12/04/2026
Xaaladaha hawlgabka kelyahu- maanta ma aha arrin ku kooban dad gaar ah; waa xaalad caafimaad oo qof walba ku dhici karta marka kelyuhu hawlgab noqdaan. Waxaa muhiim ah in laga gudbo aragtida ah “waa cudur dad gaar ah saameeya” loona arko xaalad qaran oo u baahan qorshe istiraatiiji ah (national plan).
Marka h**e, xaqiiqadu waa in tirada dadka u baahan maaraynta dhibaatooyinka ka dhasha hawlgabka kelyaha sida dialysiska iyo kidney transplantationku ay si tartiib ah u kordhayso—taasoo ka imanaysa kororka cudurrada sida sonkorowga, dhiig-karka, iyo infekshannada aan si fiican loo maamulin. Qof kasta—ha noqdo dhalinyaro, qof shaqeeya, ama waayeel—wuxuu halis ugu jiraa inuu mar uun la kulmo kelyaha oo shaqada joojiya. Taasi waxay dhaqista kelyaha ka dhigaysaa baahi guud, ma aha adeeg gaar ah.
Marka labaad, haddii aynu eegno diyaar-garowga waddanka, waxaa muuqata in aanu wali jirin nidaam isku xiran oo daboolaya:
helitaanka xarumo dialysis oo ku filan ama taageero dhaqaale,
shaqaale tababaran (nephrologists, dialysis nurses)
iyo nidaam dabagal iyo ka hortag cudur
Xaqiiqda murugada leh waa in bukaan badan ay ku khasbanaadaan inay safraan ama iska bixiyaan kharash aad u culus si ay u helaan adeegga, halka qaar kalena aysanba helin fursadaas.
Sidaas darteed, waxaa lama huraan ah in la sameeyo “National Strategic plan” oo ay ka mid yihiin:
In la dhiso xarumo dialysis oo gobol kasta ah si adeeggu u noqdo mid la heli karo
In la sameeyo nidaam caymis ama kabid dowladeed si qof walba u heli karo daaweyn
In la xoojiyo ka hortagga (early screening) si loo yareeyo dadka gaaraya heer dialysis
In la tababaro xirfadlayaal caafimaad oo ku filan
In la sameeyo registry qaran oo lagu diiwaan geliyo bukaannada kelyaha.
Ugu dambayn, dialysis ma aha oo kaliya arrin caafimaad—waa arrin bulsho iyo dhaqaale saameyn weyn leh. Qorshe qaran la’aantiis, kharashka iyo culayska wuxuu saaran yahay qofka iyo qoyskiisa. Laakiin haddii si nidaamsan loo wajaho, waxaa suurtagal ah in nolosha bukaannada la badbaadiyo, lana yareeyo culayska guud ee bulshada.
Farriinta ugu weyn waa: xaaladdan qof walba way ku dhici kartaa, balse diyaar-garowga waddanku weli ma gaadhsiisna heerka baahida—waana sababta ay muhiim u tahay in arrintan laga dhigo mudnaan qaran.