12/08/2026
Maanta waxaan fursad u helay inaan booqdo Mulago National Referral Hospital ee magaalada Kampala, Uganda. 🏥🇺🇬
Mulago Hospital waxaa la aasaasay sannadkii 1913, iyadoo markii h**e ahayd xarun lagu daweeyo cudurrada galmada lagu kala qaado. Sannadkii 1962 ayaa si weyn loo ballaariyey, waxaana maanta uu yahay mid ka mid ah xarumaha caafimaadka ugu waaweyn Uganda.
Booqashadani waxay ii ahayd waayo-aragnimo qiimo badan oo aan ku indha-indheeyay adeegyada caafimaadka, nidaamka shaqada iyo horumarka laga sameeyay daryeelka bukaanka.
Xirfadda caafimaadku waa safar waxbarasho oo aan dhammaad lahayn; meel kasta oo aad tagtana waxaa jira aqoon iyo waayo-aragnimo cusub oo aad ka kororsan karto. Waxaan sii wadaa horumarinta aqoontayda iyo xirfaddayda, si aan mustaqbalka ugu adeego bulshadayda si ka wanaagsan. 🩺
Dr Abass Daweeye
Medical Doctor