11/08/2026
Aan tusaale ahaan u qaadanno terminal dhexdhexaad ah oo Laascaanood Airport ah, qiyaastii 2,000 m².
Haddii dhismaha terminalka lagu qiyaaso $1,200 halkii m², dhismaha keliya wuxuu noqonayaa qiyaastii $2.4 million. Marka lagu daro qalabka check-in-ka, security-ga, baggage-ka, koronto/biyo, parking yar, engineering iyo lacag kayd ah, waxaan u dejin karnaa bartilmaameed dhan $4 million.
Dadka waxaa looga qaadi karaa si heerar ah, si qof walba awooddiisa ugu qayb qaato:
* Qof caadi ah: $20–$50
* Qoys: $100–$250
* Qurbo-joog: $200–$1,000
* Ganacsade yar: $500–$2,000
* Ganacsade weyn/shirkad: $5,000–$50,000+
Tusaale ahaan, haddii 40,000 qof ay bixiyaan $50 = $2 million. Haddii 5,000 qurbo-joog ah ay bixiyaan $200 = $1 million. Kadibna ganacsatada iyo shirkaduhu iyo dal iyo dibadba haddii ay keenaan $1 million, waxaa la gaadhayaa $4 million oo terminalka lagu dhisi karo.
Waxa ugu fiican waa in lacagta lagu ururiyo account Gudiga uu madaxweynaha magacabay , lana soo saaro warbixin joogto ah: inta la helay, cidda bixisay, iyo halka lacagtu ku baxday. Taasi waxay dadka siinaysaa kalsooni inay sii taageeraan mashruuca.