Dr.Dayib Abdulkadir

Dr.Dayib Abdulkadir Tababare iyo dhakhtar wacyigelinta caafimaadka Bulshada, iyo cilmi nafsiga ah.

𝐁𝐢𝐬𝐡𝐚𝐚𝐫𝐨 𝐁𝐢𝐬𝐡𝐚𝐚𝐫𝐨𝐃𝐡𝐚𝐫𝐤𝐞𝐲𝐧𝐥𝐞𝐲 𝐇𝐨𝐬𝐩𝐢𝐭𝐚𝐥 waxaa diyaar kuugu ah 𝐃𝐫 𝐌𝐮𝐤𝐡𝐭𝐚𝐫 𝐀𝐛𝐝𝐢 𝐘𝐮𝐬𝐮𝐟 oo ku takhasusay 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐂𝐮𝐝𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐚...
03/05/2026

𝐁𝐢𝐬𝐡𝐚𝐚𝐫𝐨 𝐁𝐢𝐬𝐡𝐚𝐚𝐫𝐨
𝐃𝐡𝐚𝐫𝐤𝐞𝐲𝐧𝐥𝐞𝐲 𝐇𝐨𝐬𝐩𝐢𝐭𝐚𝐥 waxaa diyaar kuugu ah 𝐃𝐫 𝐌𝐮𝐤𝐡𝐭𝐚𝐫 𝐀𝐛𝐝𝐢 𝐘𝐮𝐬𝐮𝐟 oo ku takhasusay 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐂𝐮𝐝𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐰𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐐𝐚𝐥𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐨𝐨𝐝𝐚, 𝐃𝐡𝐚𝐫𝐤𝐞𝐲𝐧𝐥𝐞𝐲 𝐇𝐨𝐬𝐩𝐢𝐭𝐚𝐥 Markasta wuxu diyaar u yahay kor u qaadida adeegyada caafimaad soo booqo 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚𝐚𝐠𝐚 𝐰𝐚𝐚 𝐌𝐮𝐝𝐧𝐚𝐚𝐧𝐭𝐞𝐞𝐧𝐚 𝐊𝐨𝐨𝐰𝐚𝐚𝐝

01/05/2026

Degmada Dharkeynley xaafadda tabakaayo madow waxaa kuugu diyaar ah Dharkeynley Hospital

🌟 Sheekada Dr Mubaarak Abdinur Mohamud – 5 Sano oo Dagaal, 3 Qaliin, 11 jeer oo kemotherapy ah iyo Rajo Aan Dhammaanayn!...
28/04/2026

🌟 Sheekada Dr Mubaarak Abdinur Mohamud – 5 Sano oo Dagaal, 3 Qaliin, 11 jeer oo kemotherapy ah iyo Rajo Aan Dhammaanayn!!!

🕊️ Maalin ay isbedeshay noloshiisa

Maalin maalmaha ka mid ah, xilli roobaadkii Sebtembar 2021, Mubaarak oo 24 jir ah ayaa waxa uu dareemay calaamad uu dhakhtar ku sheegay in uu yahay wax yar oo shaki ah inuu jiro calaamad tilmaam u ah kansar… laakiin markii baaritaanka la sameeyay, indhihii dhakhtarku way isbadaleen.

"Waa kansar, osteosarcoma – gacanta midig ah."

Erayadaas waxay u dhaceen Mubaarak sidii dhinbil dab ah oo jirkiisa lagu dhajiyey. Laakiin isagoo dhalinyaro ah, isagoo ku dhashay ku soo barbaaray dagaal nololeed, jaamacad markaa ka yimid dhakhtar ah waxa uu go’aansaday inuu dagaallamo.

Ma uusan ogeyn in uu socdaal 5 sano ah ku bixin doono dagaalkaas.

⚔️ Qaybtii 1aad: Dagaalkii Koowaad – Gacanta (2021–2022)

Mubaarak waxa loo diyaariyey qolka kemotherapy, Sanqadha qalabka, Urta dawooyinka, Iyo indhahiisa oo uu ku arkayey dhibaatada kemotherapyga waxay ahayd xaalad adag oo uu marayey.

3 bilood oo kemotherapy ah Muruq iyo madax xanuun, Timo bax ama timo daadasho iyo dhiigiisa oo hoose aadayey Laakiin ma uusan quusan.

Kadib waxaa yimid qaliinkii – qaliin lagaga saaray kansarka lafta gacanta, waxaana lagu beddelay prosthesis (lafta macmalka ah).

Kadib 3 kemotherapy oo kale, dose kii ugu danbeeyey isagoo qaatay ayaa waxaa ku dhacay in uu ku sumoobay daawadii kemotherapy bil ICU ayuu ugu jiray; ilaa laga quustay dhakhtarradii ku qornaana waxay yidhaahdeen waa ay adag tahay inuu sii noolaado 24ka saac ee soo socota; wakhtigaa ay qabteenna wax weliba waa ay isku badaleen sida biriqii waxaan la filayn la qiyaasi karaynin ayey ahayd ilaahay caafimaad ayuu ugu badalay quustii dhakhtaradana rajo xage ilaahay ka timid iyo naxariis ayaa soo dagtay.

Bishii July 2022, dhakhtarku wuxuu yiri: "Kansarku waanu ka weynnay jirkaaga, mana soo noqon doono noloshaada h**ey usii wado."

Mubaarak waa uu qoslay oo aad u farxay, Wuxuu u sheegay hooyadiis farxadda Hooyadii way ooyday, ehelkiis iyo asxaabtiisana aad ayey arintaas u farxad gelisay rajo dhimatay oo soo noolaatay ilaahay unbaa laga helaa.

Wuxuu rumaystay in uu dhammaaday dagaalkiina uu ka joogsaday.

🌧️ Qaybtii 2aad: guuxii yaraa ee nodules ahaa– Sambabada (2024)

Sanadihii dambe, Mubaarak waxa uu ku noolaa nolol caafimaad leh, Waxa uu qorsheynayay mustaqbal; umaddiisa ayuu shaqeenayey uuna ahaa dhakhtar bulshadiisa laga jecel yahay, waa uu guursaday gabdh yar ilaahay siiyey Waxa uu iloobay kansarka iyo dhibaatadii uu kasoo maray h**ey ayuuna u socdaalay.

Laakiin Nofembar 2024 ayuu check up caadi ah u aaday 2 sano kadib, si uu bal xaalkiisa ula socdo dhakhtarku markale ayuu yiri: "Waxaan ka helnay nodules sambabada ah. Kansarku dib ayuu u soo laabtay balse ku kooban hal dhinac."

Mubaarak indhihiisu way is qabteen. "Mar kale?!"

Laakiin mar labaad ayuu dagaallamay.

2 kemotherapy kahor qaliinka. Qaliin lagaga saaray qanjidhada nodules sambabada ah inta uu ka gaaray xanuunka. 2 kemotherapy kadib qaliinka ayuu maray.

Bishii April 2025, dhakhtarku wuxuu haddana yiri: "Qanjidhadii nodules kansarka waa laga waayey jirkaaga."

Mubaarak ayaa ku celceliyay erayadii h**e: "Waxaan rumaystay in aan mar labaad ka bogsaday oo aysan dib iigu soo noqonaynin."

💔 Qaybtii 3aad: Duufaantii ugu kululeyd – Lafdhabarta iyo sanbabada (2026)

Laakiin qaddarku ma uusan weli dhammaan.

Abriil 2026. Mubaarak waxa uu dareemay dhabar xanuun qufac iyo culeys ku soo kordhay baaritaanno uu sameeyey xanuunka ayaa mar kale lagu arkay jirkiisa quus ayuu dareemay, ducada iyo rajo xaga ilaahay ka timid ayaa la helay dhakhtaro shiinaha jooga inay wax ka qaban karaan xaaladdan cusub waa loo qalab qaatay 1 jeer oo kemotherapy ahna waa uu sii qaatay, iyadoo howshiisa lagu jiro rajo weyna soo gashay ayaa lugaha – daciifnimo iyo culeys uu ka dareemay. Maalmo ka dib, lama uusan socon karin halmar ayey shaqada joojiyeen.

Waxaa la dhigay dhakhtarka si deg deg ah habeenkii jimcaha soo galayey; MRIdu waxay muujisay wax aad u xun:

"Wax u eg Kansarkii ayaa ku faafay lafdhabarta, oo cadaadis saartay xangulaha spinal cord compression waxaana uu wajahayaa khatar in noloshiisu uu curyaannimo galo joogta ah."

Erayadaas waxay ahaayeen kuwa ugu cuslaa, Dr Mubaarak ma uusan ooyin balse niyad jab xoogan ayey ku noqotay " kaar iyo xanuunka uu dareemayeyna mid uu cabiro karo ma ahayn"

Dhakhaatiirtu waxay yiraahdeen: Waa qaliin degdeg ah. Haddaynaan sameyn, wuu naafoobi karaa si joogto ah, go'aan isla goobta ayaan ku siinnay in qaliinkaa la galo si aan loo lumin fursadda lagu badbaadin karo inuusan curyaamin.

✨ Maalintii Guusha

Taariikhda: Jimcihii Abriil 24 , 2026

Qaliinka waxaa qabtay oo sameeyey neurosurgeon (dhakhtar qaliinka maskaxda iyo lafdhabarta). Qalab dhalaalaya, indho fiirsasho taxaddar leh, iyo daqiiqado adkaa.

Dhakhtarku markii uu soo baxay, wajigiisii farxad, waxa uu yiri:

"Qaliinku wuu guuleystay. Waxaan ka saarnay cadaaskii lafdhabarta."

Hooyadii Mubaarak way ooyday, waana ay la hadli weyday laakiin mar labaad – farxad weyn ayey ahayd.

🌱 Maanta: Halka Mubaarak joogo

Maanta, Dr Mubaarak Abdinur waxa uu jiifaa sariirta isbitaalka, laakiin wuu dareemi karaa lugaha waa uu ku istaagi karaa.

Wali ma socon karo. Laakiin dhakhaatiirtu waxay sheegeen:

"Waa uu da'yar yahay (29 jir). Waa uu ka kabsan doonaa, Fiziotherapy ayaa u baahan yahay, Waqti ayaa u baahan yahay, wuxuuna ku jiraa xilligii soo kabsashada."

Kemotherapy maanta la siin maayo – dhakhtarku wuxuu yiri: "Sug 2 ilaa 3 usbuuc, qaliinka ha bogsado."

Safar dheer oo caafimaad ayuu geli doonaa soo kabasho kadib, Shiinaha waa wadanka 1aad ee si weyn ula dagaalama xanuunada kansarka heerkaan gaaray, rajo weyn ayuu qabaa niyddiisu waa xoogan tahay xilligaan la joogo.

🕋 Qur’aanka iyo Rajo

Mubaarak hadda sariirtiisa isagoo saaran waxa uu ku celceliyaa:

{وَنُنَزِّلُ مِنَ الْقُرْآنِ مَا هُوَ شِفَاءٌ وَرَحْمَةٌ لِّلْمُؤْمِنِينَ ۙ وَلَا يَزِيدُ الظَّالِمِينَ إِلَّا خَسَارًا}.
"Ilaahay wuxuu yiri: 'Waxaan ugu soo dejinay Qur'aanka waxa uu yahay shifa' iyo naxariis kuwa rumaystay oo mu'miniinta ah.'" (Al-Israa: 82)

"Nabigii SCW wuxuu yiri: 'Ma jirto cudur Ilaahay soo dejiyay oo uusan u keenin dawo.'"

Wuxuu yidhaahdaa Dr Mubaarak: "Ilaahay dawo wuu soo diri doonaa. Waqti iyo sabar ayey u baahan tahay ."

💬 Farriintiisa dadka jecel

Dr Mubaarak Cabdinuur wuxuu yiri maanta:

"Kuma socon karo maanta lugahaga weli. Laakiin qalbigaygu wuu socon karaa, caafimaad ayaan dareemayaa waxaan dareemayaa naxariis ilaahay, ducadeyda oo ilaahay aqbalay ayaan dareemayaa, inta iga maqan waxaa ka badan intaan haysto, marna ilaahay ka rajo dhigi maayo Eedamka Ilaahay; go’aanka ilaahay iyo qadarkiis waan ku qanacsanahay maalinna isma oran ilaahay muxuu dhibaatadan kuugu qadaray. Anigu waa ku socon doonaa lugahayga waana ka guuleysan doonaa xanuunkan iyo imtixaankan ilaahay idankiis."

🤲 Waxaad samayn kartaa

· 📿 Duco: ugu ducee Mubaarak in uu mar kale ilaahay socdsiiyo oo cagahiisa isu taajiyo caafimaadna ilaahay siiyo.

· 📢 La wadaag: Sheekadan kooban si dad badani ugu duceeyaan
· 🫂 Ha iska indha tirin: Qof kasta oo xanuunsan ama dhibaataysan, xusuusnow in 30 daqiiqo oo aad booqato ay ka sii fiican tahay 1000 hadal.

🌅 Ugu dambeyn

Sheekada Mubaarak weli ma dhammaan.

Waa sheeko qoraalkeeda weli socoto waa qaybta 3aad – laakiin qaybta 4aad iyo 5aad Ilaahay baa og.

Waxaanse hubaa:

Mubaarak wuu dagaallami doonaa. Eedamka Ilaahayna wuu guuleysan doonaa.

Dr.Dayib Abdulkadir

21/04/2026

Qofka hadalkiisu bato wuu nuxur beelaa!!!

20/04/2026

Intaad aadmi tabi lahayd!!!

19/04/2026

Noloshu oo dhana sabar ayey u baahan tahay!!!

18/04/2026

Quraanka ilaahay soo dajiyey!!!

16/04/2026

Baryo kasta oo uu qofka ilaahay baryo wuu aqbalaa!!!

15/04/2026

Inaad laab fiyoobaataa!!!

12/04/2026

Haddaad maalin jabto macnaheedu ma ahan!!!

Address

Iimaan Center
Hargeisa

Opening Hours

Monday 07:00 - 21:00
Tuesday 07:00 - 21:00
Wednesday 07:00 - 21:00
Thursday 07:00 - 21:00
Saturday 07:00 - 21:00
Sunday 07:00 - 21:00

Telephone

00252907663425

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr.Dayib Abdulkadir posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Dr.Dayib Abdulkadir:

Share