30/08/2026
๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐-๐๐๐๐๐ ๐๐
URURKA DHAKHAATIIRTA JUBALAND OO KA QEYB GALAY KULAN WADA-TASHI AH
Xoghayaha Guud ee Ururka Dhakhaatiirta Jubaland, Dr. Abdisalam Nur Ahmed (Asnac), oo matalayay Ururka Dhakhaatiirta Jubaland, ayaa ka qeyb galay kulan wada-tashi ah oo ay soo agaasimeen Jubaland Health Professional Council (JPHC).
Kulanka waxaa ka soo qeyb galay wakiillo ka socday Jaamacadaha iyo Machadyada Kismaayo, waxaana diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta ka dhexeysa JPHC, Jaamacadaha iyo Machadyada caafimaadka.
Xoghayaha Guud ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediyey JPHC, isagoo muujiyey sida ay muhiim u tahay aasaasidda Golaha Xirfadlayaasha Caafimaadka Jubaland. Waxa uu sidoo kale caddeeyey in Ururka Dhakhaatiirta Jubaland uu diyaar u yahay in uu si dhow ula shaqeeyo JPHC, si loo xoojiyo horumarinta iyo tayeynta xirfadda caafimaadka ee Jubaland.
Kulanka wuxuu sidoo kale ahaa mid isbarasho iyo is-xogwaraysi, waxaana Jaamacadaha iyo Machadyada lagu wargeliyay in la sameyn doono kormeer lagu sameynayo xarumaha waxbarashada caafimaadka, si loo hubiyo tayada waxbarashada iyo u hoggaansanaanta heerarka iyo shuruudaha xirfadda caafimaadka.
Kulankan ayaa muhiim u ah xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda hayโadaha caafimaadka, JPHC, Ururka Dhakhaatiirta Jubaland iyo xarumaha waxbarashada caafimaadka.