30/05/2026
Golihii h**e ee ururka dhakhatirta Jubaland ayaa si rasmi ah xilka ugu wareejiyey golaha cusub ee hoggaanka Ururka Dhakhaatiirta Jubaland.
Xil-wareejintan oo ka dhacday xarunta dhexe ee Ururka Dhakhaatiirta Jubaland ee magaalada Kismaayo, waxaa goob-joog ka ahaa xubnaha golaha dhexe iyo golaha fulinta ee ururka, kuwaas oo dhawaan lagu doortay doorasho hufan oo dimuqraadi ah.
Isla goobta waxaa documentska ku kala wareegay xogahayii h**e Dr Abdifatah iyo Xoghayaha cusub Dr Asnac.
Golihii h**e ee fulinta ayaa ugu horreyn hambalyo u diray golaha cusub, iyagoo u rajeeyey guul iyo horumar ay ku gaaraan waajibaadka loo igmaday. Sidoo kale, waxay ballanqaadeen inay la shaqeyn doonaan islamarkaana garab istaagi doonaan hoggaanka cusub si loo sii xoojiyo horumarka iyo adeegyada ururka.
Ururka Dhakhaatiirta Jubaland wuxuu door muhiim ah ka qaataa horumarinta xirfadda caafimaadka, kor u qaadidda tayada adeegyada caafimaad, iyo mideynta dhakhaatiirta ka howlgasha Jubaland.