19/08/2026
Rejo Medical Volunteers iyo Kaabe Foundation oo iskaashanaya ayaa adeeg caafimaad oo bilaash ah ka fuliyey center-ka Kaam Haashin oo hoos taga degmada Xarshin ee DDS.
waxaa hal goob 11 saacadood oo xidhiidh ah loogu shaqeeeyey 855 bukaan oo loo sameeyey dawayn, baadhitaano, ilko buuxin, saaris iyo sifayn. Sidoo kale waxaa loo shaqeeyey bukaanada ka cabanaya dhanka maqaarka iyo xanuunada guud.