Hargeisa Group Hospital

Hargeisa Group Hospital wadajir baan ugu adeegaynaa caafimaadka bulshada

08/06/2026

“ Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Caafimaad Ayaa Ka Qayb Galay Agab Caafimaad Oo Lagu Wareejiyey Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa.

Maanta waxaa si rasmi ah loo kala saxeexday heshiis iskaashi (MoU) oo u dhexeeya Cusbitaalka Guud ee Hargeysa iyo Cusbit...
07/06/2026

Maanta waxaa si rasmi ah loo kala saxeexday heshiis iskaashi (MoU) oo u dhexeeya Cusbitaalka Guud ee Hargeysa iyo Cusbitaalka Maanka ee Sahan, kaas oo lagu xoojinayo wada shaqaynta labada hay’adood ee dhinaca adeegyada caafimaadka.

Heshiiskan ayaa diiradda saaraya horumarinta daryeelka bukaannada qaba xanuunnada dhimirka, is-dhaafsiga khibradaha iyo aqoonta caafimaad, taageerada dhakhaatiirta takhasuska leh, iyo qabashada tababaro lagu kobcinayo tayada iyo hufnaanta adeegyada caafimaad ee la siiyo bulshada.

Munaasabadda saxeexa heshiiska ayaa ka qabsoontay xafiiska Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, Dr. Ahmed Wali Daahir Xaddi, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashigan cusub.

Waxa la filayaa in heshiiskani door muuqda ka qaato horumarinta adeegyada caafimaadka dhimirka iyo kor u qaadista daryeelka loo fidiyo bukaannada u baahan adeegyadaas.

Xafiiska Warbaahinta
Cusbitaalka Guud ee Hargeysa

06/06/2026

Farmasii Cusub Oo Lagusoo Kordhiyey Cusbitaalka Guud Ee Hargeyaa Iyo Wasiirka Caafimaadka Oo Xadhiga Jaray.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Bashiir Xirsi ayaa habeenimadii xadhigga ka jaray Farm...
06/06/2026

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Bashiir Xirsi ayaa habeenimadii xadhigga ka jaray Farmasii cusub oo 24 saacadood shaqaynaya, kaas oo lagu soo kordhiyey Cusbitaalka Guud ee Hargeysa si loo xoojiyo adeegyada dawooyinka ee la siiyo bukaannada.

Wasiirka ayaa markii uu soo gaadhay cusbitaalka waxa ku soo dhaweeyey maamulka Cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo ay hormuud u ahaayeen Agaasimaha Cusbitaalka Dr. Axmedweli Daahir Xaddi iyo Agaasime Ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cayngal.

Agaasimaha Cusbitaalka Dr. Axmedweli Daahir Xaddi ayaa Wasiirka ka siiyey warbixin ku saabsan muhiimadda farmasigan cusub iyo doorka uu ka qaadan doono daboolidda baahiyaha dawooyinka ee bukaannada, isaga oo xusay in adeeggu uu si joogto ah u shaqayn doono 24-ka saacadood.

Dhankiisa, Wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa maamulka iyo shaqaalaha cusbitaalka ku ammaanay dedaalka, naf-hurnimada iyo horumarka ay ka sameeyeen tayeynta adeegyada caafimaadka, isaga oo ku bogaadiyey hirgelinta farmasigan cusub oo wax weyn ka tari doona adeegyada loo fidiyo bulshada.

Farmasigan cusub ayaa fududayn doona helitaanka dawooyinka wakhti kasta, isaga oo kor u qaadaya tayada adeegyada caafimaad ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.

Xafiiska Warbaahinta
Cusbitaalka guud Ee Hargeysa

06/06/2026

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Ayaa Xadhiga Ka Jaray Farmasi Cusub Oo 24-ka Saacadood Shaqeynaya Oo Lagusoo Kordhiyey Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa.

03/06/2026

Wasiirka Caafimaadka JSL Ayaa Xalay Kormeer Shaqo Ku Yimi Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa.

Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, Ururka Nursing-ka iyo Umulisooyinka Somaliland (SLNMA) oo ka wakiil ah hay’adda Direct Rel...
01/06/2026

Cusbitaalka Guud ee Hargeysa,

Ururka Nursing-ka iyo Umulisooyinka Somaliland (SLNMA) oo ka wakiil ah hay’adda Direct Relief ayaa maanta agab caafimaad oo loogu talagalay gurmadka iyo xaaladaha deg-degga ah ku wareejiyey Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.

Agabkan oo ahaa qalab caafimaad oo dhamaystiran, isla markaana muhiim u ah ka jawaabista xaaladaha deg-degga ah iyo adeegyada caafimaadka, ayaa lagu wareejiyey munaasibad ay ka soo qayb-galeen xubno ka tirsan Ururka Nursing-ka iyo Umulisooyinka Somaliland, maamulka Cusbitaalka Hargeysa iyo masuuliyiin ka socday Ciidanka Qaranka Somaliland.

Masuuliyiintii ka hadlay munaasibadda ayaa xusay muhiimadda uu agabkani u leeyahay kor u qaadista adeegyada caafimaadka iyo xoojinta awoodda hay’adaha ka faa’iidaysan doona, gaar ahaan xilliyada ay dhacaan xaaladaha deg-degga ah.

Agaasimaha Cusbitaalka Hargeysa, Dr. Axmed-wali Daahir Xaddi ayaa uga mahadceliyey Ururka Somaliland Nursing and Midwifery Association "SLNMA" iyo hay’adda Direct Relief taageerida ay soo gaadhsiiyeen, isaga oo tilmaamay in qalabkani wax weyn ka tari doono adeegyada caafimaad ee cusbitaalku bulshada u hayo.

Sidoo kale, Dr. Farhaan, oo ka mid ah madaxa hogaanka caafimaadka ee Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa mahadnaq u jeediyey cidii ka qayb-qaadatay deeqdan, isaga oo sheegay in agabkan caafimaad uu kaalin muhiim ah ka qaadan doono gurmadka iyo daryeelka caafimaad ee ciidamada.

Gebagebadii, masuuliyiinta iyo ka qayb-galayaashii munaasibaddu waxay adkeeyeen muhiimadda iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha caafimaadka, ururrada xirfadlayaasha caafimaadka iyo hay’adaha samafalka si loo xoojiyo adeegyada caafimaad ee dalka loona gaadho bulshada u baahan taageerada caafimaad.

Cusbitaalka Guud ee Hargeysa,Maamulka Cusbitaalka Guud ayaa  kulan dardaaran iyo duco isugu Jira u qabtay dhakhaatiir lo...
31/05/2026

Cusbitaalka Guud ee Hargeysa,

Maamulka Cusbitaalka Guud ayaa kulan dardaaran iyo duco isugu Jira u qabtay dhakhaatiir loo dirayo dalka Taiwan, kuwaas oo uu Cusbitalka wayni u dirayo sidii ay aqoontooda iyo khibradooda uga Soo korodhsadaan halkaas.

Kulankan oo uu Hogaaminayo Agaasimaha Cusbitalka Dr. Ahmed-wali Daahir Xaddi
Waxa kale oo ku wehelinayay Agaasime ku xigeenka Cusbitaalka Dr. Cabdiraxmaan Cayngal, coordinatorka Taiwan, teamka Taiwan medical mission iyo dhakhaatiir kale oo iyagu h**e loogu diray dalka Taiwan oo Cusbitalka ka hawl gala wakhti xaadirkan, maamulku wuxuu dardaaran iyo duco isugu daray dhakhaatiirta bixi doona maalinta bari ee bishu 1/6/26 tahay kuwaas oo ku maqnaan doona mudo 3 bilood ah.

Waxaan u rajaynaynaa dhakhaatiirtaas inuu guul ugu soo dhamaado soona weeleeyaan aqoonta iyo khibradda ay ka helaan, si ay bulshada ugu adeeggaan.

Xafiiska Warbaahinta
Cusbitaalka Guud ee Hargeisa

Hooyada Qaranka JSL Marwo Farduus Maxamed Rooble ayaa maanta la ciiday bukaanada dhimirka ka xannuusanaya ee ku jira Cus...
27/05/2026

Hooyada Qaranka JSL Marwo Farduus Maxamed Rooble ayaa maanta la ciiday bukaanada dhimirka ka xannuusanaya ee ku jira Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa.

Marwada ayaa bukaanada la wadaagtay farxadda ciidda iyo dhiirigelin, waxaana cusbitaalka kusoo dhaweeyey Agaasimaha Cusbitaalka Dr Axmedweli Daahir Xaddi, Agaasime Ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cayngal, madaxda qaybta dhimirka Dr Ayaanle Hagoog Maamulaha Qaybta Cuntada Marwo Xaddiyo Iyo Masuuliyiinkale

Maamulka Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa ayaa uga mahadceliyey Hooyada Qaranka booqashada iyo garab istaagga ay u muujisay bukaanada.

Xafiiska Warbaahinta
Cusbitaalka Guud Ee
Hargeysa.

27/05/2026

Marwada Madaxweynaha Qaranka Marwo Farduus Maxamed Rooble Ayaa La Ciidey Bukaanada Qaybta Maanka Ee Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa.

Address

Hargesa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hargeisa Group Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share