Sh Mahdi

Sh Mahdi barashada diinta islamka

30/06/2021

Qisooyin cajiiba sh xuseen Ali

Qisooyin cajiib ah
24/06/2021

Qisooyin cajiib ah

Markisu cilaaju diin
16/06/2021

Markisu cilaaju diin

24/03/2021

Islam is the only religion of God
accepting doomsday
religious people
I would remind others to examine the true religion
I urge Muslims to share the Islamic world
Thank God

(Sida Soonku Ku Ansaxo)1 Ramadan Soonku waa mid ka mid ah 5-ta tiir ee Islaamka, waana tiirka 4-aad, waxaana Muslimiinta...
16/02/2021

(Sida Soonku Ku Ansaxo)

1 Ramadan

Soonku waa mid ka mid ah 5-ta tiir ee Islaamka, waana tiirka 4-aad, waxaana Muslimiinta soonka lagu waajibiyey sandkii 2-aad ee Hijiriyada, qofkii soonka inkirana diinta ayuu ka baxyaa.

Soonku wuxuu leeyahay tiirar haddii la waayo uusan ansaxeyn, sidii kale wuxuu leeyahay shuruud iyo waajibaad iyagana haddii la waayo uusan soonku ansax noqoneyn.



Tiirarka Soonka

1- Niyadda: Qofka Muslimka ah ee soomaya waxaa laga rabaa inuu soonka niyeysto inta aaney dhalan salaadda subax, oo uu niyadda intii habeenimo gashado inuu berri soomayo, haddii kale soankaasi ansax maaha, welib maalintaas waxna ma cuni karo.



Haddii qofku tusaale ahaan uusan habeenkii ku seexan inuu soomayo ee berri arko dadkii oo soomaan, halkaas kalama ambaqaadi karayo, waxaana waajib ku ah inuusan waxna cunin, waxna cabin, kana tago dhamaan waxyaabaha soonka mamnuuca ka ahaa, dibna kasoo qaleeyo maalintaas.



Rasuulka Sallallaahu Caleyhi Wasallama waxaa laga weriyey inuu yiri “Qofkii aan niyadda la imaanin ka hor fajarka salaada subax wax soon ah ma hayo”.



2- Ka fogaanshaha waxyaabaha lagu afuro: Qofka sooman waxaa waajib ku ah inuu ka fogaado dhamaan waxyaabaha soonka burriya ama fasahaadiya sida: cunto, cabitaan iyo la kulanka xaaska ama ninka.



Waxyaabahaas maalinta lagaa mamnuucay waxaa Alle kuu baneeyey habeenkii, marka waa in laga fogaado inta maalintu jirto.



Shuruudaha Soonka

Soonku wuxuu waajibayaa haddii qofka laga helo shruudaha soo socda:

1- In qofka soomaya yahay Muslim, oo gaal soon kuma waajibayo mana ka ansaxayo.

2- Inuu yahay qof qaangaar ah, oo soonkii kuma waajibayo carruurta.

3- Inuu yahay qof caaqli leh oo waxgaranaya, oo soonku kuma waajibayo qof waalan.

4- Inuu yahay qof awooda soonka, oo soonkii kuma waajibayo qof xanuunsanaya oo xanuunkaasi gaaray inuu qofkii soonka awoodi kari waayo.

5- Inuu qofku yahay qof aan safar ku jirin, ee soonku kuma waajibayo qof musaafir ah.

6- In haweeneydu tahay daahir, oo soonkii kuma waajibayo haweeney qabta dhiig caado ama dhiiga dhalmada. Soonku xitaa waa ka xaaraan mana ka ansaxayo.



Sh / Mahdi

Bogga h**e/Qeybaha/Salaadda Muslimka/Sida loo tukado salaaddaSIDA LOO TUKADO SALAADDANiyadaNiyadu waa u  shardi ansaxa s...
11/02/2021

Bogga h**e/Qeybaha/Salaadda Muslimka/Sida loo tukado salaadda
SIDA LOO TUKADO SALAADDA

Niyada
Niyadu waa u shardi ansaxa salaadda, macnaha waa inuu qofku ugu qasdo qalbigiisa inuu ugu cibaadeysto Allaah salaadda, isagoo ogsoon inay tahay salaad maqrib tusaale ahaan ama cishe, mana aha sharci inuu qofku ku dhawaaqo niyada oo carrabaabo bal waa qasad qalbiga ah iyo maanka waxa la doonayo, ku dhawaaqidda niyadana ma ka sugnaan Nabiga  iyo asxaabtiisa sharafta badan.

Qofku waa inuu isagoo u taagan salaadda yiraahdo:
Allaahu Akbar, isagoo marka uu takbiiranayo kor u qaadayo labadiisa gacmood oo geynaya abbaarta garabkiisa ama in yar ka sare mariyo isagoo ka yeelaya sacabbada gacantiisa xagga qiblada.
Ma ansaxeyso in lagu takbiirsadso waxaan ahayn weedha (Allaahu Akbar), macnaheeduna waa weyneyn iyo ammaanid Allaah, Haddaba Allaah baa ka weyn wax walba oo ka soo hara, oo ka weyn adduunka iyo wax kastoo yaal oo leh waxaalaha la jeclaado iyo macmacaannada nolosha, marka waa inaynu ku tuurno waxaasi oo idil oo raaxo ah dhinac, oo aan ku qaabilno Allaah Weynaha Sarreeya salaadda qalbiyadeenna iyo cuquusheenna oo jooga oo Hogan.

Wuxuu saarayaa takbiiradaa kaddib gacantiisa midig tiise bidix oo wada saarayaa laabtiisa, wuxuuna yeelayaa sidaa mar waliba uu taagan yahay.
Wuxuu oranayaa ducada lagu furto salaadda ajar badsi darteed waajibse ma aha, sida ducadan: Subxaanakallaahumma wabixmadik watabaaraka ismuka watacaala jadduk, walaa ilaaha ghayruk).
Wuxu oranayaa: Acuudu Billaahi Minash-shaydaanir Rajjiim, waana magan gal, macnaheeduna waxaa weeye waxaan magan galayaa oo isku dhowrayaa Allaah xagga sharka shaydaanka.
Wuxuu oranayaa: “Bismillaahir Raxmaanir Raxiim. Macnaha bisinka waxaa weeye, waxaan ku furan oo billaaban camalkan anigoo kaalmeysan oo barakeysan Magaca Allaah.
Wuxuu akhrinayaa Suuradda Al-Faatixah, Faatixaduna waa Suuradda ugu weyn Kitaabka Ilaahay.
Wuxuu Allaah ugu nicmeeyey Rasuulkiisa soo dejinteeda, oo wuxuu yiri:
(وَلَقَدْ آتَيْنَاكَ سَبْعًا مِنَ الْمَثَانِي وَالْقُرْآنَ الْعَظِيمَ) (الحجر: 87).
“Oo Waxaanu xaqiiq ku siinnay toddobo ah (Aayadaha in badan) lagu soo celceliyo iyo Qur’aanka Weyn”. (Al-Xijar: 87)
Toddobada lagu soo celceliyo akhrintoodana waa Faatixada, waxaana loogu bxiyey magacaa waayo waa toddobo Aayadood ay ku celceliyaan akhrintooda dadka dhowr jeer maalin walba.
Waa inuu barto qofka Muslimka ah Faatixada waayo barashadeeda waa tiir ka mid ah tiirarka Salaadda qofka tukanaya keligi ama ma’muum ah salaadaha uusan iimaamku kor u qaadin akhrinta.
Waxaa u bannaan kaddib akhrinta Faatixada ama dhageysigeeda markuu kor u akhrinayo Iimaamka inuu yiraahdo dhammaadkeeda (Aamiin), macnaheeduna waxaa weeye: Allow aqbal.
Wuxuu akhrinayaa kaddib Faatixada labada rakcadood h**e suurad kale ama Aayado ka mid ah suurad, ha yeeshee rakcadda seddexaad iyo afaraad wuxuu ku gaabsan akhrinta Faatixada oo Keliya.
Akhrinta Faatixada iyo akhrinta waxa ka dambeeya kor baa loo akhrin salaadaha Fajarka iyo Maqribka iyo Cishaha, waxaana loo akhrin si hoose oo sir ah salaadaha Duhurka iyo Casarka.
Adkaarta kale se ee salaadda waxaa loo oranayaa si hoose oo sir ah.

Kaddib wuxuu ku dhawaaqayaa takbiir (oranayaa Allaahu akbar) isagoo kor u qaadaya labadiisa gacmood ilaa garbahiisa ama ka kor wax yar isagoo caloosha sacabbadiisa ka yeelaya jihada qiblada sida uu falay takbiiradii h**e.
Wuu rukuucayaa isagoo soo godaya dhabarkiisa u jeeda dhanka qiblada, waxayna ahaanayaan dhabarkiisa iyo madaxiisa kuwo siman, wuxuuna saarayaa gacmahiisa labadiisa jilbood, isagoo oranaya: “Subxaana Rabbiyal cadiim”, waxaana ajar badan in lagu celceliyo tasbiixda seddex jeer, rukuucuna waa weyneyn iyo sharfid Allaah Kor ahaaye.
Macnaha “Subxaana Rabbiyal Cadiim” waxaa weeye waxaan ka hufayaa Allaah ee weyn oo ka tiri dhammaan ceebo iyo nuqsaanno, waxaan oranayaa anigoo rukuucsan soo gudan u Hoggaansan Allaah Kor ahaaye.

Wuxuu ka soo kacayaa rukuuca isagoo qummaati u istaagaya isagoo
kor u soo qaadaya labadiisa gacmood abbaarta garbahiisa iyagoo sacabbadiisa ay u jeedaan xagga qiblada sidii kal h**e isagoo oranaya (Samicallaahu liman xamidah) hadduu iimaam yahay ama keli ahaan tukanayo, haddana waxay oranayaan dhammaantood: (Rabbanaa walakal xamd), waxaana ajar badan inuu yiraahdo intaasi kaddib: (..Xamdan kathiiran dayyiban mubaarakan fiih, mil’as samaa’I wal mil’a ardi wamil’a maa shi’ita min shay’in bacdu).

Wuxuu hoos ugu dhaadhici intaas kaddib dhulka isagoo takbiiranaya oo
ku sujuudaya toddobada xubnood, oo ah foolka uu sanka ku jiro, labada gacmood, labada jilbood, labada cagood, waxaana ajar badan inuu ka kala fogeeyo labadiisa gacmood labadiisa dhinacyadood, oo ka fogeeyo caloosha labadiisa bowdyood, oo ka fogeeyo labadiisa bowdyood labadiisa lugood marka uu sujuudsan yahay, oo ka qaado labadiisa dhudhumood arlada.

Wuxuuna oranayaa marka uu sujuudsan yahay: (Subxaana Rabbiyal Aclaa, waxaana ajar badan inuu ku celceliyo seddex jeer.
Macnaha (Subxaana Rabbiyal Aclaa) waxaa weeye waxaan ka hufayaa Allaah ee Sarreyso weynidiisu iyo awooddiisu ee sarreeya ka ka hor ah samooyinkiisa dhammaan nuqsaanno iyo ceebo, waxaana ku jira baraarujun qofka sujuudsan ee ku dheggan arlada hogasho ahaan iyo is dulleyn, inuu xusuusto farqiga u dhexeeya isaga iyo Abuurahi Sarreeya, markaasuu isu dhiibaa Rabbigi oo u hogtaa gacalki u gargaara.

Sujuuddana waa meelaha ugu waaweyn ee lagu baryo Allaah Cazza Wajalla, markaasuuuu ka baryaa Muslimka kaddib Alle xuska waajibka ah wuxuu doono oo ka mid ah kheyrka adduunyada iyo Aakhirada. Nabigu  wuxuu yiri: (Wuxuu ugu dhowaansho badan yahay addoonka Rabbigi marka uu sujuudsan yahay, ee badiya Alle bariga” (Muslim 482)

Kaddib wuxuu oranayaa:
(Allaahu Akbar), oo fariisanayaa labada sujuud dhexdood, waxaana ajar badan inuu ku fariisto lugtiisa bidix oo qotonsho midigta, oo saaro gacmahiisa horraanka bowdyahiisa ee ka xiga labada jilbood.

Dhammaan fadhiyada salaadda waxaa ajar badan in loo fariisto sidaasi, marka laga reebo at-tixiyaadka dambe, waxaa wanaagsan inuu qotonsho midigta sidoo kale, laakiinse uu ka soo saaro bidixda hoosteeda iyo sal fadhigiisa arlada dusheeda.
Wuxuu oranayaa inta uu fadhiyo labada sujuud dhexdood: (Rabbiq fir lii) oo macnaheedu yahay Allow ii dambi dhaaf, waxaana ajar badan inuu ku celceliyo seddex jeer.
Markaas buu sujuudayaa mar labaad sida sujuuddii h**e.
Kaddib wuxuu ka kacayaa sujuudda labaad isagoo qummaati u istaagaya isagoo leh (Allaahu Akbar)
Wuxuu u tukanayaa rakcadda labaad sida midda h**e oo kale.
Kaddib sujuuddiisa labaad ee rakcadda labaad wuxuuna u fariisanayaa tashahudka labaad isagoo oranaya
(At-Tixiyaatu Lillaah was-Salaawatu Wad-Dayyibaatu, As-Salaamu Caleyka Ayyuhan Nabiyyu waraxmatullaahi wabarakaatuh, as-Salaamu caleynaa wacalaa cibaadillaahis saalixiina, ash-hadu an laa ilaha illal laah, wa ash-hadu anna Muxammadan cabduhu warasuuluh).

Kaddib wuxuu u istaagayaa inta ka dhiman salaaddiisa hadday
salaaddu ka kooban tahay seddex rakcadood ama afar rakcadood, wuxuuse ku gaabsanayaa akhrinta rakcadda seddexaad iyo afaraad Faatixada oo keliya.

Haddiise ay salaaddu ka kooban tahay labo rakcadood sida Fajarka, markaasuu wuxuu la imanayaa tashahudka dambe sida aan hoos ku xusi doonno.

Markaasuu rakcadda dambe kaddib sujuudda labaad u fariisanayaa tashahudka dambe, waana sida tashahudka h**e oo lagu daray ku sallinta N
abiga sida soo socota ah:
(Allaahumma salli calaa Muxammad wacalaa Aali Muxammad kamaa sallayta calaa Ibraahiima wacalaa Aali Ibraahiima innaka Xamiidum Majiid, wa baarik calaa Muxammadin wacaa Aali Muxammad kamaa Baarakata calaa Ibraahiima wacalaa Aali Ibraahiim Innaka Xamiidum Majiid

Waxaana ajar badan leh oo sii fiican inuu yiraahdo intaa kaddib:
(Acuudu Billaahi min Cadaabi Jahannama, wa min cadaabil Qabri, wa minfitnatil Maxyaa walmamaat, wa min fitnatil Masiixid Dajjaal) iyo inuu ku duceysto wuxuu jeclaado.
Kaddib wuxuu u jeedsan xagga dhinaca midig isagoo leh:
(As-Salaamu Calaykum Waraxmatullaah) misna xagga dhinaca bidixda isagoo oranaya intaasoo kale.
Salaantaa buuna qofka Muslimka kaga baxayaa salaaddiisa sida uu Nabigu  yiri: (Waxaa lagu xirtaa Takbiir oo waxaa looga baxaa tasliim) (Abuu Daawuud 61, At-Tirmidi 3) macnaha salaadda waxaa lagu gala salaadda takbiirta h**e ee xirashada, waxaana lagaga baxaa tasliim.

Waxaan ajar badan oo fiican marka uu qofka Muslimka ah bogo salaadda faralka oo salaamo naqsado inuu yiraahdo:
Astiqfurllaah (seddex jeer)
Oo yiraahdo: (Allaahumma antas Salaam wa minkas-Salaam tabaarakta yaa dal jalaali wal ikraam), Allaahumma laa maanica lima acdayta walaa mucdiya lima manacta walaa yanfacu dal jaddi minkal jad).
Haddana yiraahda (Subxaanallaah) isagoo ku celcelinaya 33 jeer, (Al-Xamdulillaah) isagoo ku celcelinaya 33 jeer. (Allaahu akbar) isagoo ku celcelinaya 3 jeer, wuxuuna boqol kaga dhigayaa qowlka (Laa ilaaha illal Laah Waxdahu laa shariika lahu, lahul mulku walahul xamdu wahuwa calaa kulli sheyin qadiir).
Muxuu falayaa qofka aan xifdin Faatixada iyo wardiyada salaadda?
Waa inuu ku dadaala xifdinta wardiyada waajibka ah ee salaadda, mana ku ansaxeyso waxaan ahayn in lagula yimaado afka Carabiga, waxaana weeye:
Faatixada iyo Takbiirta, iyo oraahda Subxaana Rabbiyal Cadiim, iyo Samicallaahu liman xamidah, Rabbanaa lakal Xamd, iyo Subxaana Rabbiyal Aclaa, Rabbigh firlii, At-tixiyaadka iyo ku sallinta Nabiga, iyo salaama naqsiga.
Waxaa ku waajib ah qofka Muslimka xagga salaaddiisa inta uu ka baranayo oo dusha ka qaybayo wardiyada salaadda inuu ku celceliyo waxa uu yaqaan oo leh tasbiix (Subxaanallaah) iyo taxmiid (Al-Xamdulillaah) iyo Takbiir (Allaahu Akbar) salaadda gudaheeda. Ama ku soo celiyo Aayadda uu xafidsan yahay inta uu taagan yahay, sida uu Allaah Kor ahaaye yiri:
(فَاتَّقُوا الله مَا اسْتَطَعْتُمْ) (التغابن: 16).
“Ee Dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah intii karaankiinna ah” (At-Taghaabun: 16)
Waxaa la gudboon muddadan inuu aad ugu dadaalo u gudashada salaadda jamaaco ahaan si uu u barto salaaddiisa, iyo sababta inuu iimaamka qaado qayb ka mid ah wixii gabood ah fal ah xagga salaadda.
Tixraaca Fudud ee Muslimka
Websiteka Tixraaca fudud ee Muslimka waa nuqulka elektronigga ah ee kitaabka (Tixraaca fudud ee Muslimka) waana mid ka mid ah mashaariicda shirkadda Ad-Daliil al-Mucaasir. Waxaa kitaabkan loo tarjumay in ka badan 15 luqadood, waxaana laga akhrisan karaa baraha bulshada

Address

Hargeisa

Telephone

+252634773649

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sh Mahdi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share