17/10/2026
October 17 | International Day for the Eradication of Poverty 🌱
Saboolnimada Aan Ku Yaraynno Horumarinta Beeraha Waara
“Marka beeraleydu horumaraan, qoysasku way xoogaystaan, bulshaduna way kobocdaa.” 🌾
Saboolnimada waxaan ku yarayn karnaa maalgelinta beeraha, taageeridda beeraleyda Soomaaliyeed, iyo abuurista suuqyo ay si sinnaan ah uga faa’iidaystaan.
Soomaaliya, beeruhu ma aha oo keliya meel cunto laga soo saaro; waa il dhaqaale, shaqo-abuur, iyo nolol ay qoysas badani ku tiirsan yihiin.
Marka haweenka beeraleyda ah la siiyo suuqyo lagu kalsoon yahay, qiimayaal caddaalad ah, aqoon beeraha la xiriirta, iyo fursado dhaqaale, waxay awood u yeelan karaan inay kordhiyaan dakhligooda, horumariyaan qoysaskooda, isla markaana xoojiyaan bulshadooda.
BaadiGoob AgroLink waxay ka shaqaynaysaa isku xirka haweenka beeraleyda Soomaaliyeed iyo suuqyo wanaagsan, iyadoo ka taageeraysa helitaanka iibsadayaal lagu kalsoon yahay, xogta qiimaha suuqa, macluumaadka cimilada, iyo fursado ay ku kobciyaan wax-soo-saarkooda iyo dakhligooda.
Aan beeraha maalgelinno, haweenka beeraleyda ahna awood siinno, saboolnimadana yaraynno, Soomaaliya-na u dhisno mustaqbal cunto ku filan leh. 🌿
_________
Ending Poverty Through Sustainable Agriculture🌾
A stronger agricultural sector means stronger families, better livelihoods, and a brighter future for Somalia.
We can help end poverty by investing in agriculture, supporting Somali farmers, and creating fair market opportunities.
In Somalia, agriculture is more than a source of food; it is a source of income, employment, and hope for millions of people. By empowering women farmers with access to reliable buyers, fair prices, farming knowledge, and finance, we can build stronger communities and a more sustainable future.
BaadiGoob AgroLink is committed to connecting Somali women farmers with market opportunities and supporting their journey toward growth and financial independence.
🌿 Invest in agriculture. Empower women farmers. End poverty. Build a food-secure Somalia.