14/07/2026
Arimaha qoyska
Maxay tahay sababta ay raga qarkood umoodan gabadha ay qabaan inay kaliya uga bahanthy. Guri la dajiyo iyo biil iyo rashin la siyo iyo gogosha. O lala wadago ?
Bulshooyin badan, oo dhulkena somaliyed ka jira aya wiilka waxaa lagu soo koriyaa in doorkiisa koobaad iyo midka ugu dambeeya ee guriga uu yahay "Daryeelaha Maaliyadeed" Waxaa maskaxda loogu shubaa: "Haddii aad biilka bixiso, guri fiicanna aad reerka u dhisto, nin dhowrsan oo masuul ah baad tahy.
Waxaa meesha ka baxa in lagu soo tababaro doorka kale ee ah Daryeelka Shucuurta kaas oo u baahan dhegaysi, naxariis, iyo wada-sheekeysi.
Waxaa meesha ka baxa in lagu soo tababaro doorka kale ee ah Daryeelka Shucuurta kaas oo u baahan dhegaysi, naxariis, iyo wada-sheekeysi.
Ninka oo maalintii oo dhan dibadda u jooga raadinta nolol-maalmeedka ayaa marka uu guriga yimaado dareema daal jidh iyo maskax ah. Wuxuu u haystaa in maadaama uu soo shaqeeyay, doorkiisii uu soo gutay, markaasna uu xaq u leeyahay kaliya inuu nasto
isagoo aan diyaar u ahayn inuu waqti iyo tamar u geliyo wada-sheekeysi ama is-faham shucuureed.
Maxaa ka dhasha aragtidan
* Gabadhu Inay isku aragto kaliya qof loo haysto inuu guriga hagaajiyo, cuntada kariyo, sariirtana tago, balse aan la iska wareesanayn nolosheeda gudaha iyo dareenkeeda
* Muddo ka dib, gabadhu waxay lumisaa xiisihii ay u qabtay ninka, waxaana meesha ka baxa isku-xidhnankii maskaxeed ee qoyska dhisayay.
Aragtida saxda ah e qoyska
Guurka dhexdiisa, farxadda gabadha la qabo iyo ka badbaadinteeda is-buuqa (stress-ka) waxay inta badan ku xiran yihiin dareenka, ixtiraamka, iyo nabadgelyada ay ka hesho ninkeeda iyo jawiga guriga.
* Gabadhu waxay aad u jeceshahay in la ammaano muuqaalkeeda, kariskeeda, iyo dadaalkeeda guriga.
* Muujinta Jacaylka: Habsiinta, dhunkashada, iyo in gacanta la qabto iyada oo aan wax sabab ah jirin waxay dareensiisaa badbaado iyo deganaansho maskaxeed.
* Gacan-siinta Hawlaha Guriga: Culayska guriga iyo daryeelka qoyska oo ninku uu wax ka caawiyo waxay si weyn u yareysaa istres-ka jireed iyo kan maskaxeed ee gabadha
* Wada-tashiga: In go'aamada muhiimka ah ee nolosha si wadajir ah loo gaaro waxay dareensiisaa inay tahay wehel dhab ah oo la qaddariyo, ee aanay ahayn qof la amro oo kaliya.
* Dumarku waxay u baahan yihiin waqti ay naftooda ku daryeelaan. In loo oggolaado waqti ay ku nasato, ku daryeesho maqaarkeeda/tinteeda, ama ay la kulanto asxaabteeda—iyadoo ninku uu maamulayo hawlaha guriga ama carruurta—waxay dib u soo celisaa firfirconideeda iyo farxaddeeda
* Hadiyadaha Yaryar: Looma baahna hadiyad qaali ah mar kasta; ubax, cadar ay jeceshahay, ama wax yar oo ay muddo rabtay oo loo keeno si lama filaan ah ayaa farxad weyn geliya.
* Waqtiga Labadiinna Kaliya: In mararka qaarkood dibadda loogu baxo casho ama socod gaaban si looga baxo caajiska iyo routine-ka joogtada ah ee guriga.
* Ixtiraamka Waalidkeeda: Markaad ixtiraamto oo aad qaddariso qoyskeeda, gabadhu waxay dareemeysaa farxad iyo kalsooni weyn
* Ku Dhiirrigelinta Hamigeeda: Ha ahaato waxbarasho, ganacsi, ama hiway (hobby) ay jeceshahay, in lagu taageero waxay ka ilaalisaa niyad-jabka iyo caajiska joogtada ah.