22/07/2026
Jaamacadda Benadir waxay si weyn ugu hambalyeynaysaa 14-ka arday ee ka qalin-jabiyay Kuliyadda Shareecada & Qaanuunka, kuwaas oo kasoo gudbay Imtixaanka Qareennimada Soomaaliyeed 2026.
Waxa farxad gaar inoo ah in dhammaan 14-kii arday ee imtixaanka u fariistay ay kuwada guuleysteen, taasoo mar kale muujinaysa tayada waxbarashada, dadaalka ardayda, iyo hufnaanta barnaamijyada tacliimeed ee Jaamacadda Benadir.
Guushan waa astaan muujinaysa himiladeenna ah soo saarista qareenno aqoon, anshax iyo xirfad ku hoggaamiya bahda caddaaladda