29/09/2025
Shinbirkii llaahay u tasbiixsan jiray ee aamusay!
Waxaa jiray shinbir yar oo llaahay maalin walba Xusi jiray waligiina aan ka daalin...
Maalin maalmaha ka mid ah shibirkii yaraa ayaa joojiyey
Xuskii Alle ee Joogtada u ahaa....
Malaaiigtii ka war haysay ayaa waydiisay ilaahay SW "Yaa Allah maxa aamusiiyay shibirkii yaraa ee maalin walba Tasbiixsanjiray?
llaahay subxaanahuu wa tacaalaa ayaa ugu jawaabay
" daaya wuu iisoo nogon doona ma haysto ilaah aan aniga ahayn oo uu u cowdo"
Maalinkii danbe shibirkii yaraa wuxuu ku istaagay laantii geedka, malaaigtiina waxay aad u dhagaysteen xaalkiisa iyo waxa uu odhan doono balse wuu hadli waayay........ intaas kadibna llaahay ayaa la hadlay oo wadiiyay
"shimbiryahaw hadal oo ka hadal waxa laabtaada cidhiidhiga galiyay"
Waxaa uu yidhi shinbirkii "Yaa Allaah Waxaan lahaa buul yar oo hoy ii ahaa, aan ku nasan jiray weheshana jiray ilaahayow waad iga dumisay ee maxaad dabaysha wayn u soo dirtay...... ilmo ayaa kusoo istaagtay shinbirkii... hadalkina wuu sii wadi kar waayay ilayn llaahay ayaa la hadlee... Malaa'iigtiina way foorarsadeen iyaga oo ka fikiraya xaalka xiga.
Intaas kadib llaahay baa u jawaabay oo yidhi "Waxaa jiray Mas kusoo waajahnaa buulkaaga adiga oo hurda, mrkaa waxaan amray dabaysha inay geedka ruxdo oo ay ka tuurto maska si aad uga badbaado adiga.. maxaan balaayo kugu soo socotay kaa duway maadama aan ku jecla adiguna waad igaga fogaatay badbaadadaada awgeed"
Ilmo badan ayaa shinbirkii yaraa indhihiisii ka timi buuxisay Samada. " waxaanu yidhi Yaa Allaah yaa kaa Ogaal iyo Naxariis badan"... Alxamdulilaah.
Haka murugoon hadii llaahay kaa joojiyo waxaad jeclayd inaad noqoto ama kuu suurto galin waayay waxad ku hamiyaysay..
"وَعَسَىّ أَن تَكْرَهُواْ شَيًّا وَهُوَ خَيْرٌ لَكُمْ وَعَسَىّ أَن تُحِبُّواْ شَيًّا وَهُوَ شَرٌّ لَكُمْ وَاللّهً
يَعْلَمُ وَأَنتُمْ لَا تَعْلَمُونَ"
Hadii aad ogaan lahayd sida llaahay arimahaaga u dabaro ee uu balaayooyinka kaaga hor joogsado qalbigaaga maxabadiisa ayaa ku badan lahayd...
Maa acdamaka yaa Allah
Alxamdulilaahi calaa ku xaal
Wanacuudu bilaah calaa xaali ahlu naar.
Alxamdulilaah
Fadlan nagu soo biir si aan wax u kala faa’idno fikirkagana comments nogu reeb share fallow like intaba ha iga ilaawin wll 🙏