Dr. Nuuradiin Dr.Garaad

Dr. Nuuradiin Dr.Garaad MBCHB| Mmed | Peads specialist, (Stell, SA)
Dakhtarka carruurta iyo dhalaanka

Daa’if Pediatrics Clinic, koonaha Bari ee City Center|📞521559 |

Inkastoonay gabi ahaanba xanuunka oo dhan ka bi’inayn ilmaha yar, se haddii aad ka welwelsan tahay xanuunka irbadda tall...
07/06/2026

Inkastoonay gabi ahaanba xanuunka oo dhan ka bi’inayn ilmaha yar, se haddii aad ka welwelsan tahay xanuunka irbadda tallaalka, waxa jira dhiiqo (lignocaine cream/gel) oo la mariyo meesha tallaalka laga siinayo ilmaha yar, sida bawdada, 30–60 daqiiqo ka hor. Waxay ka yaraynaysaa xanuunka badan ee uu dareemayo ilmuhu. Siiba kan weliba labada bawdo laga siiyo ilamaha ayaa ugu yar xanuun kulul.

Sida caadiga ah, ka iibso meel la hubo. Ka saar meel sare oo aanay carruurtu gaadhi karin si aanay u cunin, kana taxaddar.

Waxa jirta mid kale oo la yidhaa (EMLA), se waxaan u malaynayaa in aanay waddanka oolin taasi.

07/06/2026

Haddii aad rabto inaad inantaada yar dhagaha u soo dalooliso, waxa jira dhawr arrimood oo waalidku ay wacantahay inay sii ogaadaan: Waxa ka mid ah goormaa dhagaha loo dalooliyaa? Sidee loo dalooliyaa? Ma xanuun bay dareemaysaa ilmahayga yari marka dhagaha loo daloolinayo?

1. Xilliga ugu habboon ee dhagaha loo dalooliyo waa marka ilmuhu gaadho ugu yaraan 6 bilood. Haddii la dedejinayo, waxa laga dhigi karaa markuu gaadho 4 bilood, gaar ahaan marka uu dhammeysto tallaallada h**e ee ay ku jirto "teetanadu" ee la idhaa DPT

2. Ka hor intaanad dhagaha u daloolin, waxaa jira cream ama dhiiqo ka yaranaysa xanuunka ilmaha. Waxaan inta badan kula taliyaa waalidiinta inay isticmaalaan dawadan yar. Dhiiqadan sidoo kale waxaa loo isticmaali karaa carruurta xiliga tallaalka si xanuunku uga yaraado. Waxaa la mariyaa 45 daqiiqo ilaa 1 saac ka hor intaanad daloolin

3. U gee ilmaha qof haysta qalab nadiif ah. Cid kasta ha ka dalooshan hadii kale adigaa raadsaday caabuq iyo dhibaato.

4. Dooro dhago ka samaysan silver ama dahab. Iska ilaali kuwa ka samaysan nickel, waxay sababi karaan xasaasiyad iyo cuncun fara badan kuwaasi.

5. Ha u xidhin dhagaha laalaada oo kale. Waxay qabsan karaan dharka, timaha ilmaha, ama ilmuhu isagaa isku faruuri kara

6. Kadib marka loo soo dalooliyo ilmaha, waalidiin badan waxaan kula taliyaa inay isticmaalaan dhiiqo ama kiriim ka hortaga caabuqa ilaa 5 cisho.

7. Ka eeg calaamadaha caabuqa kolba, sida: barar, casaan ama dheecaan sida malax doo kale ah

8. Marka la dalooliyo, ha ka saarsaarin kolba dhagaha xiise awgeed, u daa meeshooda ugu yaraan 6 toddobaad, si daloolku si fiican ugu bogsado.

06/06/2026

Kalsoonida ay bukaannadu ku qabaan dhakhtarka waa mid aad u muhiim ah. Waa tiirka ugu weyn ee xidhiidhka bukaanka iyo dhakhtarka u dhaxeeya, waana lama huraan in dhakhtarku mar kasta ilaaliyo oo aanu lumin kalsoonidaas uu bukaanku kugu qabo. Marka kalsooni jirto, waxaa fududaata wada-shaqaynta iyo raacidda talooyinka caafimaad.

06/06/2026

Xannuunkan la idhaa "Dengue" ee beryhan inaga ina bartay, keligeen maaha adduunka markaad eegto wuxuu si aad ah u saameeyaa dalalka kuleylaha ah iyo kuwa roobabku ku badan yihiin, gaar ahaan Brazil, Argentina, Colombia, Mexico, Peru, Paraguay, India, Bangladesh, Indonesia, Philippines, Thailand, Vietnam, Sri Lanka, Pakistan, iyo waddamo badan oo Latin America iyo Asia ah. WHO waxay sheegtay in xanuunkan dengue uu ku fidayo meelo kale oo cusub weliba, waxaanu 2024 si gaara uga dillaacay qaaradaa Ameerika, halkaas oo kiisasku gaadheen in ka badan 13 milyan, taas oo ahayd tiradii ugu badnayd ee goboladaas laga diiwaangeliyo. PAHO (Ururka Caafimaadka ee Qaaradda Ameerika) waxay sidoo kale sheegtay in afar nooc oo xanuunkan dengue ga ah ay isku mar ka dilaaceen qaar ka mid ah dalalka Americas, taas oo kordhisay halista ah inuu xanuunkani noqdo mid daran.

Dalalka ugu saameynta badan waxay xanuunkan ula macaamilaan dhowr hab: ka warhayn xooggan, digniin degdeg ah oo marka kiisasku kordhaan ay markaba ogaysiiyaan bulshada si ay uga gaashaantaan, nadiifinta meelaha biyuhu fadhiistaan, buufinta kaneecada marka uu xanuunku dilaaco, wacyigelin bulsho oo joogto ah, tababar shaqaalaha caafimaadka, iyo diyaarin cusbitaalo si ay u daaweeyaan bukaannada uu xanuunku soo rito.

Tusaale aaan Brazil iyo dalalka qaarada Ameerika ku yaala waxay sheegeen in xanuunkan aan lagu xakamayn karin kaliya buufinta kaneecada; waxaa loo baahan yahay qorshe joogto ah oo isku jira sida aynu kor ku soo sheegnay oo kale. PAHO (Ururka Caafimaadka ee Qaaradda Ameerika) waxay si gaar ah ugu baaqday dalalkaas inay xoojiyaan ka war haynta xanuunka oo aanay marka xeedho iyo fandhaal kala dhacaan aanay iska baraarugin sideena oo kale.

Soomaalilaan ahaan maxaynu ka baran karnaa? Sannad kasta ma waxaynu dib u samaynaa wixii aynu hadda samaynayno ee aan wax badan soo kordhinayn, mise waxaynu u baahan nahay qorshe intan ka ballaadhan?

Markay ugu yartahay waa inaynu fahano meelaha cudurku ku badan yahay iyo xilliyada uu soo laba kacleeyo si tallaabooyinka ka hortagga ah loo qaado ka hor inta aanu cudurku faafin!

03/06/2026

Sidee iskuulladu uga qayb qaadan karaan ka hortagga iyo xakamaynta Dengue?

Dagaalka lagula jiro kaneeca gudbisa xannuunkan "Dengue Fever" waa muhiim meelaha xooga la saaro inay ku jiraan iskuulladu, maadaama carruur badan maalin kasta isugu yimaadaan. Haddii kaneecada Dengue-ga gudbisaa ku taranto meelaha iskuulkada dhexdooda, cudurku si fudud ayuu ugu faafi karaa ardayda iyo qoysaskooda. Tallada ugu wanaagsan waa in toddobaad kasta la baadho goobaha biyuhu fadhiisan karaan oo ay kaneecadu ku tarmi karto si loo cidhib tiro.

1. Ardayda: Waa inay bartaan kana qayb qaataan nadaafadda iyo inay ka ilaaliyaan in meelo biyo fadhiistaan.
2. Macallimiinta: Waa inay wacyigeliyaan ardayda oo kormeeraan goobaha kaneecadu ku tarami karto.
3. Maamulka iskuulka: Waa inay magacaabaan qof mas'uul ka noqda hawlaha ka hortagga xanuunkan.
4. Wasaaradda Caafimaadka iyo hay'adaha kale: Waa inay taageeraan iskuullada oo bixiyaan wacyigelin iyo dabagal joogto ah

02/06/2026

Mudadii bisha u dambeysay, waxaan xaruntan DAA'IF aan ku arkay 20 carruur ah oo yeeshay jooniska weliba Nooca A loo yaqaano (Hepatitis A). Tiradani waxay ka badan tahay tii beryihii h**e la arki jiray marka la is barbar dhigo, waxaana macquul ah inay xannunkani uu carruurta ku dhex fidayo. Waxa muhiim ah in la xoojiyo xakamaynta iyo la socodka cudurkan, wacyigelinta bulshada, dhiirrigelinta nadaafadda gacmaha iyo maydhidoodaba.

Fariinta ugu haboon ee loo gudbin karo bulshada waxay noqonaysaa:

Jooniskan nooca la idhaahdo A oo aynu inagu u naqaano "JOONIS CASKA" badanaa wuxuu ku faafaa cunto ama biyo wasakhaysan iyo nadaafad-xumo, gaar ahaan marka aan weliba faraha si wanaagsan loo maydhin. Qoysku waa inuuku dadaalaa fara dhiqidda iyagoo carruurtu isticmaalaya saabuun iyo biyo nadiif ah, cabitaanka biyo nadiifa, hagaajinta nadaafadda musqulaha weliba kuwa dugsiyada iyo malcaamadaha, iyo ka fogaanshaha cuntooyinka aan nadiifta ahayn. Waalidku waa inay si degdeg ah u geeyaan goob caafimaad haddii ilmuha indhihiisu ay noqdaa huruud, kaadidiisu isku badasho madow oo kale, matag, calool-xanuun, ama daal aan caadi ahayn.

01/06/2026

Marka xanuunkan Dengue Fever/ Chikinguya oo aynu bulsho ahaan u naqaano xummad/kuduudiye dillaacaan waxa wanaagsan qof kastaaba inuu dhinac feejignaan kaga jiro. Qof kasta masuuliyad gaara ayaa saaran!

1. Qof ahaan:
– Iska ilaali qaniinyada kaneecada.
– Xidho dhar gacmo dheer leh gaar ahaan subaxa h**e ee waabariga iyo wixii casar ka danbeeya.
– Ku seexo maro kaneeco.
– Haddii xummad kugu dhacdo, si degdeg ah u tag goob caafimaad oo la isku halayn karo.
– Ka fogow dawooyinka sida aspirin iyo diclofenac haddii xanuunkan dengue laga shakiyo

2. Qoys ahaan:
– Ka ilaali in biyo fadhiistaan guriga dhexdiisa
– Meelaha aad biyaha ku kaydsato sida taangiyada iyo foostooyinka waa inaad dabooshaa mar kasta
– Guriga ka buufiya kaneecada iyo weliba haday beer leedahay xaafadu gudaha ah oo yar

3. Jaararka Isku Dhow:
– Si wada jir ah u buufiya meelaha dhirta leh
– Ha ogolaalina in meelaha agtiina biyo fadhiistaan
– Iska war haya oo ka aan xarun caafimaad tagi karayn caawiya

4. Iskuullada:
– Wacyigelin joogto ah oo ardayda iyo macallimiinta la siiyo.
– Ka saarista biyaha fadhiya gudaha iyo hareeraha iskuulka.
– Waalidiinta lala wadaago fariimaha caafimaadka si joogto ah

5. Dhakhaatiirta, Shaqaalaha Caafimaadka iyo isbitaalada:
– La fahansiiyo bulshada wuxuu xannuunkani yahay si waafi ah
– Wacyigelinta bulshada si joogto ah
– Diyaarinta sariiro iyo adeegyo ku filan.
– Dejinta habraacyo mideysan oo lagu maareeyo xannuukan dillacay
– La socodka tirada bukaannada iyo heerka dhimashada.

6. Wasaaradda Caafimaadka:
– Wacyigelin qaran oo joogto ah.
– Buufinta kaneecada iyo xakamaynta tarankeeda heer qaran
– Samaynta nidaam xog ururin iyo kolba heerka uu xannuunku marayo
– Isku dubbaridka dawladaha hoose, isbitaallada, warbaahinta iyo hay'adaha taageera caafimaadka qaranka.

31/05/2026

Caanaha aad ilmaha yar u qastay ee aad musaasada ku siisay, haddii ay wax ka hadhaan, waa mamnuuc inaad dib u siiso marka ay ka badan yihiin laba saacadood. Intaa haddii aanad fahmin, dib u akhri fadlan!

Caanaha intaa ka badan la daayo waxa ku dhalan kara bakteeriyo iyo jeermisyo waxyeello u gaysan kara ilmaa oo xanuuno keeni kara. Daadi wixii hadhay, musaasadana si fiican u maydh oo u nadiifi. Ha dhayalsan arrintan intay hurdadu kuu macaanaato habeenkii!

Eid Mubaarak.Caafimaad, barwaaqo iyo bash-bash kula iida qoysaskiinna dhammaantiin ayaan idiin leenahay aniga iyo shaqaa...
26/05/2026

Eid Mubaarak.

Caafimaad, barwaaqo iyo bash-bash kula iida qoysaskiinna dhammaantiin ayaan idiin leenahay aniga iyo shaqaalaha Daa’if-ba.

Illaahay sanadkan kiisa ha innagu gaadhsiiyo caafimaad qab, farxad iyo cibaado suuban.

Shaqada waxaan dib isugu soo noqon doonaa maalinta Sabtida, idam Alle.

25/05/2026

Wasaarada caafimaadku way wacnaan lahayd inay samayso olole nadaafadeed oo toddobaadle ah sida tii Dawlada Hoose oo kale: qashinka ha la qaado, biyaha fadhiya ha la dhaafiyo meeshay fadhiyaan, dhirta iyo cawska aan faa’iidada lahayn ee kaneecadu ku dhuuman karto ha la jaro ama ha la gubo! Si aan kaneecadu ugu tarmin.

Sidoo kale, xaafaduhu waa inay si hufan u buufiyaan kaneecada, gaar ahaan xiligan oo kale oo la arkayo xaalado u badan dengue-Fever. Buufintaasi waa inay noqotaa mid ay sameeyaan dad yaqaana hawshaas, iyadoo laga ilaalinayo carruurta, dadka xiiqda qaba, cuntada, iyo biyaha la cabbo.

Address

Hargeisa

Telephone

+252634426081

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr. Nuuradiin Dr.Garaad posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Dr. Nuuradiin Dr.Garaad:

Share