25/05/2026
🚨 Digniin Caafimaad & Wacyigelin Bulsho 🚨
Kadib waayihii adkaa ee dunidu kasoo martay cudurka COVID-19, waxaa muhiim ah in bulshada Soomaaliyeed ay sii joogteeyaan feejignaanta caafimaad iyo ka hortagga cudurrada faafa. Taariikhdu waxay ina bartay in cudurrada faafa aysan xuduud lahayn, islamarkaana badbaadadu ku jirto wacyigelin, taxaddar iyo iskaashi bulsho.
Maanta waxaa mar kale soo baxaya walaac la xiriira cudurka Ebola Virus Disease oo laga soo sheegay dalal kamid ah Afrika, gaar ahaan Uganda iyo Democratic Republic of the Congo. Inkastoo Soomaaliya aan laga soo sheegin xaalado rasmi ah, haddana feejignaan iyo diyaar garow waa lama huraan.
Bulshada waxaan ku boorinayaa:
• In la ilaaliyo nadaafadda gacmaha iyo deegaanka
• In laga fogaado taabashada qof qaba calaamado laga shakisan yahay
• In si degdeg ah loola xiriiro xarumaha caafimaadka haddii la arko qandho daran, matag, shuban ama dhiig-bax
• In aan la faafin warar aan la hubin, balse lagu kalsoonaado xogaha rasmiga ah ee caafimaadka
Cudurrada faafa waxaa looga guuleystaa aqoon, isku duubni iyo taxaddar joogto ah.
🤲 Alle SWT haka ilaaliyo Soomaaliya iyo guud ahaan ummadda Muslimiinta cudurrada faafa, caafimaad darro iyo dhibaato kasta.
اللهم احفظ بلادنا وأهلنا من الأوبئة والأسقام، وارزقنا الصحة والعافية الدائمة.
Please and .