Sixo Higher Clinic and Dental Care

Sixo Higher Clinic and Dental Care Sixo: Waa Goob Caafimaad oo aad ka Heli doonto Dhammaan Adeegyada Caafimaadka Guud ,Afka iyo Ilkaha.

Ciid-Al-Fitri Wanaagsan Dhamaan Ummada Muslimiinta, Alle ha inaga aqbalo acmaasheenii wanaagsanayd ee aynu soo samaynay,...
19/03/2026

Ciid-Al-Fitri Wanaagsan Dhamaan Ummada Muslimiinta, Alle ha inaga aqbalo acmaasheenii wanaagsanayd ee aynu soo samaynay, hana inagu gaadhsiiyo Ciidan Ciideeda Bash bash iyo barwaaqo.
.

تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال.

05/03/2026
Ogaysiis Ogaysiis Ogaysiis Dhamaan Shacabka reer Hargeisa iyo Nawaaxigeeda Ku nool Waxaa la Ogaysiinayaa in ay Sixo High...
17/02/2026

Ogaysiis Ogaysiis Ogaysiis Dhamaan Shacabka reer Hargeisa iyo Nawaaxigeeda Ku nool Waxaa la Ogaysiinayaa in ay Sixo Higher Clinic and Dental Care oo Aad uga Barateen Adeegyada Caafimaadka Afka iyo Ilkaha uu kuu sameeyay oo #50% maalmaha khayrka leh ee ee fooda inagusoo haysa
: Xaruntu Waxay ku Taalaa kasoo horjeedka Hargeisa Club Hotel, ama dhinaca Koonfureed biriijka Shacabka (Ex-Birriish Liicliic), dhismaha ilma Indho Deero ee ku xiga xarunta UNDP-da.
. 🦷🪥.

01/01/2026

Hambalyo & Bogaadin

maamule ku xigeenk guud ee Sixo Higher Clinic and Dental Careah DrAhmed Baashe isagoo ku hadlaya afkiisa iyo ka shaqaala waynaha sixo higher clinic and dental care
waxaan hambalyo iyo bogaadin qalbiyeed u dirayaa shacabka waynaha Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay joogaan.
Waxaan ku bogaadinaynaa midnimadiinna, nabad-jacaylkiinna, iyo dadaalka aad mar walba ugu jirtaan horumarka iyo xasiloonida dalkiinna. Iyadoo laga duulayo qiimaha aad ku leedihiin horumarka bulshada, Sixo Dental Clinic waxay mar walba u taagan tahay adeeg caafimaad oo tayo leh, gaar ahaan caafimaadka afka iyo ilkaha.

👉 Si ictiraaf iyo garab-istaag bulsho awgeed, waxaan ballan-qaadaynaa inaan samaynayno qiimo-dhimis balaadhan oo loogu talagalay shacabka Somaliland, si ay u helaan adeeg ilko oo tayo sare leh, kana jaban qiimihii h**e.
Waxaan mar kale adkaynaynaa ballanqaadkayaga ah inaan bulshada ugu adeegno daacadnimo, xirfad iyo daryeel dhab ah.
Hambalyo mar kale shacabka qiimaha badan ee Somaliland.
Guul, horumar iyo caafimaad waara ayaan idiin rajaynaynaa.

Maamulka Sixo Dental Clinic
Maamule Ku-xigeenka Guud

20/11/2025

Sixo Baahi tiraha Bukaanka

Alxamdulillaah.shalay waxay ahayd maalin aad u qiimo badan oo aan sharaf weyn u arkaynay  inaan tababar caafimaad u same...
20/11/2025

Alxamdulillaah.

shalay waxay ahayd maalin aad u qiimo badan oo aan sharaf weyn u arkaynay inaan tababar caafimaad u sameyno Ciidanka Dab-demiska & Samatabixinta Somaliland, gaar ahaan qaybta Dab-damiska ee Hargeysa.

Tababarkan wuxuu ku saabsanaa caafimaadka guud iyo gaar ahaan caafimaadka afka iyo ilkaha, waxaana u jeedkiisu ahaa in kor loo qaado wacyiga caafimaad ee ciidanka, maadaama ay yihiin geesiyaal maalin walba naftooda u huraya badbaadada bulshada.

Waxaan aad ugu mahadnaqayaa madaxda iyo xubnaha ciidanka sida wanaagsan ee ay noo soo dhaweeyeen iyo sida ay uga faa’iidaysteen tababarka.

Sidoo kale, waxaan u mahadcelinayaa walaalkay Dr. Siciid Ibraahim oo qayb weyn ka qaatay tababarka maanta.

Shaqada caafimaad waa adeeg bulsho, annagana waxaa naga go’an inaan mar walba qayb ka noqono horumarinta caafimaadka bulshada.

Inaan sii wadno wacyigelinta bulshada,

Inaan gaadhno xarumo badan oo ciidan iyo bulsho,

Iyo in aan kor u qaadno heerka caafimaadka guud ee bulshada Somaliland.

Mahad iyo mudnaan Ilaahay baa iska leh.
Ilaahay ha barakeeyo ciidankeena geesiyaasha

Bushaaro Bushaaro
11/11/2025

Bushaaro Bushaaro

29/10/2025

Dhakhaatiirta Ka Howl gasha Sixo Higher Clinic and Dental Care, ayaa Maanta Ka Sameeyey Wacyi Galin ku saabsan Xanuunada Faafa(InfectiousDiseases), kuwa aan faafin(Non Communicable Diseases) iyo Adeegyo kale oo muhiima oo Ku Saabsan Afka.
Waxay sii socon doonaan, ilaa asbuuca Soo Socda.
Mahad gaara, Xafiiska Caafimaadka ee Ciidanka Immigration.

.

Ogaysiis Ogaysiis Ogaysiis Dhamaan Shacabka reer Hargeisa iyo Nawaaxigeeda Ku Nool Waxaa la Ogaysiinayaa in ay Sixo High...
26/01/2025

Ogaysiis Ogaysiis Ogaysiis Dhamaan Shacabka reer Hargeisa iyo Nawaaxigeeda Ku Nool Waxaa la Ogaysiinayaa in ay Sixo Higher Clinic and Dental Care oo Aad uga Barateen Adeegyada Caafimaadka Afka iyo Ilkaha uu kuu sameeyay Qiima dhimistii balaadhnayd ee sanadlaha ahayd 2025.
: Xaruntu Waxay ku Taalaa kasoo horjeedka Hargeisa Club Hotel, ama dhinaca Koonfureed biriijka Shacabka (Ex-Birriish Liicliic), dhismaha ilma Indho Deero ee ku xiga xarunta UNDP-da.
. 🦷🪥.

Address

Pepsi Area Barch One & Barch Two Biriish Liiclii
Hargeisa

Telephone

+252633634222

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sixo Higher Clinic and Dental Care posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Sixo Higher Clinic and Dental Care:

Share