14/11/2023
Warbixin kooban oo ku saabsan Xumada (Dengue fever)
Dengue (xummadda) waa caabuq fayras ah kaas oo ay gudbiso kaneecada una gudbisa dadka. Waxay aad ugu badan tahay cimilada kulaylaha ee dhulalka ku hareeraysan dhulbadhaha.
Inta badan dadka uu ku dhaco dengue Waxay yeeshaan calaamadahan ugu caansan oo ah qandho badan, madax-xanuun, jidh xanuun, lallabbo iyo finan yaryar. Dadka qaarkood waxaa ku dhaca (dengue fever) daran waxayna u baahdaan daryeel Cisbitaal.
Waxaad hoos u dhigi kartaa halista dengue adiga oo iska ilaalinaya qaniinyada kaneecada gaar ahaan waqtiga maalintii.
Astaamaha
Inta badan dadka qaba dengue waxay leeyihiin calaamado fudud ama ma laha wax calaamado ah waxayna kaga kabsan karaan muddo 1-2 toddobaad gudahood. Marar dhif ah, dengue wuxuu noqon karaa mid daran wuxuuna keeni karaa dhimasho.
Calaamadaha Waxaa ka mid noqon kara:
Xumad sare (40°C/104°F)
Madax xanuun daran
Xanuun indhaha gudahooda ah
Muruqyo iyo kalagoysyo xanuun
Yalaalugo ama Lalabo
Matag
qanjidhada oo barara.
Finan yaryar
Shakhsiyaadka uu ku dhacay mar labaad waxay halis weyn ugu jiraan dengue daran.
Calaamadaha dengue ee daran waxay badanaa yimaadaan ka dib marka ay qandhadu tagto (Jabto):
Calool xanuun daran
Matag joogto ah
Neefsashada oo adkaata
cirridka ama sanka oo dhiig sameeya
daal
degenaansho la'aan
dhiig matag ama saxaro soo raaca
harraad daran
maqaarka oo isbedela
Daaweyntiisa
Inta badan kiisaska qandhada dengue waxaa lagu daweyn karaa guriga iyadoo la isticmaalayo Xanuun baabiye. Ka hortagga qaniinyada kaneecada ayaa ah habka ugu wanaagsan ee looga fogaado in uu ku dhaco cudurka Dengue.
Ma jirto daaweyn gaar ah oo loogu talagalay dengue. Waxaa xooga la saarayaa daaweynta calaamadaha xanuunka.
Acetaminophen (paracetamol) ayaa badanaa loo isticmaalaa si loo xakameeyo xanuunka. Daawooyinka sida ibuprofen iyo aspirin lama ogola in bulaanka dengue la siiyo sababtoo ah waxay kordhin karaan halista dhiigbaxa.
Copyright: https://www.who.int/news-room/fact-sheets/detail/dengue-and-severe-dengue