22/08/2026
# # # Caymis Caafimaad: Badbaadinta Naf iyo Dhaqaale
Caymiska caafimaad waa hubka ugu weyn ee nafta bini’aadamka ku helayso kalsooni iyo badbaado. Waa nidaam u oggolaanaya qofka inuu helo daaweyn, baaritaan iyo qaliin walwal la’aan, iyadoon uu ka fakarin kharashka culus ee ku baxa adeegyada caafimaadka.
Subax kasta, waxaan la kulmaa 5 ilaa 10 bukaan oo si joogto ah iila hadla sidii loo yareyn lahaa qarashka ku baxa daawada, baaritaanka iyo qaliinka. Bukaanku mararka qaar waxay isticmaalaan ereyo ay yaqaaniin sida “free” ama qiimo dhimis, balse xal waara waxaa ah caymis caafimaad oo loo dhan yahay—nidaam ay dunidu muddo dheer adeegsanaysay.
Somaliya, sannadihii u dambeeyay waxaa si gaar ah loo isticmaalaa caymiska caafimaadka ee shaqaalaha u shaqeeya hay’adaha caalamiga ah. Caymiskan waxaa loogu talagalay shaqaalaha iyo qoysaskooda dhow: isga, xaaska iyo carruurta. Si kastaba ha ahaatee, mararka qaar waxaa dhacda in shaqaalaha si qaldan ugu adeegsanayaan caymiska daaweynta ehel kale oo aan loogu talagalin, sida habaryar, eedo, abti, adeer iyo kuwo kale. Tani waxay muujinaysaa baahida loo qabo nidaam cad oo xaddidaya cidda xaqa u leh caymiska, si loo ilaaliyo hufnaanta iyo waxtarka nidaamka.
---
Haddaba, caymis caafimaad oo loo dhan yahay wuxuu noqon karaa furaha lagu yareeyo walwalka dhaqaale ee bukaanka, isla markaana lagu xaqiijiyo in qof kasta helo daryeel caafimaad oo joogto ah.
Benadir University
Benadir University Medical Student Association BUMSA
Medical Alumni of Benadir University Mc-AABU