18/09/2026
๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐
Maanta oo ay taariikhdu tahay 18 September 2026, waxaa lagu qabtay JMA Hall, Xarunta Dhexe ee JMA kulanka bilaha ah ee wadajirka ah ee Golaha Fulinta iyo Golaha Dhexe ee JMA, kaas oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Fulinta ee JMA, Dr. Abdirisak Mohamed Abdi Gaaxnuug.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray:
1. Dib-u-eegista hawlihii 3-dii bilood ee la soo dhaafay iyo waxyaabihii u qabsoomay JMA.
2. Caqabadaha horyaalla shaqada iyo sidii xal loogu heli lahaa.
3. Dardargelinta hawlaha JMA iyo xoojinta wada-shaqaynta labada gole.
4. Qorshaha 3-da bilood ee soo socda iyo mudnaanta hawlaha la qorsheynayo.
Kulanka waxaa lagu soo gabagabeeyay is-afgarad iyo go'aanno lagu dardargelinayo hawlaha JMA, iyadoo labada gole ay isku raaceen in si wadajir ah loo sii xoojiyo shaqada iyo qorshayaasha ururka.