Somali medics

Somali medics Waxad kala soconay talooyin caafimad,soojeedino,su'aalo,casharo,presentations, solving cases and so on....iwm

arday kasta o cafimaadka barta ama adeeg bixiye caafimaad ah ba wa inay xarfaan ku yihiin o ay garanayaan erayadan khaas...
30/04/2025

arday kasta o cafimaadka barta ama adeeg bixiye caafimaad ah ba wa inay xarfaan ku yihiin o ay garanayaan erayadan khaaska u ah dhiiga .

Somali medics
Edna Adan University
American Medical Association

■HURDO LA'ANTA CASRIGA AH ( MODERN INSOMIA DUE TO SMARTPHONE DEPENDENT ):Hurdada o ah shaygah uguh muhiimsan e ad qabank...
14/03/2025

■HURDO LA'ANTA CASRIGA AH ( MODERN INSOMIA DUE TO SMARTPHONE DEPENDENT ):

Hurdada o ah shaygah uguh muhiimsan e ad qabankartid si ad dib uguh fresh garaysid caafimadka jidhkaagah, maskaxdada iyo weliba shucuurtada, si ad is uguh diyaariso maalinkah uguna soo dhalaasho shaqadaada. waxa kale o aynu ognahy in ku dhowad 3 meelod o meel cimrigena aynu ku qadano hurdo , taas o micnehedu tahy in qofka jira 60 sano 20 sano o kamida cimrigasa hurda ayu ku qatay ...hurdadas o muhiim u ah koritaanka jidhkagh , sifaynta waxyabaha an lo bahnayn(tissue repairing), cawainta difaca jidhka , kor u qadista shaqoyinka sarsare e maskaxda (higher brain functions ) sida waxbarashada , xasuusta , hal aburnimda,fahanka , sido kale waxa ay hurdadu ka hortag fican u tahy xanunada dhimirka iyo gobowgah, hadaba sanadihi u danbeyey waxa aynu ad ula falgalnay noloshan ay hormuudka u tahay tiknoolojiyadu taaso yaraysay inaynu helno hurdo tayo leh, waxaynuna halkan ku lafa gurayna sida ay mobalada casrigah ahi ay sabab uguh yihin in qofku helin hurdo ku filan.

●Waatan sida ay smart phones ku u yareyan hurdadada :

Maskaxdena waxa ay leedahay saacad dabici ah (circadian rhythm) o laguh save greyo waxayabaha aynu sida maalinlaha ah u samayno sida salada ka feker salada subax adiga o an cidina ama mobile ku kicin bad ka cada wayo wakhtiga salada latukado aya laguh save gareyey sacadan, hadaba sacadan waxa sida o kale laguh save gareeya wakhtigah aynu sexanayno,hadad dhowr habeen sexatid wakhti goan ,wakhtigas waxa laguh save garayn dona sacadan marka ay gadhona hurdo ayad dareemay ...jooj joog maxa keenaya in qofka hurdo qabto.? Wxa kenaya marka habenki lagadho o iftinkuna yarado maskaxdenu waxa ay so daysa hormone la dhoho melatonin kas o kenaya inay hurdo ku qabato hormone kan waxa ad lo so dayaa marka ay goobta u qofku sexanyo tahay mugdi ,markasto iftinku badanyahyna wu yarada hormonkanin.

Hadaba isticmalka mobile ka , tablets ka, ama TV yadu waxa ka so baxaya iftihin( blue light ) ku dhacaya wejigagah iyo indhahagh, iftiinkas o maskaxdadu u turjumanayso in malin laguh jiro o an lo bahnayn hurdo,taas o kenaysa inay yaradan so daynta melatonin iyo in jidhkagh lo shego inu isku diyariyo hurdo , waxana ka dhalanysa inanad wax hurdo ah o tayoleh anad helin (insomia).
Waxa intas si dher waxa aynu mobile ku isticmalna qolka o mugdi taaso oo samayn xoogan ku leh indheheena wayo iftiin farabadan e gelaya isha gadhayana ratinaha waxa ka dhalanaya in u aragu daciifo ama dhibato so gaadho ishada.

●SIDE HURDA TAYA LEH U SEEXDA MAXAN SAMEEYA ?

1: Haben walbah wakhti cayiman seexo soona kac wakhti cayiman ka fogow inad habenba xili seexato.
2 : Isku day meeshad seexanayso inay ahaato mugdi wayo waxy kordhinay so sarista (melatonin) hormonka hurdada.
3 : Xiliyada habeenki ka fogow inad cabto wxayaba ay ku jiran caffeine iyo alcohol wxay ka eryayaan hurdada.
4 : ka fogow xiligad sexanyso shaashadaha mobileka hadad gami waydo wax akhri si ad hurdo u dareento
5 : uguh dambyn qado cunto dheelitiran waxana qabo o shaqe malinki si habenki hurda fiican ad u seexato.

■ MAXAY YIHIIN CALAAMADAHA TIlMAAMAYA IN   JIDHKEENA BIYUHU KU YARYIHIIN.? Ku dhowaad jidhkenu 70% ila 72% waxa u ka koo...
09/03/2025

■ MAXAY YIHIIN CALAAMADAHA TIlMAAMAYA IN JIDHKEENA BIYUHU KU YARYIHIIN.?

Ku dhowaad jidhkenu 70% ila 72% waxa u ka koobanyhay biyo , biyahas oo muhiim u ah shaqooyinka kala duwan e jidhkena ka dhex socda sida inay hagaajiyan dheefshiidka o ay jilciyan kuna hortagan calolfadhiga , wxay kelida ka ilaaliyan in dhagax ku samayso ama dhawac so gadho, buyuhu wxay ad uguh ficanyihin isgoysyda, maqaarka, iyo joogtynta heerkulka jidhka iyo si guud inay kor uqadan fahanka,xasusta iyo cafimaka maskaxda , waxa inta dheer inay madax xanunka dawo u yihin . Hadaba biyahas muhiimda weyn u leh jidhkeena hadii ay ku yaraadan , waxa u jidhkeenu soo bandhigaa calaamado uu kuleeyahay biyo ayu jidhkaguh raba e sida uguh dhakhsiyaha badan u cab.

●Maxay yihin calamadaha tilmamaya biyo yaranshaha jidhka?

1: Midabka kaadida o is bedela ( dark yellow urine ) caadiyan midabka saxda e kaadidu wa huruud khafifa ( light yellow ) lakin marka biya qadashadadu yartahy , kadiduna waxay noqonay huruud ad rasiin u ah , wana calamad tilmamaysa yaraanshaha biyaha jidhka.

2 : Dadka biyo cabistoodu yartahy waxay badanka leeyihin calool fadhi( Constipation) maadama biyihi la rabey in qashinka jidhka lagagah saro dib lo so nugayo tasina waxay kenaysa inay dadkasi u nuguhyihin xanunka bawasiirta ( hemorrhoids) iyo dildilaacyada ku yimadata agagarka dabada ( a**l fissures )

3 : In maqaarku qalalo o duuduubmo iyo in xuub xaleedyada sida ( mouth, nose , and eye ) u qofku ka dareemo qalayl fara badan wa Astan kalo ku cadaynaysa in jidhkaguh biyo u bahanyahay.

4: Yaranshaha biyaha jidhku waxay keenayan madax xanun madama dareerayasha jidhku hoos u dhecen ,maskaxdana dhiiga iyo nafaqada tegysaa yaranysa , sidad daraded hadi ad madax xanun badan darento cab biyo kuguh filan inatad xanun babi'ye qadan lahayd.

5: Hadi ad isgoysyda xanun badan ka dareemayso, cab biyo badan waxay ka cawinayan inay xaydheeyaan ama dhereerka ku badiyan isgoysyada ama halka ay iska galan laba lafood.

6: Jidhka o biyuhu ku yaradan waxay kenayan in jidhka waxaayabaha sunta ahi ku bataan taas o ay ka dhalanayso in habdhiskena difaacu daciifo o qofku xanunada ay ku so noqnoqdan lkn markad biyo fican qadato waxad darenaysa awood

7 : Daal farabadan iyo haraad jogto ah

●Wakhtige aya uguh fican biyo cabista

1: intanad quraacan ka hor cab biyo fican
2: cab biyo fiican xiligah jimicsigah ad dhamaysato
3: xiliyada kukaylaha wa inad biyo qadashadadu badata
4: cuntad ka hor ama ka dib sadexda wakhti
5: iyo xiligah ad dareentoba in jidhkagah biyo u bahanyahy.

07/03/2025

■ SOONKU KA HORTAG MA U YAHAY KANSARKA? (CANCER) MUHIIM.

Aduunku waxa uu la daalaadhacaya xanuunka kancarka kaas oo ah xanuunka aan faafin ee dhimashada uguh badan ku keena wadamada rer galbeedka iyo si guud caalmka , sanad walbana gaalafta nolosha maalayin ruux welina loo la'ayahy daawo rasmi ah . Dalkeena statistics ki u danbeyey e ay so saarty (HGH) aya sheegaya in sanad walbah isi so tarayso dadka u so ridanayo kansarku, waxaynuna halkan ku eegi doona cilmi baadhisyo laguh sameyey sida u soonku ka hortag fican uguh yahay xanunkas iyo natiijadi so baxday .

●Wa tan sababta soonku kansarka ka hortag caajiba uguh yahy.

Si ad waxu u yahay kansarku u fahanto ka feker calamadaha wadooyinka ( traffic rule system) unugyda cafimadka qaba waxay racan xeerarka wadada marka la gadho calamada casanka way istaagan o check point ayay galan( cell cycle check point) marka calamada akhtarka ah la gadho shaqadooday qabsadan unugyadu way koran,socdan ( normal growth) , hadi unugyada caafimadka qaba dhawac so gadho way istagan amarna way qatan o dhimasho qorshaysan ba lo diyariya (programing cell death) taasi wa xalada caadigah e logah bahanyahy unug kasta.

Hadaba unugyada kansarka wa sida dareewalada dayaca badan o marka lagadho calamada cas way soconyan , way isbadainayaan wax amara maqadanayan hadi ay dhawacman way si shaqaynayan o unugyo kale o dhawaca ayay so sarayan jidhkana way khalkhalinyan o waxay samaynayan unugyo jama o meel ku ururaya (tumor) kuwas o laqaybsanya unugyda cafimadka qaba nafaqada , space ki ayay ku cidhiidhinyan , waxay wererayan habdhiskena difaca o aymarkan isku xoog yihin madama ay nafaqadi iyo waxwalbah wada qaybsanayan.

Xiligah soonka kow jidhka cuntadii iyo nafaqadii majirto , sida daraaded unugyada cafimadka qaba waxay raadsanyan ilo kale o ay ka helan tamar halka unugyada kansarka aanay awoodi karin in ay ilo kale ka raadsadan tamar sido kale jidhkenu xiligah sonka waxu galaa howlgal laguh magacdaray (AUTOPHAGE) o ah in dhaman waxii unugyo dhawaca ama gaboobey ama kansar inay noqdam donaya laguh nadiifinayo , habkan cajiibka dhowan aya la ogaadey waxa daafaydey saynisyahan jabaanis ah kuna qaatay abalmarinta (NOPLE PRICE) e medicine ka waxuna so jediyey si kansarka logah hortago wa in wiigi laba cisho la soma hadi kale sandka o dhan bil la soma .....cajiib markas bad dareemay waxwalbah o ilaahay inaguh wajibiyey in ay deeq aynu dhaadanayni inaguh jirto .

■  SOONKA  IYO CAAFIMADKA XIDHIIDHKA KA DHEXEEYA.! ka dib 4 ila 6 da saacadod e uguh horeya soomka  jidhkeenu waxa u ist...
05/03/2025

■ SOONKA IYO CAAFIMADKA XIDHIIDHKA KA DHEXEEYA.!

ka dib 4 ila 6 da saacadod e uguh horeya soomka jidhkeenu waxa u isticmaalya cuntadii uguh danbeysay e qofku cunay taas o lasoo nuugayo isla markana jidhkeenu tamar kala so baxayo, intasi marka ay dhamaato habdhiskeena dheefshiidku waxa u gelaya nasasho iyo in u dib u habayn isku sameeyo, layska saro waxyabaha sunta ah, la saro unugyada dhintay ama howlgabka noqday, dibna lo saxo aysidha caloosha wahkhtigi la so daynayo , sido kale maadama anay wax cunto ama cabis ah aanay uso socon jidhkeena , waxa u bilaabaya in uu ka jawabo isbedelka cusub e u galay oo u la laqabsado markaba , si xaalad dhexdhexad ah ( normal ) looguh ilaaliyo shaqoyinka ka socda jidhka , lo joogteeyo cadaadiska dhiga iyo level ka sonkorta dhiiga ( blood glucose level ).

● MAXAY YIHIN ISBEDELKA JIDHKA KU IMANAYA XILIGAH SOONKA O AH FAA'IDOOYINKA SOONKA.

1 : Jidhkenu maadama anu rajaynayn wax cunto ah , waxa u bilaabaya in u ilo kale kala so baxo tamarta sida in dib la isticmaalo tamaraha ku kaydsan beerka iyo murqaha ( glycogen store in liver and muscle) , tamarahasina markay dhamaadan jidhkeenu waxa u gudbayaa inu gubo duxda ama baruuraha (fats ) ku kaydsan jidhka ( adipose tissue) tas o hoos u dhigaysa duxaha jidhka iyo miisanka qofka cayilan , yaraynaysana halisaha ka dhasha duxda o ku badata jidha sida macanka iyo xanuunada xididada.

2 : Soonku waxu u ka hortag iyo xakamayn u yahay macanka
( diabetes mellitus and Insulin sensitivity) : ogow markasta aynu wax cuno, sonkorta qulqulka dhiiga aya badata si sonkorta lo sifeeyo waxa la kordha hormone ka Insulin o sonkorta badan dhiiga ka sifeya , hadaba madama aynu 11 bilood wax cunayney hormone ka Insulin na u shaqynayey si xidhhidha waxa hoos u dhacysa waxtarnimadisa o si fican dhiga sonkarta uguma nadiifinyo taas o u qofku halis uguh jiro macanka nociisa labaad ( DM type 2 ), hadaba madama u qofku somanyhy o u waxba cunayn , Insulin waxy geley nasasho, bisha Ramadana habeenki un bay shaqynay tas o keenaysa in hormone kani noqdo mid waxtar leh o firfircon kana hortago macanka sonkortana si fican uguh nadiifiya dhiiga geeyana meelaha laguh talogalay ....tijaabo hadi ad leedahy macanka nocisa labad markay ramadan dhamaato iska qaad baadhitaanka lo yaqan ( HBA1c ) wadna arki donta natijada .

3 : Soonku waxa u kor u qaada cafimadka wadnaha : xiligah soonka wadnehenu waxa u gala nasasho madama ay ka yaranayso dhiiga badan e uu tuurayo ( decreasing blood volume) tas o xalaad dhexdhexada ku ilaalinaysa cadaadiska dhiiga ka hortagna u ah xanuunka dhiigkarka( HTN) , sidokalena soonku waxa u yareeya beersubaga ( cholesterol) iyo noocyada kale e duxda e ka qayb ka qata inay xidhan xidida yar yar wadnaha , tasoo dhinac kalena ka hortag wanaagsan uga ah faaliga ama jeexqalalka ( stroke).

4 : Soonku waxa u kor u qada shaqada maskaxda iyo wadaxidhiidhka neerfayasha : xiligah soonka madama sunti iyo iyo unugyadii dhaawacmay mesha lagah saarayo kuwo cusubna la samaynayo waxay kenaysa in nervayaashu si fican u xidhidhan sidokena maskaxdu xiligah soonka waxay helay tamar lo yaqan ketone o xata glucose ta uguh fican tasoo xanunada maskada ku dhaca hoos u dhigay sida gariirka ( parkinson's disease ) iyo xanunka ilowshiyaha ee Alzheimer's disease .

5 : soonki waxu hoos u dhigah cayilka iyo miisaanka badan e qofku leeyahy ( Obesity).

6 : Soonku waxu kor u qaada so daynta hormone ka koritanka kaso ka qaybqata koritanka jidhka siba muruqyada.

7 : Soomku waxa u mesha ka sara unugyada gaboobey , kuwo dhintay iyo kuwa dhawaca ah e maqaarka hoostisa yaala taas o keenaysa in qofka maqaarkisu iftiimo ama quruxbato, islamarkaana duubduubka maqaarkuna yaraado , dhalinyarona qofku u ekaado .

8 : Bisha Ramadan wa bisha ad wax walbah o caado aan wanagsanayn is kagah dayn karo haday tahay noocyada kala duwan ee balwada , caadoyinka xun xun , xasidnimada , beenta iyo iwm , sido kalena ku dhisan karto iskuakalsoonan nafeed iyo horumar ( high self-esteem ).

Anatomy of axilla.
11/01/2025

Anatomy of axilla.

Urine Analysis with Dipstick A urine a**lysis strip, also known as a urinalysis dipstick, is a diagnostic tool used to d...
15/10/2024

Urine Analysis with Dipstick

A urine a**lysis strip, also known as a urinalysis dipstick, is a diagnostic tool used to detect and measure various components in urine.

*Components Tested*

1. pH (Acidity/Alkalinity)
2. Protein (Proteinuria)
3. Glucose (Glycosuria)
4. Ketones (Ketosis)
5. Blood (Hematuria)
6. Bilirubin (Jaundice)
7. Urobilinogen (Liver Function)
8. Nitrites (Urinary Tract Infections)
9. Leukocytes (White Blood Cells)

*Interpretation*

*Normal Values*

1. pH: 4.5-8.0
2. Protein: Negative
3. Glucose: Negative
4. Ketones: Negative
5. Blood: Negative
6. Bilirubin: Negative
7. Urobilinogen: 0.2-1.0 Ehrlich Units
8. Nitrites: Negative
9. Leukocytes: Negative

*Abnormal Values*

1. pH: 8.0 (acidic/alkaline)
2. Protein: 1+ (30 mg/dL) to 4+ (1000 mg/dL)
3. Glucose: 1+ (100 mg/dL) to 4+ (1000 mg/dL)
4. Ketones: 1+ (5 mg/dL) to 4+ (40 mg/dL)
5. Blood: 1+ (5-10 RBCs/μL) to 4+ (50-100 RBCs/μL)
6. Bilirubin: 1+ (0.5 mg/dL) to 4+ (5 mg/dL)
7. Urobilinogen: >1.0 Ehrlich Units
8. Nitrites: Positive
9. Leukocytes: 1+ (5-10 WBCs/μL) to 4+ (50-100 WBCs/μL)

*Clinical Significance*

1. Infections (UTIs, kidney infections)
2. Diabetes
3. Kidney damage or disease
4. Liver disease or dysfunction
5. Hematuria (blood in urine)
6. Proteinuria (protein in urine)

*Common Brands*

1. Multistix
2. Chemstrip
3. UriScan
4. Uritest
5. Medi-Test

*Storage and Handling*

1. Store at room temperature (15-30°C/59-86°F)
2. Keep away from light and moisture
3. Use within expiration date

Qaar ka mida angle da uguh muhiimsan anatomy,  hightlightHealth Councils
02/10/2024

Qaar ka mida angle da uguh muhiimsan anatomy,

hightlight
Health Councils

22/09/2024

Maxay maskaxdu u isticmaasha tamarta ugu badan jidhkeena.

Saameynta Curadnimada | First Born Sydrome- - -Waxaa la aaminsan yahay in dhalashada ilmuhu ay saameyn weyn ku leedahay ...
19/07/2024

Saameynta Curadnimada | First Born Sydrome
- - -

Waxaa la aaminsan yahay in dhalashada ilmuhu ay saameyn weyn ku leedahay shakhsiyaddiisa iyo noloshiisa, oo cilmi nafsigu waxa uu qabaa, in curadka, curad-ku-xigeenka, caruurta dhexe iyo guro-danbeyska, uu mid walbaa leeyahay astaamo, iyo dabeecado saameeya noloshiisa, iyo xeyndaabka bulsho ee ku hareereysan.

In aad tahay qof curad ah, waxa ay leedahay faa’iidooyin badan iyo khibrado gooni ah, oo ay ka qatan yihiin caruurta kaa yaryar, laakiin taas cagsigeeda, mar walba curadnimadu ma ahan meel nasiib yaalo, oo curadnimadu waxa ay leedahay culeysyo iyo cadaadisyo nololeed oo gaar ah.
Haddii aan ku hormarno dhanka toga nee curadnimada, wanaagyada ay leedahay in aad tahay ilme curad ah, waxaa ka mid ah:

1. In aad caqli ahaan u qaangaareysid adiga oo weli da’yar, maaddaama aad adiga oo yar qeyb ka noqoneysid xalinta mushkiladaha qoyska, iyo ka agdhowaanshaha waalidka.

2. In aad tahay ilme curad ah waxa ay ka dhigan tahay in adiga oo yar lagu siiyay kalsooni iyo korin dheeri ah, oo aysan heli doonin kuwa kaa yaryar, arrintaas oo keenaysa in aad nolosha u waajahdid si dadnimo leh, oo aad noqotid qof ku fiican waxbarashada, maaddaa habka laguu koriyay ay keenayso in aad noqotid qof dedaal badan.

3. Mar walba oo ay caruurtu bataan, waxaa qeybsama daneynta (attention) waalidka, oo si siman ayaa caruurta loo siiyaa daryeel isku mid ah, laakiin ilmaha curad ka ah, maaddaama isaga oo keligii ah uu la noolaa waalidka, waxa uu yaraanta ku helaa koolkoolin aan lala qeybsaneyn.

4. In aad tahay ilme curad ah, waxa ay sidoo kale ka dhigan tahay in aad tahay hoggaamiye dabiici ah, oo u diyaarsan in uu wax jiheeyo, sidoo kalena uu xalliyo mushkiladaha nolosha.

5. Maaddaama ay ogaalka, khibradda iyo mushkilado xalintu dhisaan garashada qofka, in aad curad tahay waxa ay ka dhigan tahay in aad ka caqli badan tahay caruurta kale ee walaalahaa ah.

6. Ilmaha curadka ahi, waa ilmo shaqo badan (task-oriented), oo jecel in uu wax xaqiijiyo, kaas oo weliba dadka ku hareereysanna ku dhiirrigeliya in ay guuleystaan.

Marka laga soo tago dhankaa wanaagsan, waxaa jira dhinacyo taban oo ay leedahay curadnimadu, waxaana ka mid ah:

1. Qofka curadka ahi, waxa uu qaadaa culaysyo iyo masuuliyado, ka weyn da’diisa, arintaas oo keenta in uu nolosha la daalaa dhaco.

2. Maaddaam ay cid walbaa rajeynayso in qofka curad ka ahi uu qof waxtar leh noqdo, tani waxa ay keentaa in uu curadku ka welwelo in uu ku fashilmo waxa laga sugayo, taas oo keenta in uu marar badan nolosha ku dareemo feker iyo baqdin joogto ah, oo uu mustaqbalka ka qabo.

3. Curaddadu waxa ay dabiici ahaan u dhasheen in ay wax xaliyaan, waxaana ay jecel yihiin in ay guuleystaan, sidaas darteed waxa ay culays badan saaraan maskaxdooda.

4. Qofka curadka ahi, waxa uu ku dedaalaa in uu noqdo qof si walba u hagaagsan (perfect), si uu waalidkiisa ugu qanciyo curadnimadiisa, arrintaas oo dhaawacda xasiloonidiisa ruuxeed.

5. Maaddaama qofka curadka ah, isaga oo yar la saaro masuuliyad tiro badan, waalidkuna ay aad u dirsadaan, waxa uu noqdaa qof raalligeliye ah (people pleaser), oo aan laheyn shakhsiyad adag, iyo xeerar lama taabtaan ah.

6. Qofka curadka ahi, isaga oo weli yar, ayaa uu qaadaa masuuliyad waalidnimo, waxaana uu wax ka koriyaa walaalihisa yaryar, taas oo keenta in uu makhraati ka noqdo walaalihiis oo helaya caruurnimo dhameystiran, oo uusan isagu wax badan ka soo dhadhamin.

7. Inta badan, dadka curaddada ahi waxa ay ku mashquulaan xalinta arrimaha qoyska iyo mushkiladah dadka kale, taas oo ka dhigan in ay ilaawaan naftooda iyo riyooyinkooda.

8. Qofka curadka ahi marka uu weynaado waxaa ku adkaata in uu yeesho saaxiibo badan, maaddaama uu la qabsaday in keligii ahaado, oo uu dhibaatooyinkiisa kelinnimo ku xaliyo.

9. Qaar badan oo curaddada ka mid ahi, waxa ay nolosha ku daalaan iyaga oo weli dhalinyaro ah, waxaana ay bilaabaan in ay is dhiibaan, iyaga oo dhumiyay dhiirranaantii ay lahaayeen markii ay aadka u yaraayeen.

10. Curaddadu waxa ay isku xiraan waxqabadka iyo jaceylka, oo maaddaama markii ay yaryaraayeen lagu shaqeyn jiray, waxa ay moodaan in aan la jeclaaneyn haddii aysan noqon dad waxqabad leh, arrintaas oo lid ku ah wada dhalashada, maaddaama ay muhiim tahay in la jeclaado qof walba oo qoys ka ka mid ah, waxtar ha lahaado ama yuusan lahaane.

11. Qofka curadka ahi dadka ma weydiisto caawimaad, sababtoo ah waxa uu la qabsaday in mar walba isaga loo baahan yahay, taas oo ku kalifta in uu la aamuso mushkiladihiisa.

Marka la eego faa’iidooyinka iyo khasaaraha ku jira curadnimada, waxaa muuqata in fursadaha iyo nasiibka curadnimadu ay ka tiro yar yihiin culaysyada iyo masuuliyadaha curadka. Sidaas darteed, aad bey muhiim u tahay qofka curadka ahi, in uu ku baraarugsanaado naftiisa, dabeecaddiisa iyo waxa ka dhacaya hareerihiisa. Si uu iskaga ilaaliyo in uu naftiisa dulmiyo, isaga oo isi saaraya masuuliyad waalid oo uusan xaq u wada laheyn in uu qaado.

Aad bey u fiican tahay in uu qofka curadka ahi noqdo qof wax waxtar leh, si la mida sida ay muhiim ka u tahay in uu qof walba oo kale u noqdo qof waxtar leh, laakiin arrinta u baahan baraarugga ayaa ah in qofka curadka ahi uu naftiisa u naxariisto, oo uusan isi saarin hawlo uusan xanbaari karin.

Xigasho said shire

Address

Shacabka
Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali medics posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share