11/08/2026
Maamulka xarunta caafimaadka ee Dalsan Health Center waxay si kal iyo laab ah ugu hambalyeynayaa shaqaalaheennii qaaliga ah ee Dr. Mohiodin Abdirahman Hassan (Muxiyodiin Dabeyl) ku guuleystay Kaalinta Koowaad (Honor) ee kuliyadda Medicine and Surgery ee jaamacadda Frantz Fanon University, Guushan qiimaha badan waxay ka tarjumaysaa dadaal, dulqaad, karti iyo dadaal joogto ah oo uu geliyay waxbarashadiisa iyo shaqadiisa. Waxaan si gaar ah ugu faraxsanahay inuu kamid ahaa shaqaalaheenna gaar ahaan maamulka qeybta Pharmacyga iyo Emergecy ga. Waxay ay oo sharaf u tahay isaga, qoyskiisa iyo dhammaan bahda Dalsan.
Waxaan kuu rajaynaynaa mustaqbal ifaya iyo guulo ka waaweyn tan maanta. Waxaan aaminsanahay in aqoonta, kartida iyo dadaalka aad muujisay ay noqon doonaan kuwo bulshada iyo bukaannada aad u adeegto si weyn uga faa’iideeya. Hambalyo mar kale, Doctor! Guushaadu waa guushayada, waxaana ku faanaynaa inaad ka mid ahayd shaqaalaheenna.
.