Puntland Medical Association

Puntland Medical Association Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Puntland Medical Association, Medical and health, Garoowe.

𝐖𝐀𝐂𝐘𝐈𝐆𝐄𝐋𝐈𝐍 𝐂𝐀𝐀𝐅𝐈𝐌𝐀𝐀𝐃: 𝐗𝐀𝐍𝐔𝐔𝐍𝐊𝐀 𝐃𝐄𝐍𝐆𝐔𝐄 𝐅𝐄𝐕𝐄𝐑Ururka Dhakhaatiirta Puntland wuxuu bulshada ku wargelinayaa in muddooyinkii ...
06/06/2026

𝐖𝐀𝐂𝐘𝐈𝐆𝐄𝐋𝐈𝐍 𝐂𝐀𝐀𝐅𝐈𝐌𝐀𝐀𝐃: 𝐗𝐀𝐍𝐔𝐔𝐍𝐊𝐀 𝐃𝐄𝐍𝐆𝐔𝐄 𝐅𝐄𝐕𝐄𝐑

Ururka Dhakhaatiirta Puntland wuxuu bulshada ku wargelinayaa in muddooyinkii u dambeeyay ay soo kordhayeen kiisaska Dengue Fever, gaar ahaan kuwa ku dhaca carruurta.

⚠️ 𝐂𝐚𝐥𝐚𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐡𝐚𝐥𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐚𝐡 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐤𝐚 𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡:
🔹 Qandho
🔹 Calool xanuun daran
🔹 Matag joogto ah
🔹 Dhiig-bax (sanka, cirridka ama meelo kale)
🔹 Daal iyo tabar-darro badan
🔹 Diidmada cuntada iyo cabitaanka
🔹 Gacmaha iyo lugaha oo qabow
🔹 Neefsashada oo ku adkaata

Haddii ilmahaagu yeesho mid ka mid ah calaamadahan, fadlan si degdeg ah ula xiriir xarunta caafimaadka ee kuugu dhow.

✅ 𝐊𝐚 𝐡𝐨𝐫𝐭𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐞𝐧𝐠𝐮𝐞 𝐅𝐞𝐯𝐞𝐫:
• Ka fogow meelaha ay biyuhu fariistaan ee kaneecadu ku taranto.
• Isticmaal maro kaneeco iyo agabka ka hortagga kaneecada.
• Ilaali nadaafadda guriga iyo deegaanka.
𝐊𝐚 𝐡𝐨𝐫𝐭𝐚𝐠𝐮 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐮𝐮 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠𝐬𝐚𝐧 𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐝𝐚𝐚𝐰𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚.

𝐗𝐀𝐅𝐈𝐈𝐒𝐊𝐀 𝐖𝐀𝐑𝐅𝐀𝐀𝐅𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐗𝐈𝐑𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐃𝐇𝐀𝐊𝐇𝐀𝐀𝐓𝐈𝐈𝐑𝐓𝐀 𝐏𝐔𝐍𝐓𝐋𝐀𝐍𝐃 𝐄𝐄 𝐏𝐌𝐀.
Wasaaradda Caafimaadka Puntland

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUNUrurka Dhakhaatiirta Puntland (𝐏𝐌𝐀) wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ...
05/06/2026

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Ururka Dhakhaatiirta Puntland (𝐏𝐌𝐀) wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, asxaabta, bahda caafimaadka iyo shacabka Puntland geerida Alle ha u naxariistee 𝐃𝐫. 𝐂𝐢𝐬𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐚𝐬𝐚𝐧𝐣𝐚𝐫, oo ku geeriyooday magaalada London.

𝐃𝐫. 𝐂𝐢𝐬𝐦𝐚𝐚𝐧 wuxuu ahaa dhakhtar ku takhasusay caafimaadka carruurta (𝐏𝐞𝐝𝐢𝐚𝐭𝐫𝐢𝐜𝐬), kana mid ahaa xirfadlayaashii muddada dheer u adeegayay bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu ka soo shaqeeyay 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 iyo 𝐂𝐚𝐚𝐧𝐨𝐨𝐝 𝐂𝐥𝐢𝐧𝐢𝐜 𝐂𝐞𝐧𝐭𝐞𝐫 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐨𝐨𝐬𝐚𝐚𝐬𝐨, isagoo door weyn ka qaatay daryeelka carruurta iyo adeegyada caafimaadka.

Ururka PMA waxa uu la qaybsanaysaa murugada geeridan qoyskiisa, eheladiisa iyo dhammaan bahda caafimaadka. Alle ha u naxariisto, Janatul Firdowsana haka waraabiyo, ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan haka siiyo. Aamiin.

𝐂𝐢𝐢𝐝 𝐌𝐮𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐤 🌙Ururka Dhakhaatiirta Puntland wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan umadda Soomaaliyeed meel kas...
26/05/2026

𝐂𝐢𝐢𝐝 𝐌𝐮𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐤 🌙

Ururka Dhakhaatiirta Puntland wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabadda barakeysan ee Ciidda.

Waxaan Alle ka baryeynaa inuu ciidan ciideeda nagu gaarsiiyo nabad, caafimaad, barwaaqo iyo kheyr badan.

𝐗𝐀𝐅𝐈𝐈𝐒𝐊𝐀 𝐖𝐀𝐑𝐅𝐀𝐀𝐅𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐗𝐈𝐑𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐃𝐇𝐀𝐊𝐇𝐀𝐀𝐓𝐈𝐈𝐑𝐓𝐀 𝐏𝐔𝐍𝐓𝐋𝐀𝐍𝐃 𝐄𝐄 𝐏𝐌𝐀.

⚠️ 𝐖𝐀𝐂𝐘𝐈𝐆𝐄𝐋𝐈𝐍 𝐂𝐀𝐀𝐅𝐈𝐌𝐀𝐀𝐃 | 𝐄𝐛𝐨𝐥𝐚 𝐕𝐢𝐫𝐮𝐬Ururka Dhakhaatiirta Puntland (𝐏𝐌𝐀) wuxuu bulshada uga digayaa khatarta cudurka Ebo...
21/05/2026

⚠️ 𝐖𝐀𝐂𝐘𝐈𝐆𝐄𝐋𝐈𝐍 𝐂𝐀𝐀𝐅𝐈𝐌𝐀𝐀𝐃 | 𝐄𝐛𝐨𝐥𝐚 𝐕𝐢𝐫𝐮𝐬
Ururka Dhakhaatiirta Puntland (𝐏𝐌𝐀) wuxuu bulshada uga digayaa khatarta cudurka Ebola Virus oo ah xanuun halis ah oo si fudud ugu faafi kara taabashada dheecaannada jirka ee qof qaba cudurka.

𝐂𝐚𝐥𝐚𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐮𝐠𝐮 𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐠𝐚𝐫𝐭𝐨 𝐄𝐛𝐨𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐤𝐚𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡:
• Qandho daran
• Madax xanuun
• Murqo xanuun iyo daal badan
• Cune xanuun
• Matag iyo shuban
• Saxaro ama kaadi dhiig leh
• Dhiigbax meelaha kala duwan ee jirka sida meelaha furan.

Bulshada waxaa looga baahan yahay feejignaan, wacyigelin iyo iskaashi si looga hortago faafitaanka cudurkan.

𝐗𝐀𝐅𝐈𝐈𝐒𝐊𝐀 𝐖𝐀𝐑𝐅𝐀𝐀𝐅𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐗𝐈𝐑𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐃𝐇𝐀𝐊𝐇𝐀𝐀𝐓𝐈𝐈𝐑𝐓𝐀 𝐏𝐔𝐍𝐓𝐋𝐀𝐍𝐃 𝐄𝐄 𝐏𝐌𝐀.

⚠️ 𝐖𝐀𝐂𝐘𝐈𝐆𝐄𝐋𝐈𝐍 𝐂𝐀𝐀𝐅𝐈𝐌𝐀𝐀𝐃 | 𝐄𝐛𝐨𝐥𝐚 𝐕𝐢𝐫𝐮𝐬Ururka Puntland Medical Association )PMA) wuxuu walaac xooggan ka muujinayaa suurta...
20/05/2026

⚠️ 𝐖𝐀𝐂𝐘𝐈𝐆𝐄𝐋𝐈𝐍 𝐂𝐀𝐀𝐅𝐈𝐌𝐀𝐀𝐃 | 𝐄𝐛𝐨𝐥𝐚 𝐕𝐢𝐫𝐮𝐬
Ururka Puntland Medical Association )PMA) wuxuu walaac xooggan ka muujinayaa suurtagalnimada faafitaanka cudurka Ebola Virus, oo laga soo werinayo qaar ka mid ah dalalka gobolka Bariga Afrika.

Sidaas darteed, 𝐏𝐌𝐀 waxay si adag ugu baaqaysaa Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowlad Goboleedyada (Puntland) in ay si degdeg ah u xoojiyaan tallaabooyinka ka hortagga, gaar ahaan:

• Baaritaanka Caafimaad ee garoomada diyaaradaha iyo xuduudaha
• La socod joogto ah oo lagu sameeyo dadka ka imanaya meelaha cudurku ka jiro
• Diyaarinta iyo xoojinta xarumaha gooni-u-karantiilka (isolation centers)
• Qalabaynta iyo helidda PPE-da shaqaalaha caafimaadka
• Kordhinta tababarka iyo u diyaargarowga shaqaalaha caafimaadka
• Wacyigelin bulsho oo ku saabsan calaamadaha iyo ka hortagga Ebola

Haddii cudurkan uu si ballaaran ugu faafo gudaha dalka iyadoo aan loo diyaarsanayn, wuxuu keeni karaa saameyn caafimaad oo aad u daran, maadaama nidaamka caafimaadku weli yahay mid nugul.

𝐂𝐚𝐥𝐚𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐄𝐛𝐨𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐤𝐚𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡:

• Qandho sare
• Daal iyo tabar-darro daran
• Matag iyo shuban
• Dhiig-bax (mararka qaar)
• Xanuun guud oo jirka ah

Ka hortaggu waa difaaca ugu muhiimsan.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland
Ministry of Health- Somalia

𝐗𝐀𝐅𝐈𝐈𝐒𝐊𝐀 𝐖𝐀𝐑𝐅𝐀𝐀𝐅𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐗𝐈𝐑𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐃𝐇𝐀𝐊𝐇𝐀𝐀𝐓𝐈𝐈𝐑𝐓𝐀 𝐏𝐔𝐍𝐓𝐋𝐀𝐍𝐃 𝐄𝐄 𝐏𝐌𝐀.

𝐈𝐧𝐧𝐚𝐚 𝐥𝐢𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 𝐰𝐚 𝐢𝐧𝐧𝐚𝐚 𝐢𝐥𝐚𝐲𝐡𝐢 𝐫𝐚𝐚𝐣𝐢𝐜𝐮𝐮𝐧Ururka Dhakhaatiirta Puntland (PMA) wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii,...
19/05/2026

𝐈𝐧𝐧𝐚𝐚 𝐥𝐢𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 𝐰𝐚 𝐢𝐧𝐧𝐚𝐚 𝐢𝐥𝐚𝐲𝐡𝐢 𝐫𝐚𝐚𝐣𝐢𝐜𝐮𝐮𝐧

Ururka Dhakhaatiirta Puntland (PMA) wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, ehelkii, asxaabtii iyo bahda caafimaadka geerida ku timid 𝐃𝐫. 𝐌𝐮𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐤 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐧𝐮𝐫 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐮𝐝, oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho, Dhakhtarku waxa uu dhawrkii sano ee u dambeeyay la dagaallamayay xanuunka kansarka.

𝐃𝐫. 𝐌𝐮𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐤 waxa uu soo maray marxalado adag oo noloshiisa ah, isagoo la tacaalayay xanuunkan, waxaana Alle uga baryaynaa in uu ugu badalo dambi dhaaf.

Ururku wuxuu Allaah uga baryayaa inuu u naxariisto, dembigiisa dhaafo, kana yeelo kuwa Jannatul Firdaws lagu abaal-mariyo, sidoo kalena uu samir iyo iimaan ka siiyo qoyskiisa iyo ehelkiisa.

Aamiin.

Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka Dhakhaatiirta Puntland, 𝐃𝐫. 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐛𝐝𝐮𝐥𝐤𝐚𝐝𝐢𝐫 𝐇𝐚𝐣𝐢, ayaa ka qayb galay furitaanka Isbuuca...
18/05/2026

Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka Dhakhaatiirta Puntland, 𝐃𝐫. 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐛𝐝𝐮𝐥𝐤𝐚𝐝𝐢𝐫 𝐇𝐚𝐣𝐢, ayaa ka qayb galay furitaanka Isbuuca wacyigelinta Caafimaadka Maanka (𝐌𝐞𝐧𝐭𝐚𝐥 𝐇𝐞𝐚𝐥𝐭𝐡 𝐀𝐰𝐚𝐫𝐞𝐧𝐞𝐬𝐬 𝐖𝐞𝐞𝐤 𝟐𝟎𝟐𝟔).

Munaasabaddan oo ay soo qabanqaabisay Primesom Counselling Services ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray muhiimadda caafimaadka dhimirka, kor u qaadista wacyiga bulshada, iyo dhiirrigelinta in bulshadu ay garab istaagto dadka la nool xanuunada dhimirka.

𝐗𝐀𝐅𝐈𝐈𝐒𝐊𝐀 𝐖𝐀𝐑𝐅𝐀𝐀𝐅𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐗𝐈𝐑𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐃𝐇𝐀𝐊𝐇𝐀𝐀𝐓𝐈𝐈𝐑𝐓𝐀 𝐏𝐔𝐍𝐓𝐋𝐀𝐍𝐃 𝐄𝐄 𝐏𝐌𝐀.

17/05/2026

Kalmadii Guddoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta Puntland 𝐃𝐫 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐫𝐢𝐬𝐚𝐤 𝐀𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐊𝐚𝐥𝐛𝐮𝐧𝐲𝐚𝐧𝐢 ee munaasabadii xilwareejinta Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland.

Guddoomiyaha zone 1, 𝐃𝐫 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐡𝐦𝐚𝐧 𝐀𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐚𝐡𝐢 𝐗𝐮𝐱𝐮𝐥𝐞 ayaa ka qayb galay munaasabada xuska Maalinta Dhiig-karka Aduunka ee...
17/05/2026

Guddoomiyaha zone 1, 𝐃𝐫 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐡𝐦𝐚𝐧 𝐀𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐚𝐡𝐢 𝐗𝐮𝐱𝐮𝐥𝐞 ayaa ka qayb galay munaasabada xuska Maalinta Dhiig-karka Aduunka ee 17-May, Munaasabadan oo ka qabsoontay wasaarada caafimaadka Dawlada Puntland.

Maalintan waxay xasuusin muhiim ah u tahay halista cudurka dhiig karka oo ah cudur inta badan aan lahayn calaamado muuqda, balse saameyn weyn ku leh caafimaadka bulshada, kana mid ah sababaha ugu waaweyn ee keena wadne xanuunka iyo istaroogga.

Ka hortagu waxa uu ka wanaagsan yahay iska daaweynta.

𝐗𝐀𝐅𝐈𝐈𝐒𝐊𝐀 𝐖𝐀𝐑𝐅𝐀𝐀𝐅𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐗𝐈𝐑𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐃𝐇𝐀𝐊𝐇𝐀𝐀𝐓𝐈𝐈𝐑𝐓𝐀 𝐏𝐔𝐍𝐓𝐋𝐀𝐍𝐃 𝐄𝐄 𝐏𝐌𝐀.

Ururka Dhakhaatiirta Puntland waxa uu xusayaa 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐡𝐢𝐢𝐠 𝐊𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐀𝐝𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 )𝐖𝐨𝐫𝐥𝐝 𝐇𝐲𝐩𝐞𝐫𝐭𝐞𝐧𝐬𝐢𝐨𝐧 𝐃𝐚𝐲) – 𝟏𝟕 𝐌𝐚𝐲.Maalintan ...
17/05/2026

Ururka Dhakhaatiirta Puntland waxa uu xusayaa 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐡𝐢𝐢𝐠 𝐊𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐀𝐝𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 )𝐖𝐨𝐫𝐥𝐝 𝐇𝐲𝐩𝐞𝐫𝐭𝐞𝐧𝐬𝐢𝐨𝐧 𝐃𝐚𝐲) – 𝟏𝟕 𝐌𝐚𝐲.

Maalintan waxay xasuusin muhiim ah u tahay halista cudurka dhiig karka oo ah cudur inta badan aan lahayn calaamado muuqda, balse saameyn weyn ku leh caafimaadka bulshada, kana mid ah sababaha ugu waaweyn ee keena wadne xanuunka iyo istaroogga.

Ururka Dhakhaatiirta Puntland wuxuu ugu baaqayaa dhammaan bulshada:

• In la kordhiyo wacyigelinta iyo fahamka cudurka dhiig karka
• In si joogto ah loo cabbiro dhiig karka
• In la qaato nolol caafimaad leh oo ay ka mid yihiin cunto dheellitiran iyo jimicsi joogto ah
• In la yareeyo isticmaalka cusbada iyo walbahaarka
• In la raadsado talo caafimaad oo xirfad leh

Waxaan aaminsanahay in ka hortag, ogaansho h**e, iyo xakameyn joogto ah ay yihiin furaha lagu yareyn karo saameynta cudurkan.

𝐗𝐀𝐅𝐈𝐈𝐒𝐊𝐀 𝐖𝐀𝐑𝐅𝐀𝐀𝐅𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐗𝐈𝐑𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐃𝐇𝐀𝐊𝐇𝐀𝐀𝐓𝐈𝐈𝐑𝐓𝐀 𝐏𝐔𝐍𝐓𝐋𝐀𝐍𝐃 𝐄𝐄 𝐏𝐌𝐀.

Address

Garoowe
4747

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Puntland Medical Association posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share