
Sdia ay soo wada saareen Wasaaradda Caafimaadka Somalia iyo WHO, 77% bulshada Somalidu waxay la nool yihiin, ama kusoo dhacay nooc kamid ah khalkhaladda maskaxda ee "mental disorders" layidhaa. Warbixintan oo cusub way kasii badan tahay tii h**e ee dadka khalkhalka maskaxdu hayo ka dhigaysay 40%.
Boqolkiiba 51% dadka Soomaalidu waxay adeegsadaan maan dooriye yaasha uu ugu caansan yahay QAADka, waxaase kusoo kordhaya xashiishada, khamrigga, sigaarka iyo walxo kale.
Somaaliddu waxay ka mid tahay bulshooyinka ugu saboolsan, marka la eego hantida shakhsiga ah iyo hantidda guud labadaba, sidaad oo ay tahay haddana shaqo la'aana dhabta ah waxa lagu qiyaasaa 18.7%; halka shaqo la'aanta dadbani gaadhayso 45%.
Wax barashada iyo caafimaadka oo ah halbeega ugu muhiimsan ee laga eego fayo qabka iyo horumarka bulshada ayaa iyaguna ah kuwo aad u liita. Tayo ayaan way hooseeyaan, mana soo saari karaan qof dhisan oo wax soo saar leh, helitaankooduna inta badan bulshada wuu ku adagyahay oo ma sugna.
Deegaanka Soomaaliddu waxa uu ka mid yahay deegaanadda isbedelka cimiladu ugu daran yahay. Ugu yaraan lix jeer ayaa abaar aad u darani ku dhacday Soomaalida 25 kii sano ee ugu danbeeyay. Nabaad guurka ciida, xaalufinta dhirta, dabaylo duufaano wata, iyo roob la'aan baahsan ayaa faro baas ku haya Soomaalida. Waxaana laga yaabaa in ay kasii daraan sanadaha soo socda.
Soomaalidu waxay u nugushay afkaarta xagjirta ah, quusta, jar iska xoornimada iyo samir yaraanta. Waa bulsho dhaqankeedu reer guuraa yahay oo sal fudud, wax wada lahaanshaha aan qiimayn, nidaamka keli ah ee bulsho ahaan u dhisani yahay nidaamka bidaa'iga ah ee Qabiilka.
Waxa iswaydiin mudan, bulshada noocaas ah ma bed qabi kartaa, mase ku badbaadi kartaa caalamka maana aynu joogno? Haddii aanay tiro ahaan u dabar go'in, Soomaaliddu waxay halis ugu jirtaa inay dad ahaan iyo jiritaan ahaan u dabar go'do. Xaaladaha foosha xun ee maanta socda ayaa tusaale fiican u ah.
Dr.abdikarin